Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska

Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska

Share

ku soo dhawoow boga rasmiga ah ee Xarunta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed

Photos from Agaasinka Waxbarashada Gobolka Banaadir's post 09/09/2025
14/08/2025

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska ayaa Hambalyo udirtey Dhamaan ardeyda Soomaaliyeed kuwaasoo ku baasey imtixaanka 8aad ee dugsiga dhexe waxeyna si gaar ah ugu hambalyeysey ardeyda Dugsiga Hoose, Dhexe iyo sare ee Sareeye Guuto Maxamed Abshir Muuse.

07/07/2025

Muuqaal: Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeye guuto asad Cismaan Cabdullahi oo Shahaado sharaf Gadoonsiiyey Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Xaliimo-sacdiyo Yuusuf.

Photos from Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska's post 07/07/2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed sareeye guuto asad Cismaan Cabdullahi ayaa Shahaado sharaf Gadoonsiiyey Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Xaliimo-sacdiyo Yuusuf. Taasoo ay ku muteysatey doorkii ay ka qaatadey xuska todobaadka xoriyada. Waxeyna muujisey Karti iyo hufnaan Shaqo mudadii lagu jirey Xuska Maalmaha Xoriyada.

Agoonta boliiska ayaa si firfircoon ugu qeyb qaata xuska maalmaha xoriyada oo ah maalmo qiimo badan.

Sidoo kale waxaa shahaado sharaf halkaas lagu guddoonsiiyey saraakiil iyo ciidan kuwaasoo si wanaagsan ugu qeyb qaatey todobaadka xoriyada.

Photos from Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska's post 03/07/2025

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cismaan Cabdullaahi ayaa Caruurta Agoonta Boliiska ku booqday xaruntooda wakhtina lasoo qaatay.

Photos from Xarunta Barbaarinta Carruurta Boliiska's post 01/07/2025

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Dr. Hassan Sheikh Mohamud, Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska, iyo carruurta agoonta boliska ayaa si wadajir ah u dabaaldegay sanad-guuradii 65-aad ee kasoo wareegtay xorriyadda Soomaaliya, oo ku beegan 1-da Luulyo 1960.

01/07/2025

Hambalyo maalinka xoriyada Soomaaliya ee 1da luulyo

26/06/2025

Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed Xaliimo-sacdiyo Yuusuf ayaa ummada Soomaaliyeed ugu hambalyeysey munaasabada 26-ka June: "Hambalyo dhamaan ummada soomaaliyeed meel kasta ay joogan sannad guurada 65-aad ee kasoo wareegtay markii ay xornimada qaateen gobolada Waqooyi ee Soomaaliya ku beegan 26-ka June-1960kii.

Xornimadii gobollada Waqooyi waxay sababtay midowgii 1-da July-1960-kii iyo hanashada qaranimo buuxda, waxaan marnaba la ilaawi karin halgamayaashii naftooda usoo huray qaranimada aynu maanta ku naaloonayno’’. Ayuu ahaa hadalka taliyaha

Want your business to be the top-listed Government Service in Mogadishu?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Website

Address


Mogadishu