20/10/2026
Taliyaha Xarunta Barbaarinta Agoonta Boliiska Soomaaliyeed, Dhamme Xaliimo-Sacdiyo Yuusuf, ayaa ka qayb gashay munaasabadda daahfurka ololaha Mashruuca SAMEYS, oo ay soo qabanqaabisay hay’adda Women Hope Foundation (WHF), kaas oo diiradda saaraya horumarinta xirfadaha haweenka iyo kobcinta isku-filnaanshahooda dhaqaale.
Ka qaybgalka munaasabaddan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay taageeridda dadaallada lagu horumarinayo xirfadaha haweenka, dhiirrigelinta isku-filnaanshaha dhaqaale iyo xoojinta doorkooda ku aaddan horumarka bulshada.