Xisbiga Badbaada Umadda Soomaaliyeed

Website

Xisbiga Badbaada Umadda Soomaaliyeed “Badbaado Qaran, Midnimo Dadweyne”

“National Salvation, People’s Unity”

Ciid Mubarak
27/05/2026

Ciid Mubarak

Hooyo waa wadnaha qoys kasta, iftiinka guri walba, iyo tiirka ka dambeeya jiil kasta oo guuleysta.Hooyooyinka Soomaaliye...
10/05/2026

Hooyo waa wadnaha qoys kasta, iftiinka guri walba, iyo tiirka ka dambeeya jiil kasta oo guuleysta.

Hooyooyinka Soomaaliyeed waxaa lagu yaqaan samir, naf-hurnimo, jacayl dhab ah, iyo duco aan dhammaad lahayn oo ay u hayaan carruurtooda iyo dalkooda.

Maalintan gaarka ah, waxaan sharfeynaa dhammaan hooyooyinka dunida ku nool dadaalkooda, geesinimadooda, daryeelkooda, iyo kaalinta weyn ee ay bulshada ku leeyihiin.

Maalin Wanaagsan oo Hooyooyinka Adduunka ah dhammaan hooyooyinka qiimaha badan. Jacaylkiinna iyo naxariistiinnu waxay dhisaan qoysas adag, bulshooyin wanaagsan, iyo mustaqbal ifaya oo bani’aadamka u horseeda horumar iyo barwaaqo. 💐

WAR-SAXAAFADEED ADAGXisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP).Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu si...
11/02/2026

WAR-SAXAAFADEED ADAG
Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP).

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu si kulul oo aan gambasho lahayn u cambaareynayaa tallaabadii foosha xumeyd ee ay qaadeen maamul goboleedyada Jubbaland iyo Puntland, kuwaas oo hub waaweyn iyo hub yarba la yimid Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo abuuraya jawi colaadeed iyo cabsi gelin shacabka Soomaaliyeed.

Arrintani waa mas’uuliyad darro siyaasadeed, ku tumasho dastuurka iyo sharciyada dalka, isla markaana dhaawac ku ah karaamada iyo midnimada Qaranka. Caasimadda Soomaaliyeed ma aha goob lagu soo bandhigo awood ciidan ama lagu muujiyo loollan siyaasadeed oo hubeysan. Waa xarunta dowladnimada, sharciga, iyo midnimada ummadda.

Waa arrin murugo leh in labada Maamul goboleyd Madaxdoodi marka ay u safraan garoomada kale lagu xiro sharciyo adag iyo baaritaanno amni, halka Caasimaddii Qaranka lagu soo gelinayo hub culus si fagaare ah. Tani waxay muujinaysaa kala dambeyn la’aan iyo dayacaad mas’uuliyadeed oo ka timid dhinacyada ay khuseyso, oo ay ku jirto dowladda dhexe oo looga fadhiyey inay ilaaliso amniga iyo karaamada Caasimadda.

SNSP waxay caddeyneysaa in Soomaaliya aysan qaadi karin waddo mustaqbal siyaasadeed oo ifaya haddii hoggaamiyeyaasha qaar ay ku dhaqmaan siyaasad ku dhisan cabsi gelin, awood ciidan, iyo muujin colaadeed. Mustaqbalka dalka waxaa lagu dhisaa wada hadal, sharciyad, ixtiraam dastuur, iyo wadajir qaran — ma aha hub iyo hanjabaad.

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu ugu baaqayaa:
In si degdeg ah loo joojiyo dhaq-dhaqaaq kasta oo hubeysan oo lagu wiiqayo amniga Caasimadda.

In dowladdu qaadato mas’uuliyaddeeda dastuuriga ah ee ilaalinta amniga Qaranka.
In la ilaaliyo midnimada iyo karaamada Caasimadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Ummadda Soomaaliyeed waxay u baahan tahay nabad, kala dambeyn iyo hoggaan qaran oo masuul ah — ma aha muujin awood ciidan iyo hurin khilaaf siyaasadeed.
Soomaaliya waxay mudan tahay dowladnimo iyo mustaqbal ka fog cabsi iyo hub siyaasadeed.

Mahadsanidiin.
Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)

BAYAAN RASMI AH – XISBIGA BADBAADADA UMADDA SOOMAALIYEED (SNSP)Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) waxa uu si ...
12/01/2026

BAYAAN RASMI AH – XISBIGA BADBAADADA UMADDA SOOMAALIYEED (SNSP)

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) waxa uu si weyn u soo dhaweynayaa uguna bogaadinayaa go’aanka taariikhiga ah ee ay caawa qaadatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Wasiirrada, kaas oo lagu joojiyey lana baabi’iyey dhammaan heshiisyadii iyo is-afgaradyadii lala galay Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE).

Go’aankan geesinimada leh waa mid waafaqsan aragtida qarannimo, madaxbannaani, iyo ilaalinta danaha umadda Soomaaliyeed. Waxa uu sidoo kale ka tarjumayaa biseyl siyaasadeed iyo masuuliyad qaran oo ay Dowladda Federaalka Soomaaliya muujisay xilli dalkeennu u baahan yahay go’aanno adag oo lagu difaacayo sharafka iyo aaya-ka-tashiga umadda.

Xisbiga SNSP waxa uu si cad u xusuusinayaa in go’aankan uu yahay mid aan sanado ka hor si rasmi ah ugu soo jeedinay Madaxweynaha xilka haya, annagoo ku saleynay danta guud, amniga qaranka, iyo madax-bannaanida siyaasadeed ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Sidaa darteed, caawa waxa ay noo tahay habeen ciid ah, habeen aan mugdigii ka baxayno, una tallaabayno waddo iftiin, midnimo iyo go’aan qaran oo mideysan.

Waxaan si gaar ah u ugu amaanaynaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya iyo Golaha Wasiirrada geesinimada, go’aan-qaadashada, iyo dhegaysiga codka umadda iyo talooyinka siyaasadeed ee ku dhisan danta qaranka.
Ugu dambayn, Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) waxa uu mar walba garab taagan yahay go’aan kasta oo lagu ilaalinayo madax-bannaanida dalka, midnimada shacabka, iyo mustaqbalka jiilalka Soomaaliyeed.

Guul Soomaaliya.
Guul Go’aanka Qaran.
Guul Umadda Soomaaliyeed.

28/12/2025

“Dulmi Ma Dhasho Nabad: Casharka Falastiin iyo Digniinta Qaranimada Soomaaliyeed”.

HADAL KULUL OO DALIIL LEH (BAYAAN)
Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu si cad u muujinayaa mowqifkiisa ku aaddan gardarrada joogtada ah ee ka dhanka ah shacabka Falastiin, taas oo ku saleysan dulmi, barakicin iyo xadgudub ka dhan ah xuquuqda aadanaha. Taariikh ahaan, Falastiiniyiin badan ayaa lagu khasbay barakac, hantidoodii iyo dhulkoodiina laga qaaday, arrintaas oo weli sii socota.

Diinteennu Islaamka waxay si adag u cambaareysaa dulmiga, waxayna ina faraysaa cadaalad:
“Ha u janjeerinina dulmiga; haddii kale dab ayaa idin taaban doona.”
(Qur’aan 11:113)
Sidoo kale:
“Ilaahay ma jecla dulmiga.”
(Qur’aan 3:57)
Aayadahani waxay caddeynayaan in dulmi kasta uu leeyahay cawaaqib, ayna lama huraan tahay in xaqa iyo cadaaladda la raaco—iyadoon loo kala eegin cidda dulminaysa ama cidda la dulminayo.

SNSP waxay walaalaheenna Waqooyiga Soomaaliya iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ku wacyigelinaysaa in arrimaha qaranimada, dhulka iyo martigelinta loo wajaho feejignaan, sharci iyo midnimo qaran, lagana barto casharrada taariikhda adduunka: barakac, kala-qaybin iyo faragelin shisheeye mar walba waxay horseedaan dhibaatooyin waqti dheer ah.
Taariikhdu waxay ina tusaysaa in xal waara uusan ka imaan karin xoog, barakicin ama cabburin, balse uu ka imaanayo cadaalad, wada-hadal iyo ilaalinta xuquuqda dadka rayidka ah. Sidaa darteed, SNSP waxay ku baaqaysaa:

In la joojiyo gardarrada ka dhanka ah shacabka Falastiin
In la ilaaliyo xuquuqda dadka rayidka ah meel kasta
In midnimada iyo mas’uuliyadda qaran ee Soomaaliyeed la adkeeyo
Dulmi ma dhalo nabad; cadaaladdu waa jidka kaliya ee xal waara.
Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)

BAYAAN CULUS OO KA SOO BAXAYXISBIGA BADBAADADA UMADDA SOOMAALIYEED (SNSP)Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) w...
27/12/2025

BAYAAN CULUS OO KA SOO BAXAY
XISBIGA BADBAADADA UMADDA SOOMAALIYEED (SNSP)
Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu si adag oo cad u cambaareynayaa tallaabo kasta oo ay dowladda Israel ama cid kale ku doonayaan in ay ku aqoonsadaan waxa la yiraahdo “Somaliland” inay tahay dal madax-bannaan. Tani waa faragelin toos ah, jabinta sharciga caalamiga ah, iyo xadgudub ka dhan ah midnimada, madaxbannaanida iyo karaamada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Israel waa dal wali ku dhisan muran siyaasadeed iyo sharci-jab joogto ah, islamarkaana dunida inteeda badan ka taagan yihiin su’aalo ku saabsan xuduudihiisa iyo sharciyaddiisa. Sidaas darteed, waa arrin la yaab leh in dal wali lagu muransan yahay jiritaankiisa uu isku dayo inuu aqoonsi siiyo maamul goboleed ka tirsan dal kale oo xubin buuxda ka ah Qaramada Midoobay.

Intaas waxaa dheer, muwaadiniin badan oo Israeliyiin ah ma ku safri karaan si ammaan ah baasaboorkooda meelo badan oo caalamka ah, taasoo ku qasabtay qaar badan inay adeegsadaan baasaboorro dalal kale sida kuwa Yurub iyo Mareykanka, iyagoo ka cabsi qaba falcelin ka dhalata siyaasadaha gardarrada ah ee ay ku hayaan Falastiin. Dal xaaladdaas ku jira sidee ayuu ugu qalmaa inuu go’aamiyo aqoonsiga dalal kale?

Arrinta ugu culus ayaa ah in Israel ay si sharci-darro ah u haysato dhul ka tirsan Falastiin, oo ah dal Muslim ah oo xaq u leh madax-bannaani buuxda. Sidaa darteed, Israel iyadaa ah mid u baahan xal, cadaalad iyo aqoonsi sharci ah, ee ma aha dal u qalma inuu kala qeybiyo dalal kale.
Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu si cad u sheegayaa:
Ma aqbali doonno in karaamada Soomaaliya lagu xadgudbo.

Ma aqbali doonno kala qeybinta dalka iyo jebinta midnimada ummadda.
Ma aqbali doonno faragelin shisheeye oo lagu wiiqayo madaxbannaanida Soomaaliya.
Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, mana jirto cid xaq u leh inay ka goyso. Qof kasta ama dowlad kasta oo isku dayda arrintaas—ha noqoto Israel ama cid kale—waxay wajihi doontaa diidmo buuxda, cambaarayn siyaasadeed, iyo halgan sharci ah.

Ugu dambeyn, SNSP wuxuu ugu baaqayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed, dunida Islaamka, iyo dadka xorta ah ee caalamka: Ka istaaga gardarrada, difaaca midnimada Soomaaliya, hana la diido aqoonsi kasta oo sharci-darro ah.
Soomaaliya waa hal dal, hal ummad, hal calan.
— Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)

08/10/2025

BISMILLAAHI RAXMAANI RAXIIM

OGEYSIIS MUHIIM AH

Dhamaan umadda Soomaaliyeed ee ku nool caasimadda Muqdisho waxaa lagu wargelinayaa in ay ka baaqdaan banaanbaxa lagu iclaamiyey in uu dhaco berri oo Khamiis ah, taariikhdu tahay 09.10.2025.

Waxaan ugu baaqeynaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Muqdisho, in ay muujiyaan xasilooni, dulqaad iyo taxaddar, maadaama banaanbax kasta – mid nabadeed ama mid colaadeed – uu keeni karo khasaare naf iyo maalba leh.

Haddii aad rabto mustaqbal wanaagsan iyo nolol caafimaad leh, fadlan ka fogow fal kasta oo khatar gelin kara amnigaaga iyo kan bulshada.

Sidoo kale, waalidiinta waxaan si gaar ah ugu baaqeynaa in ay la socdaan carruurtooda, isla markaana ka ilaaliyaan in ay ku lug yeeshaan arrimo halis ah.

Inta aan ognahay, dowladda Federaalka Soomaaliya waxay h**e u joojisay banaanbixii h**e, waxayna digniin adag ka bixisay kan berri la qorsheynayo. Dhanka kale, mucaaradkuna hanjabaad bay soo saareen, taasoo keeni karta in cadowga Soomaaliya uu ka faa’iideysto xaaladda, si uu uga dhigo mid dhaawacda midnimada iyo nabadda dalka.

Sidaas darteed, qof walba oo akhriya fariintan waxaa laga codsanayaa in uu gaarsiiyo walaalaha kale, si dadka looga badbaadiyo khatar kasta oo dhici karta.

Mahadsanidiin.

Waxaa soo saaray:
Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)
Xoghayaha Guud

Baaq Rasmi ah oo Ka Soo Baxay Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)...
06/10/2025

Baaq Rasmi ah oo Ka Soo Baxay Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) waxa uu si adag uga soo horjeedaa ficilka foosha xun ee ay ku dhaqaaqeen Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaaraha, iyo sidoo kale Guddoonka Baarlamaanka gaar ahaan Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xubnihiisa.

Waa arrin ceeb iyo argagax leh in dal 100% Muslim ah lagu ansixiyo xeer ka hor imanaya diinta Islaamka, dhaqanka wanaagsan iyo sharafta umadda Soomaaliyeed. Xeerkaas uu Golaha Wasiirrada iyo Baarlamaanku meel mariyeen waxa uu si cad u dhigaya in carruurta Soomaaliyeed ay “xor u yihiin” in ay doortaan diin kale — ha noqoto Islaam ama Masiixi — inta ay yar yihiin 5 jir ilaa 17.

Tallaabadan waxaa ku jirta gef weyn oo diimeed, dhaqan iyo qaranimo ah. Waxaa la hilmaamay dhaartii aad u marteen in aad difaacdaan diinta, dalka iyo dadka Soomaaliyeed. Maxaa dhacay dhaartii aad u qaaday Kitaabka Alle? Miyeydaan ka cabsanayn cadhada iyo cadaabta Eebbe?

SNSP waxa ay ugu baaqaysaa shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay joogaan in ay si adag uga dhiidhiyaan arrintan, isla markaana ay muujiyaan mowqif diineed iyo qaranimo oo midaysan. Xisbiga waxa uu sidoo kale Alle ka baryayaa in kuwa ansixiyey xeerkan xun iyo eheladoodaba ay la soo gudboonaato calaamado iyo ciqaab degdeg ah oo Alle ka timid, haddii aysan si dhaqso ah uga towbad keenin ficilkooda.

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu ku celinayaa in uu mar walba u taagan yahay difaaca diinta Islaamka, ilaalinta dhaqanka iyo qiyamka wanaagsan ee umadda Soomaaliyeed.

“Qofkii aan diinta Alle difaacin, ma difaacayo sharaftiisa iyo qarankiisa.”

Baaq Rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)...
05/10/2025

Baaq Rasmi ah oo ka soo baxay Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu tacsi tiiraanyo leh u dirayaa ehelada, qaraabada iyo guud ahaan shacabka Soomaaliyeed ee ay saameeyeen qaraxii foosha xumaa ee shalay ka dhacay xarunta Nabad Sugidda (NISA) ee Godka Jilacow.

إنا لله وإنا إليه راجعون
Allah ha u naxariisto dhammaan intii ku geeriyootay weerarkaasi naxdinta leh, intii dhaawacantayna Alle ha siiyo caafimaad degdeg ah.

Xisbiga SNSP wuxuu ugu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan in ay ka wacyi galiyaan dadka nabadda diidan ee hurinaya rabshadaha iyo amni darrada, si loo ilaaliyo midnimada, xasilloonida, iyo nabadda guud ee umadda Soomaaliyeed.

Xisbiga wuxuu garab taagan yahay qoysaska iyo ehelada dhibaatadu soo gaartay, isaga oo muujinaya murugada iyo diirran-yada la wadaago ee ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)
"Midnimo, Nabadda, iyo Badbaadada Qaranka"

Baaq Rasmi ah: Ka soo baxay Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) w...
27/09/2025

Baaq Rasmi ah: Ka soo baxay Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP)

Xisbiga Badbaadada Umadda Soomaaliyeed (SNSP) wuxuu baaq cad iyo digniin adag u dirayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu h**eeyo Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Guddoomiyaha Aqalka Sare, iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Cabasho culus ayaa naga soo gaartay degmada Hodan, gaar ahaan inta u dhaxeysa waddada Dabka ilaa isgoyska Bakaaraha. Shacabka halkaas degan waxaa loo qeybiyey waraaqo lagu amray inay bixiyaan lacag dhan $2,000 ilaa $3,000 muddo saddex maalmood gudahood ah, iyadoo lagu sababeeyey dhismaha laami gaaban.

Xisbiga SNSP wuxuu caddeynayaa:

In ay ceeb ku tahay dowladnimada in shacabka danyarta ah lagu khasbo lacago aanay awoodin, iyadoo dad badan aysan heysan xitaa wax ay ku quutaan.

In shacabkaasi ay h**ey u bixiyaan canshuur joogto ah oo waajib qaran ah.

In canshuurta shacabka loo adeegsan karo dhismaha dalka oo dhan, halkii lagu koobayo waddo yar oo 1,000 mitir ah.

SNSP wuxuu si toos ah ugu baaqayaa Guddoomiyaha Gobolka Banaadir: haddii aad arrintan ogtahay, waa ceeb; haddii aadan waxba ka ogeyn, talaabo sharci ah ka qaad guddoomiyaha degmada iyo shaqaalihiisa.

Haddii dowladdu aysan shacabka u naxin oo aysan degdeg uga jawaabin cabashadan, waxay dhaawici doontaa sumcadda madaxda qaranka, waxayna horseedi kartaa in shacabka mucaarad ku noqdaan dowladda.

Hassan Sheikh Mohamud Siid Ahmed Muse Alim Gobolka Benaadir

Xisbiga SNSP wuxuu leeyahay: Shacabku dulmi dambe ma qaadan doono.

Address

Mogadishu

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xisbiga Badbaada Umadda Soomaaliyeed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share