Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari

Share

Bogga Rasmiga ah ee Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari

Fadlan hadaad lakulantid Wixii Dambi ah 24/7 Wac xaaladaha degdeg ah.

26/05/2026

Taliyaha qaybta Booliska Bari G/sare Siciid Aadan Siciid ayaa kormeeray suuqyada magaalada Bosaso iyo goobaha ganacsiga isagoo fariimo amni Shacabka lawadaagay.

22/05/2026

Taliyaha qaybta Booliska Bari G/sare Siciid Aadan Siciid ayaa ka warbixiyay howlgal lagu soo qabtay 320 oromo tahriib ah iyo labo gaari oo waday.

Photos from Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari's post 21/05/2026

Ciidanka Booliska oo sugaya amniga Garoonka Shuhadada ee magaalada Boosaaso, halkaas oo uu ka socdo tartanka caasimadaha gobollada Puntland.

19/05/2026

Taliyaha qaybta gobolka Bari ayaa digniin iyo wacyigalin ujeediyay dhalinyaro ay sii daayeen gudiga nabad galyada gobolka Bari oo loso xiray ciyal weero rabshado ka geystay Bosaaso

Photos from Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari's post 14/05/2026

Boosaaso – 14 May 2026

Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari, G/Sare Saciid Aadan Saciid, oo uu wehlinayay Taliye Ku-xigeenka Qaybta Gobolka Bari, G/Dhexe Maxamed Bashiir, ayaa maanta shir khamiisle ah isugu yeeray taliyeyaasha saldhigyada magaalada Boosaaso.

Shirka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa amniga magaalada Boosaaso iyo sidii wax looga qaban lahaa cid kasta oo khalkhal gelin karta amniga magaalada.

Sidoo kale, waxaa kulanka looga hadlay sidii la iskaga kaashan lahaa in gacan bir ah lagu qabto shaqsi kasta oo ku howlan falal lidi ku ah amniga magaalada Boosaaso.

Dhanka kale, Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari ayaa ku boorriyay taliyeyaasha saldhigyada inay si wadajir ah uga shaqeeyaan sugidda amniga iyo la dagaallanka maandooriyaha.

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari

10/05/2026

Taliyaha qaybta Gobalka bari G/sare said adan said oo manta xilka ukala warejiyay Taliyaha cusub ee xabsiga wayn ee magalada bosaaso g/sare Ahmed Jabari jamac iyo Taliyihii h**e g/sare shire said

Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari

04/05/2026

Taliyaha qaybta Booliska Bari G/sare Siciid Aadan Siciid oo Soo Saaray Awaamiir ku Saabsan Amniga Tartanka Kubadda Cagta ee Caasimadaha Puntland oo ka furmaya garoonka Shuhadada Boosaaso.

Photos from Ciidanka Booliska Puntland's post 03/05/2026
Photos from Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari's post 01/05/2026

Bosasso – May 01, 2026: Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Bari G/sare Siciid Aadan Siciid iyo Taliye kuxigeenka Qabta G/dhaxe Mohamed Bashiir ayaa maanta ka qayb galay kulan ay soo qaban qaabiyeen Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha Dowladda Puntland, kaas oo la xiriiray diyaarinta iyo sugidda ammaanka Koobka Caasimadaha Puntland.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa si rasmi ah loogu furay tababar muhiim ah oo loo diyaariyay Ciidamada sugaya ammaanka tartanka, kaas oo lagu xoojinayo aqoonta iyo xirfadaha la xiriira ilaalinta ammaanka, badbaadada iyo maareynta xaaladaha degdegga ah.

Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xaqiijinayo in tartanka Koobka Caasimadaha Puntland uu ku qabsoomo jawi amni oo sugan, iyadoo ciidamada la barayo hababka casriga ah ee sugidda ammaanka .

Waxaa tababarka door muuqda ka qaadanaya Kingsley Litali, Agaasimaha Maareynta ee Crimeshield Security Limited, isla markaana ah Sarkaalka Gobolka (Zonal) ee Ammaanka iyo Badbaadada ee CAF, kaas oo khibrad sare u leh arrimaha amniga iyo badbaadada.

Kulanka waxaa sidoo kale ka qayb galay masuuliyiin ka socday , Wasaradda
Dhallinyarada, Ciyaaraha iyo
Dalxiiska - Puntland ,Xiriirka Kubadda Cagta Puntland.

Taliyaha Qaybta ayaa ku booriyay ciidamada ka qaybgalaya tababarka inay si buuxda uga faa’iidaystaan fursaddan, si loo helo ciidan heegan u ah ilaalinta ammaanka shacabka iyo ka qaybgalayaasha tartanka.

Photos from Taliska Qeybta Booliiska Gobolka Bari's post 29/04/2026

Boosaaso: 29 April 2026: Taliyaha Qaybta Booliiska Gobolka Bari G/sare Siciid Aadan Siciid, ayaa maanta ka qayb galay munaasabadda Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E Said Abdullahi Deni tababar ugu soo xiray cutubyo ka tirsan Ciidanka cusub ee Booliiska Dowladda Puntland, kuwaas oo tababar ku qaatay, kulliyada tababarada ee Carmo.

Munaasabadda xiritaanka tababarka ayaa ahayd mid lagu muujiyay dadaalka Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo amniga, tayeynta ciidanka iyo horumarinta hay’adaha amniga.

Want your business to be the top-listed Government Service in Bosaso?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Wadada Taliska Qeybta Booliiska
Bosaso
N/A