24/10/2026
𝗛𝗔𝗠𝗕𝗔𝗟𝗬𝗢 𝗜𝗬𝗢 𝗕𝗢𝗚𝗔𝗔𝗗𝗜𝗡
𝗕𝗮𝘆𝗱𝗵𝗮𝗯𝗼, 24, 𝗢𝗰𝘁𝗼𝗯𝗲𝗿, 2026:-Guddoonka Golaha Wakiillada Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu hambalyo iyo bogaadin u dirayaa Hogaamiyaha ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), iyo Hogaamiye Ku-xigeenka cusub, Mudane Cabdifitaax Xasan Afrax, munaasabadda doorashada hoggaanka cusub.
Guddoonku wuxuu labada masuul u rajaynayaa guul, xilkasnimo iyo in ay si hufan ugu gutaan waajibaadka loo igmaday, iyagoo ka shaqaynaya horumarka, nabadda, dowlad-dhiska iyo danta guud ee shacabka Hirshabeelle.
Sidoo kale, Guddoonka Golaha Wakiillada Koonfur Galbeed Soomaaliya wuxuu rajaynayaa in hoggaanka cusub uu sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo iskaashiga dowlad-goboleedyada dalka, si loo gaaro horumar waara iyo dowlad-dhis Soomaaliyeed oo sal adag leh.
Hambalyo Hogaanka cusub ee Dowladda Goboleedka Hirshabeelle. Waxaan idiin rajaynaynaa guul iyo xil gudasho wanaagsan.
-𝗗𝗛𝗔𝗠𝗠𝗔𝗔𝗗-
-𝗫𝗔𝗙𝗜𝗜𝗦𝗞𝗔 𝗪𝗔𝗥𝗙𝗔𝗔𝗙𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗜𝗬𝗢 𝗫𝗜𝗥𝗜𝗜𝗥𝗞𝗔 𝗕𝗨𝗟𝗦𝗛𝗔𝗗𝗔 𝗚𝗢𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗪𝗔𝗞𝗜𝗜𝗟𝗟𝗔𝗗𝗔 𝗗𝗢𝗪𝗟𝗔𝗗 𝗚𝗢𝗕𝗔𝗟𝗘𝗘𝗗𝗞𝗔 𝗞𝗢𝗢𝗡𝗙𝗨𝗥 𝗚𝗔𝗟𝗕𝗘𝗘𝗗 𝗦𝗢𝗢𝗠𝗔𝗔𝗟𝗜𝗬𝗔.
𝗪𝗶𝘅𝗶𝗶 𝗳𝗮𝗮𝗵 𝗳𝗮𝗮𝗵𝗶𝗻 𝗮𝗵 𝗸𝗮𝗹𝗮 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿 𝗔𝗴𝗮𝗮𝘀𝗶𝗺𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗿𝗳𝗮𝗮𝗳𝗶𝗻𝘁𝗮 𝗶𝘆𝗼 𝘅𝗶𝗿𝗶𝗶𝗿𝗸𝗮 𝗕𝘂𝗹𝘀𝗵𝗮𝗱𝗮 𝗲𝗲 𝗚𝗼𝗹𝗮𝗵𝗮 𝗪𝗮𝗸𝗶𝗶𝗹𝗹𝗮𝗱𝗮 𝗗𝗼𝘄𝗹𝗮𝗱𝗱𝗮 𝗞𝗼𝗼𝗻𝗳𝘂𝗿 𝗚𝗮𝗹𝗯𝗲𝗲𝗱 𝗦𝗼𝗼𝗺𝗮𝗮𝗹𝗶𝘆𝗮.
Ahmed Mohamed Ibrahim