Southwest State of Somalia

Call Directions Contact the organization

Southwest State of Somalia This is the official page of Southwest State House of Somalia.
-

(1)

01/11/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO GUDDOOMIYEY SHIR AAN CAADI AHAYN OO LOOGA HADLAY XOOJINTA AMNIGA DEEGAANNADA KO...
01/11/2026

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO GUDDOOMIYEY SHIR AAN CAADI AHAYN OO LOOGA HADLAY XOOJINTA AMNIGA DEEGAANNADA KOONFUR GALBEED

Baydhabo -1, November 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa gudoomiyey shir aan caadi ahayn oo looga hadlay xaaladda guud ee amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray qiimeynta xaaladda amni, xoojinta sugidda amniga iyo dardargelinta dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa qeyb ka ah dadaallada joogtada ah ee Dowladda Koonfur Galbeed ay ku xoojinayso amniga, kuna xaqiijinayso nabadgelyada shacabka, iyadoo la dardargelinayo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhammaan qeybaha ay khuseyso ee ka shaqeeya ilaalinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Intii uu socday shirka waxaa si gaar ah diiradda loo saaray muhiimadda ay leedahay in si joogto ah loola socdo xaaladda amni, lana xoojiyo dadaallada lagu xaqiijinayo amniga guud, si shacabka ku nool deegaannada Koonfur Galbeed ay u helaan nabadgelyo iyo xasillooni.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, lana dardargeliyo howlaha ay hay’adaha amniga u hayaan bulshada. Waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey in ilaalinta nabadgelyada shacabka iyo hantidooda ay tahay masuuliyad mudnaan gaar ah u leh Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka waxaa ka qeybgalay Wasiirka Xanaanada Xoolaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed Eleey, Wasiirka Amniga Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Isaaq Maxame Korsaar iyo Wasiiru-Dowlaha Madaxtooyada Mudane Cabdiraxiin Maxamed Xasan Laamey.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email: [email protected]

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO QAABILAY TALIYAHA QAYBTA SADDAXAAD EE CIIDANKA NABAD ILAALINTA SOOMAALIYABaydha...
29/10/2026

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO QAABILAY TALIYAHA QAYBTA SADDAXAAD EE CIIDANKA NABAD ILAALINTA SOOMAALIYA

Baydhabo - 29-ka Oktoobar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Aqalka Madaxtooyada Magaalada Baydhabo ku qaabilay Taliyaha Qaybta Saddexaad ee Ciidanka Nabad Ilaalinta ee ka howlgala Soomaaliya.

Kulanka oo ay ka qeybgaleen Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed iyo saraakiil ciidan, ayaa looga hadlay adkeynta amniga deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed, xoojinta iskaashiga amni iyo sidii la isaga kaashan lahaa dagaalka ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo ciidamada nabad ilaalinta, si loo xaqiijiyo amniga iyo xasilloonida deegaannada Dowladda Koonfur Galbeed.

Sidoo kale kulanka ayaa lagu muujiyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda dadaallada amni iyo sii xoojinta wada-shaqeynta dhinacyada ay khuseyso, si loo dardargeliyo howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta Al-Shabaab loona xaqiijiyo nabadda iyo badbaadada shacabka.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email:[email protected]

27/10/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga, xoojinta taageerada howlgalada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA GUDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA KOONFUR GALBEED.Baydhabo - 27, October,...
27/10/2026

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA GUDOOMIYEY SHIRKA GOLAHA WASIIRADA DOWLADDA KOONFUR GALBEED.

Baydhabo - 27, October, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa guddoomiyey shirka Golaha Wasiirrada Dowladda Koonfur Galbeed, kaas oo diiradda lagu saaray adkaynta amniga, xoojinta taageerada howlgalada socda ee lagu ciribtirayo Khawaarijta Al-Shabaab iyo dadaallada lagu xaqiijinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed.

Shirka ayaa lagu adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo taageerada dowladda ee ciidamada qalabka sida ee ku howlan howlgalada ka dhanka ah Khawaarijta kuwaas oo u taagan difaaca shacabka, ilaalinta amniga iyo xaqiijinta nabadda guud.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la dardargeliyo howlgalada socda, lana xoojiyo wada-shaqeynta hay’adaha amniga iyo dhammaan qeybaha kala duwan ee dowladda, si loo xaqiijiyo guul waarta oo laga gaaro dagaalka lagula jiro Khawaarijta Al-Shabaab.

Golaha Wasiirrada ayaa isla qaatay in la sii xoojiyo dadaallada lagu sugayo amniga, laguna taageerayo ciidamada howlgalada ku jira, iyadoo muhiimad gaar ah la siinayo ilaalinta shacabka iyo hantidooda.

Golaha Wasiirada ayaa adkeyey sida ay uga go’an tahay Dowladda Koonfur Galbeed ciribtirka Khawaarijta xoojinta amniga iyo xaqiijinta nabad waarta, iyadoo loogu baaqaysa shacabka inay garab istaagaan ciidamada iyo hay’adaha dowladda ee ku howlan sugidda amniga iyo difaaca dalka.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email: [email protected]

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA DHAMBAAL HAMBALIYO AH U DIREY HOGAANKA CUSUB EE LOO DOORTAY DOWLADDA HIRSHABEELE.Ba...
24/10/2026

HOGGAAMIYE SHEEKH AADAN MADOOBE AYAA DHAMBAAL HAMBALIYO AH U DIREY HOGAANKA CUSUB EE LOO DOORTAY DOWLADDA HIRSHABEELE.

Baydhabo - 24, Oktoobar, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Hoggaamiyaha la doortay ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Guudlaawe) iyo Hoggaamiye Ku-xigeenka la doortay Mudane Cabdifataax Xasan Afrax oo maanta lagu doortay Magaalada Jowhar.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Madoobe ayaa labada mas’uul ugu hambalyeeyay xilalka loo doortay, isagoo u rajeeyay in Alle ku garab galo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay, si ay u hoggaamiyaan shacabka Hirshabeelle una sii xoojiyaan nabadda, amniga, dowlad-dhiska iyo horumarka deegaanadooda.

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa Hoggaanka cusub ee Dowladda Hirshabeelle u rajeeyay guul, horumar iyo in ay ku guuleystaan gudashada mas’uuliyadda loo doortay oo ah uadeegida Shacabka Hirshabeele.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email: [email protected]

HOGAAMIYE SHEKH AADAN MADOOBE OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOONKA CUSUB EE GOLAHA WAKIILLADA HIRSHABEELE.Muqdisho, Oktoobar 22...
22/10/2026

HOGAAMIYE SHEKH AADAN MADOOBE OO HAMBALYO U DIRAY GUDDOONKA CUSUB EE GOLAHA WAKIILLADA HIRSHABEELE.

Muqdisho, Oktoobar 22, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Guddoonka cusub ee Golaha Wakiillada Dowladda Hirshabeelle, Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Mudane Cabdixakiin Luqmaan Xaaji, Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad, Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Iidow, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad, Mudane Jaamac Cali Maxamuud, oo caawa lagu doortay magaalada Jowhar.

Hoggaamiyaha ayaa mas’uuliyiinta cusub ugu hambalyeeyay xilalka loo doortay, isaga oo u rajeeyay in Alle ku garab galo gudashada waajibaadka culus ee loo doortay, si ay uga shaqeeyaan horumarka, dowlad-dhiska, xoojinta dimuqraadiyadda iyo danta guud ee shacabka Dowladda Hirshabeelle.

Hogaamiyaha ayaa u rajeeyay guddoonka cusub guul iyo in ay si hufan oo xilkasnimo leh u gutaan waajibaadka loo igmaday, iyagoo mudnaanta siinaya danta guud, wadajirka iyo horumarka, waxa uuna ku booriyay in ay xoogga saaraan gudashada masuuliyaddooda, kana shaqeeyaan xoojinta wada-shaqeynta hay'adaha Dowlad Goboleedka iyo horumarinta howlaha Golaha.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email:[email protected]

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE LA DOORTAY DOWLADDA GALMUDUGMuqdisho - 22, ...
22/10/2026

HOGGAAMIYAHA DOWLADDA KOONFUR GALBEED OO HAMBALYO U DIRAY HOGGAANKA CUSUB EE LA DOORTAY DOWLADDA GALMUDUG

Muqdisho - 22, Oktoobar, 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hambalyo u diray hoggaamiyaha la doortay ee Dowladda Galmudug, Mudane Liibaan Axmed Xasan, iyo hoggaamiye ku-xigeenka la doortay, Mudane Cabdiweli Ibraahim Aadan (Garyare).

Hoggaamiye Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa hoggaanka cusub ee Dowladda Galmudug ugu hambalyeeyay xilalka muhiimka ah ee loo doortay, isaga oo u rajeeyay guul iyo horumar ku aaddan gudashada waajibaadka culus ee loo doortay.

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed ayaa Alle uga baryay hoggaamiyaha cusub ee Galmudug iyo ku-xigeenkiisa inuu ku asturo mas’uuliyadda loo doortay, una fududeeyo gudashada waajibaadkooda ku aaddan u adeegidda shacabka Galmudug, horumarinta dowladnimada, xoojinta nabadda iyo xaqiijinta himilooyinka bulshada Galmudug.

Hoggaamiye Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa u rajeeyay hoggaanka cusub ee Dowladda Galmudug in ay ku guuleystaan gudashada waajibaadkooda, isla markaana ay ka shaqeeyaan midnimada bulshada, nabadda, dib-u-heshiisiinta iyo horumarka deegaanada Galmudug.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email:[email protected]

20/10/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii h**e ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

HOGAAMIYE SHEKH AADAN MADOOBE AYAA MAGAALADA MUQDISHO KULA KULMAY MADAXWEYNIHII H**E DOWLADDA KOONFUR GALBEED MUDANE SHA...
20/10/2026

HOGAAMIYE SHEKH AADAN MADOOBE AYAA MAGAALADA MUQDISHO KULA KULMAY MADAXWEYNIHII H**E DOWLADDA KOONFUR GALBEED MUDANE SHARIIF XASAN SHEKH AADAN.

Muqdisho, 20-ka Oktoobar 2026: Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed, Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo safar shaqo ku jooga Magaalada Muqdisho ayaa kulan la qaatay Madaxweynihii h**e ee Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee deegaanada Dowladda Koonfur Galbeed, gaar ahaan arrimaha amniga, siyaasadda, nabadeynta, dib-u-heshiisiinta bulshada iyo dib u xureynta degmooyinka ay khawaarijtu qabsadeen

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed iyo Madaxweynihii h**e ayaa is-weydaarsaday aragtiyo ku saabsan muhiimadda ay leedahay xoojinta nabadda, midnimada iyo wadajirka bulshada, iyadoo la adkeynayo dadaallada lagu xaqiijinayo xasilloonida siyaasadeed iyo amni ee deegaanada Koonfur Galbeed.

kulanka ayaa lagu muujiyey muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo wada-tashiga iyo iskaashiga siyaasadeed, lana mideeyo dadaallada lagu horumarinayo dowladnimada, dib-u-heshiisiinta iyo nabad ku wada noolaanshaha bulshada.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Guddoomiye Ku-xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Aadan Xasan Maxamed (Usaama), Xildhibaan Mukhtaar Maxamed Guuleed oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, iyo Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Cabdinaasir Yuusuf Maxamed.

DHAMAAD

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Madaxtooyada Dowlada Koonfur Galbeed Soomaliya.
Email:[email protected]

Address

Baydhabo

Telephone

+252618360081

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Southwest State of Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Southwest State of Somalia:

Shortcuts

Share