05/11/2026
FURITAANKA KALFADHIGA 35-AAD EE GOLAHA DEEGAANKA DEGMADA BAYLA EE GOBOLKA KARKAAR.
Bayla, November 05, 2026: Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimuqraadiyeynta Dowladda Puntland mudane Mohamed AIi Farah Farmayeri ayaa si rasmi ah u furay Kalfadhiga 35-aad ee Golaha Deegaanka Degmada Bayla ee Gobolka Karkaar.
Furitaanka kalfadhiga waxaa ka qaybgalay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare ee Dowladda Puntland, Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Karkaar, Guddoomiyaha Degmada Bayla, xubnaha Golaha Deegaanka, maamulka degmada, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kala duwan ee bulshada degmada.
Kalfadhigan ayaa muhiim u ah dardargelinta howlaha maamulka degmada, isla-xisaabtanka, dib-u-eegista waxqabadka golaha iyo qorsheynta adeegyada bulshada, iyadoo xoogga la saarayo horumarinta degmada iyo kor u qaadista tayada adeegyada aasaasiga ah.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa golaha deegaanka ku boorriyey inay gutaan waajibaadkooda shaqo, xoojiyaan wada-shaqaynta maamulka iyo bulshada, isla markaana mudnaanta siiyaan baahiyaha iyo horumarka degmada.
Sidoo kale, ka qaybgalka mas’uuliyiinta kala duwan ayaa muujinaya muhiimadda ay leedahay iskaashiga hay’adaha dowladda, xoojinta maamul-daadejinta iyo horumarinta dowladaha hoose ee Puntland.
▪︎▪︎▪︎DHAMMAAD▪︎▪︎▪︎
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO XIRIIRKA DADWEYNAHA WASAARADDA ARRIMAHA GUDAHA DPL.
Website: moifad.pl.so
Facebook: https://www.facebook.com/Moifad.
Twitter https: https://x.com/MOIFAD.
Tiktok: https://www.tiktok.com/.
Instagram:https://www.instagram.com/moifad_dpl..