Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland

Call Directions Website Contact the organization

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland Official page, Puntland Water Development Agency

02/11/2026

Garoowe: 02 November 2026: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, H.E. Liibaan Muuse Boqor, oo hoggaaminayey masuuliyiinta Wasaaradda iyo labadeeda Wakaaladood, ayaa ka qayb galay kulan xisaab-is-weydaarsi ah oo Golaha Wakiillada Dowladda Puntland u yeeray Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isla-xisaabtanka iyo ka warbixinta waxqabadka Wasaaradda iyo labadeeda Wakaaladood, muddadii u dhexaysay labada kal-fadhi ee Golaha, caqabadaha jira, qorshayaasha mudnaanta leh iyo talooyinka horumarinta adeegyada ay hay’aduhu u hayaan shacabka Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa masuuliyiinta weydiiyey su’aalo la xiriira waxqabadka, adeegyada bulshada iyo qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda iyo labadeeda Wakaaladood.

Masuuliyiinta Wasaaradda, oo uu hoggaaminayey Wasiirku, ayaa ka jawaabay su’aalihii xildhibaannada, iyaga oo faahfaahin ka bixiyey waxqabadka iyo qorshayaasha hay’adaha.

Sidoo kale, xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa bogaadiyey warbixinta iyo waxqabadka Wasaaradda, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtanka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

Garoowe: 02 November 2026: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, H.E. Liibaan Muuse Boqor,...
02/11/2026

Garoowe: 02 November 2026: Wasiirka Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha Dowladda Puntland, H.E. Liibaan Muuse Boqor, oo hoggaaminayey masuuliyiinta Wasaaradda iyo labadeeda Wakaaladood, ayaa ka qayb galay kulan xisaab-is-weydaarsi ah oo Golaha Wakiillada Dowladda Puntland u yeeray Wasaaradda iyo hay’adaha hoos yimaada.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray isla-xisaabtanka iyo ka warbixinta waxqabadka Wasaaradda iyo labadeeda Wakaaladood, muddadii u dhexaysay labada kal-fadhi ee Golaha, caqabadaha jira, qorshayaasha mudnaanta leh iyo talooyinka horumarinta adeegyada ay hay’aduhu u hayaan shacabka Puntland.

Xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa masuuliyiinta weydiiyey su’aalo la xiriira waxqabadka, adeegyada bulshada iyo qorshayaasha shaqo ee Wasaaradda iyo labadeeda Wakaaladood.

Masuuliyiinta Wasaaradda, oo uu hoggaaminayey Wasiirku, ayaa ka jawaabay su’aalihii xildhibaannada, iyaga oo faahfaahin ka bixiyey waxqabadka iyo qorshayaasha hay’adaha.

Sidoo kale, xildhibaannada Golaha Wakiillada ayaa bogaadiyey warbixinta iyo waxqabadka Wasaaradda, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay isla-xisaabtanka iyo horumarinta adeegyada bulshada.

28/10/2026

Garoowe: 28-Oct-2026 -:Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa ka qaybgalay kulanka ansixinta Qorshayaasha Waxqabadka Bulshada (Community Action Plans – CAPs) ee Mashruuca AARAN, kaas oo uu shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.
Qorshayaashan ayaa laga soo ururiyey 14 bulsho oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaana kulanka looga gol lahaa ansixintooda iyo diyaarinta fulinta hawlaha mashruuca.
Kulanka waxaa ka qaybgalay madaxda degmooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, wakiillo ka socda bulshada, Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha fulinta, iyo madaxda hay’adda KAALO.
Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxay muhiimad gaar ah siisaa ka-qaybgalka bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo ku filan oo waara, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha iyo mudnaanta bulshada.
Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo maamul-daadejinta, ka-qaybgalka bulshada iyo xaqiijinta horumar waara oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Puntland (PDP-4, 2026–2030).
= DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA
WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND See les

Garoowe: 28-Oct-2026 -:Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa ka qaybgalay kulanka ansixinta Qor...
28/10/2026

Garoowe: 28-Oct-2026 -:Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa ka qaybgalay kulanka ansixinta Qorshayaasha Waxqabadka Bulshada (Community Action Plans – CAPs) ee Mashruuca AARAN, kaas oo uu shir-guddoominayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland.

Qorshayaashan ayaa laga soo ururiyey 14 bulsho oo ku kala sugan magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, waxaana kulanka looga gol lahaa ansixintooda iyo diyaarinta fulinta hawlaha mashruuca.

Kulanka waxaa ka qaybgalay madaxda degmooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo, wakiillo ka socda bulshada, Agaasimayaasha Guud ee wasaaradaha iyo hay’adaha fulinta, iyo madaxda hay’adda KAALO.

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxay muhiimad gaar ah siisaa ka-qaybgalka bulshada iyo horumarinta adeegyada aasaasiga ah, gaar ahaan helitaanka biyo ku filan oo waara, iyadoo la tixgelinayo baahiyaha iyo mudnaanta bulshada.

Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo maamul-daadejinta, ka-qaybgalka bulshada iyo xaqiijinta horumar waara oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Puntland (PDP-4, 2026–2030).

= DHAMMAAD =
XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA
WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND

25/10/2026

War-biyoodka boone ee dagmad xarfo

Garoowe, 24-ka Oktoobar 2026: Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa ka qaybgalay kulan dhexmara...
24/10/2026

Garoowe, 24-ka Oktoobar 2026: Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa ka qaybgalay kulan dhexmaray Dowladda Puntland iyo Hay’adda FAO, kaas oo uu shir-guddoominayey Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Qorsheynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Dowladda Puntland, Eng. Abdulkadir Abdidahir Farah.

Kulanka ayaa lagu soo bandhigay dhammaan mashaariicda ay Dowladda Puntland iyo Hay’adda FAO iska kaashadaan, iyadoo lagu qiimeeyey guulaha la gaaray, caqabadaha jira iyo talooyinka farsamo ee lagu dardargelinayo fulinta mashaariicda.

Sidoo kale, waxaa xoogga la saaray sidii mashaariicdaasi loogu waafajin lahaa mudnaanta Dowladda Puntland iyo Qorshaha Horumarinta Puntland ee 2026–2030 (PDP-4).

Qodobadii muhiimka ahaa ee kulanka:

Xoojinta wada-shaqaynta Dowladda Puntland iyo FAO ee qorsheynta iyo naqshadaynta mashaariicda.
Hagaajinta isku-duwidda dhammaan mashaariicda wadajirka ah.
Dhismaha guddi farsamo oo kulma saddexdii biloodba mar.
Qabashada kormeer iyo qiimeyn wadajir ah oo ay ka qaybqaataan Wasaaradda Qorsheynta, FAO, wasaaradaha iyo hay’adaha fulinta.

Kulankani wuxuu qayb ka yahay dadaallada Dowladda Puntland ee lagu xoojinayo isku-duwidda mashaariicda horumarineed, isla-xisaabtanka iyo hubinta in taageerada horumarineed ay la jaanqaaddo mudnaanta dowladda iyo yoolalka Qorshaha Horumarinta Puntland ee PDP-4.

=DHAMMAAD=

23/10/2026

𝐗𝐚𝐫𝐟𝐨, 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐌𝐮𝐝𝐮𝐠 – 𝟐𝟑 𝐎𝐤𝐭𝐨𝐨𝐛𝐚𝐫 𝟐𝟎𝟐𝟔

Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa maanta safar shaqo ku tegay Degmada Xarfo ee Gobolka Mudug, halkaas oo uu booqday Biyo-xireenka cusub, ceelasha biyaha iyo Xafiiska Degmada.

Maareeyaha Guud waxaa safarka ku weheliyey Maareeye Ku-xigeenka, Isuduwaha Biyaha iyo Injineerro ka tirsan Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland.

Wafdiga waxaa si diirran u soo dhaweeyey Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Degmada Xarfo iyo maamulka Shirkadda Biyaha Xarfo.

Intii uu socday booqashadu, waxaa laga wada hadlay horumarka laga sameeyey adeegyada biyaha ee degmada, baahiyaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa Wakaaladda, maamulka degmada iyo shirkadda biyaha, si loo horumariyo helitaanka adeegyada biyaha ee bulshada deegaanka.

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxay sii waddaa dadaallada lagu kormeerayo laguna horumarinayo kaabayaasha biyaha, iyadoo xoogga la saarayo daboolidda baahiyaha bulshada iyo xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha ay khusayso.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA IYO WACYIGELINTA
WAKAALADDA HORUMARINTA BIYAHA PUNTLAND

22/10/2026

Mareeyaha Guud ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa kormeer shaqo ku tegay Degmada Buurtinle ee Gobolka Nugaal, isaga oo soo kormeeray shaqada ballaarinta nidaamka biyaha ee Wakaaladdu ka waddo magaalada Buurtinle, taas oo maraysa heer gabagabo ah.

Kormeerka waxaa Mareeyaha Guud ku weheliyey Mareeye Ku-xigeenka Wakaaladda, Guddoomiyaha Degmada Buurtinle, Maamulka Shirkadda Biyaha Buurtinle iyo injineerrada Wakaaladda.

Kormeerkan ayaa ujeeddadiisu ahayd la socodka halka ay marayso shaqada mashruuca iyo hubinta horumarka laga sameeyey ballaarinta adeegyada biyaha ee magaalada Buurtinle.

Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland waxay sii waddaa dadaallada lagu horumarinayo kaabeyaasha biyaha, si bulshada loo gaarsiiyo adeegyo biyo oo tayo leh, la isku halayn karo, isla markaana daboola baahiyaha bulshada.

20/10/2026

Qaybta Sheybaarka Biyaha ee Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland ayaa door muhiim ah ka qaadata baaritaanka iyo hubinta tayada biyaha, si loo xoojiyo helitaanka biyo nadiif ah oo ammaan u ah bulshada.

Sheybaarku waxa uu awood u siinayaa in la baaro muunadaha biyaha, lana qiimeeyo tayadooda iyadoo la adeegsanayo qalab iyo habab baaritaan oo ku habboon.

Hawlaha sheybaarku waxay qayb muhiim ah ka yihiin dadaallada Wakaaladda ee lagu horumarinayo adeegyada biyaha, laguna ilaalinayo caafimaadka bulshada.

Address

Garowe

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Wakaaladda Horumarinta Biyaha Puntland:

Shortcuts

Share