31/10/2026
𝐊𝐔𝐋𝐀𝐍𝐊𝐀 𝐓𝐎𝐃𝐃𝐎𝐁𝐀𝐀𝐃𝐋𝐀𝐇𝐀 𝐀𝐇 𝐄𝐄 𝐌𝐀𝐀𝐌𝐔𝐋𝐊𝐀 𝐒𝐀𝐑𝐄 𝐈𝐘𝐎 𝐀𝐆𝐀𝐀𝐒𝐈𝐌𝐄-𝐖𝐀𝐀𝐗𝐄𝐄𝐃𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐇𝐀𝐘’𝐀𝐃𝐃𝐀 𝐃𝐇𝐀𝐖𝐑𝐈𝐒𝐓𝐀 𝐓𝐀𝐘𝐀𝐃𝐀 𝐉𝐒𝐋
Sabti, 31, October, 2026, Xarunta Dhexe ee Hay’adda Dhawrista Tayada JSL waxa saaka ka qabsoomay kulankii toddobaadlaha ahaa ee Maamulka Sare, Agaasime-waaxeedyada iyo ku-xigeennadooda.
Kulanka oo uu shirguddoominayay, Guddoomiyaha Hay'adda Dhawrista Tayada JSL, Mudane Maxamed Kayse Axmed oo uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Hay'adda Dhawrista Tayada JSL, Mudane Axmed Ismaaciil Cali ayaa Agaasime-waaxeedyadu waxay ay ku soo bandhigeen warbixinno ku saabsan waxqabadkii waaxyahooda, hawlaha hadda socda, halka ay marayaan qorshayaasha shaqo iyo hawlaha mudnaanta leh ee usbuuca soo socda.
Waxa sidoo kale kulanka lagaga wada hadlay dardargelinta hawlaha Hay’adda, xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-xidhka waaxyaha, iyo kor u qaadista hufnaanta iyo habsami-u-socodka adeegyada ay Hay’addu u hayso bulshada reer Somaliland.
𝗔𝗹𝗹𝗮𝗮 𝗠𝗮𝗵𝗮𝗱 𝗹𝗲𝗵
𝐗𝐚𝐟𝐢𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫-𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐝𝐡𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚, 𝐇𝐚𝐲’𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐒𝐋