Hon Mohamed Mahamud Esse

Hon Mohamed Mahamud Esse

Share

This is my official page, as 2nd Deputy Speaker of Puntland Parliament Hon. Mohamed M. Isse.

23/12/2025

Waxaan xanuunka geerida la qayb sanayaa Agaasimaha Warfaafinta iyo Wacyigelinta Golaha Wakiillada Dowladda Puntland, Ibraahim Maxamuud Yuusuf, oo hooyadiis Saynab Maxamed Ibraahim ay ku geeriyootay magaalada Boosaaso.

Waxaan uga tacsiyeynayaa geeridan naxdinta leh Agaasimaha, qoyskiisa, ehelkii, qaraabadii iyo dhammaan asxaabtii ay marxuumaddu ka baxday.

Allah ha u naxariisto Hooyo Saynab, naxariistiisa jannada Firdowsana ha ka waraabiyo, ehelkeedana samir iyo iimaan ha ka siiyo.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 08/12/2025

Waxaan maanta shir-guddoominey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟑-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa Ka doodista Arrimaha Tahriibta iyo dhibaatada daroogada.

Xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday saameynta taban ee tahriibka iyo isticmaalka maandooriyaha.

Intaas ka dib, Golaha Wakiillada ayaa u xilsaaray guddi gaar ah oo ka kooban Guddiyada Golaha.

Ugu dambeyn, waxaa noo soo xirmay Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 07/12/2025

Waxaan Maanta Shir-guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟐-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhigan wuxuu ahaa: U qareemidda dadka baahiyaha gaarka ah qaba, kuwaas oo ay ka mid yihiin waayeelka, agoomaha, iyo dadka naafada ah ee Puntland.

Ugu dambayn, Golaha Wakiillada ayaa arrintaas u xilsaaray 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐠𝐚 𝐀𝐫𝐫𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐁𝐮𝐥𝐬𝐡𝐚𝐝𝐚, 𝐃𝐡𝐚𝐪𝐚𝐧𝐤𝐚, 𝐖𝐚𝐫𝐟𝐚𝐚𝐟𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐈𝐬𝐠𝐚𝐚𝐫𝐬𝐢𝐢𝐧𝐭𝐚 iyo xildhibaanno kale oo lagu daray, si ay u soo diyaariyaan warbixin dhammeystiran iyo talooyin lagaga jawaabayo baahiyaha dadka nugul ee Puntland.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 06/12/2025

Waxaan maanta shir-guddoominey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟏-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhiga oo ahaa u yeeridda Golaha Garsoorka Puntland ayaa qaar kamid ah xildhibannada Golaha Wakiilladu ay soo jeediyeen in dib loo celiyo la xisaabtanka Garsoorka.

Intaas kadib, waxaa cod loo qaatay soojeedinta xildhibaannada, waxaana ugu codeeyey in dib loo celiyo garsoorka 29 Mudane, halka 9 Mudane ay u codeeyeen in Ajandaha la siiwado, Guddoonka Goluhu ma coddayn, waxaana ka Aaamusay 4 Mudane.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 04/12/2025

Waxaan maanta shir-guddoominey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟐𝟎-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada, oo ajandihiisu ahaa Ansixinta/diidmada/wax-ka-beddelka Miisaaniyadda Dawladda ee 2026.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta Qabyo qoraalka Miisaaniyada Sanad maaiyeedka 2026.

Sido kale Mudanayaasha Golaha Wakiilada Dowlada Puntland waxa ay Cod aqlabiyad leh ku ansixiyeen Degmooyinka Ceel-buh iyo Baraagaha-Qol Ee Gobolada Sanaag iyo Haylaan.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 30/11/2025

Waxaan maanta shir-guddoominey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟗-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada, oo ajandihiisu ahaa Ansixinta/diidmada/wax-ka-beddelka Miisaaniyadda Dawladda ee 2026.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 29/11/2025

Waxaan maanta shir-guddoominey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟖-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha Fadhigan ayaa ahaa Xasaannadsiinta mas uuliyiinta u baahan xasaannadda Golaha Wakiillada iyo Ka doodista Arrimaha Caasimadda.

Mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowlada Puntland ayaa Cod aqlabiyad leh Xasaanada ku siiyey Mudane 𝐈𝐬𝐦𝐚𝐚𝐜𝐢𝐢𝐥 𝐖𝐚𝐫𝐬𝐚𝐦𝐞 𝐀𝐚𝐝𝐞𝐧 oo ka mid noqonaya Guddiga Doorashada Puntland (PEC Sido kale xildhibaannada Golaha ayaa si qoto dheer uga dooday Arimaha Amniga iyo Horumarinta Caasimadda Dowladda Puntland.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 28/11/2025

Waxaan ka qayb galay xafladda qalin-jebinta dufcaddii 25-aad ee Jaamacadda Bariga Afrika, faraceeda magaalada Boosaaso.

Waxaan ardayda u rajaynayaa guulo waaweyn iyo mustaqbal ifaya, anigoo ku dhiirrigelinaya in ay aqoontooda ugu adeegaan dalkooda iyo dadkooda.

Sidoo kale, waxaan bogaadinayaa kaalinta muhiimka ah ee Jaamacaddu kaga jirto horumarinta waxbarashada sare ee Puntland, gaar ahaan kobcinta kartida dhalinyarada.

Munaasabaddan qiimaha leh waxaa ka qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ahna ku-simaha Madaxweynaha, Maamulka Jaamacadda, Isimada dhaqanka, ardayda, waalidiinta iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 27/11/2025

Waxaan maanta shir-guddoominey 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada.

Ajandaha fadhigan ayaa ahaa ka shaqaynta 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲'𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Xildhibaanada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland, waxay maanta Cod aqlabiyad leh ku meelmariyeen Ansixinta 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐇𝐚𝐲'𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐨 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐫𝐤𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝 Waxaa Oggol ugu codeeyay 29 Mudane, waxa diiday 2 Mudane, halka ay ka aamuseen 4 Mudane.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 26/11/2025

Waxaan maanta shir-guddoomiyay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 16-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada, oo ajandihiisu ahaa ka shaqaynta 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 25/11/2025

Waxaan maanta shir-guddoominay 𝐅𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟏𝟓-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 ee Golaha Wakiillada, oo ajandihiisu ahaa ka shaqaynta 𝐇𝐢𝐧𝐝𝐢𝐬𝐞 𝐗𝐞𝐞𝐫𝐞𝐞𝐝𝐤𝐚 𝐃𝐡𝐚𝐰𝐫𝐢𝐬𝐭𝐚 𝐓𝐚𝐲𝐚𝐝𝐚 𝐏𝐮𝐧𝐭𝐥𝐚𝐧𝐝.

Photos from Hon Mohamed Mahamud Esse's post 20/11/2025

Waxaan maanta shir-guddoominey Fadhiga 14-aad ee Kalfadhiga 57-aad ee Golaha Wakiillada Dowladda Puntland.

Ajandaha Fadhiga maanta ayaa ahaa dhagaysiga warbixinta Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, oo Golaha uga warbixiyay Hindise-xeereedka Dhawridda Tayada, iyagoo sharaxay ujeeddadiisa iyo marxaladaha uu soo maray.

Ugu dambayn, dood dheer ka dib, waxaan Hindise-xeereedka ku wareejiyay Guddiga Hawlaha Guud, Gaadiidka, Ganacsiga iyo Kaabayaasha Dhaqaalaha, si ay u sameeyaan akhrinta labaad iyo latashiyada daneeyayaasha.

Want your business to be the top-listed Government Service in Garowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Parliament Avenue
Garowe