26/05/2026
๐๐ผ๐๐ฝ๐ผ๐๐๐ ๐พ๐๐๐ฟ ๐๐๐ฝ๐ผ๐๐ผ๐
Gudoomiyaha, Gudoomiye Ku-xigeenka iyo Agaasimaha Guud ee Guddida Qandaraasyada Qaranka waxay Hambalyo u dirayaa shacabka Somaliland munaasibadda Ciidal Adxa awgeed, Masuuliyiintu waxay si gaara Hambalyo ugu dirayaan shaqaale weynaha Guddida Qandaraasyada Qaranka waxay Allah SWT uga baryayaan in uu ka aqbalo acmaasha suubba. Sido kale in sannadka sannadkiisa ilaahay ku gaadhsiiyo caafimad, nabadgelyo iyo bash bash iyo barwaaqo.
Hambalyo Ciid Mubarak
Xafiiska warbaahinta Guddida Qandaraasyada Qaranka.
17/05/2026
๐๐๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฒ๐จ ๐๐-๐ค๐ ๐๐๐ฒ:
Gudoomiyaha, Gudoomiye Ku-xigeenka, Xubnaha Guddida iyo Agaasimaha Guud, dhamaan waxay hambalyo diiran u dirayaan shacabka Jamhuuriyadda Somaliland meel kasta oo ay joogaan, munaasibadda weyn ee sanad-guurada 35-aad ee dib-u-la soo noqoshada madax-bannaanida.
Maalintani wa maalin qiimo wayn ku leh qalbiyada shacabka Somaliland, waana xus taariikhi ah oo astaan u ah halgan dheer, midnimo, go'aan adag iyo geesinimo ay shacabka Somaliland ku gaadheen dib ula so noqoshada madax-bannaanidooda.
18-ka May waxa lagu xasuustaa naf-huridii, adkaysigii iyo dedaalkii ay sameeyeen halgamayaashii iyo shacabka reer Somaliland, kuwaas oo u soo maray marxalado adag si ay u xaqiijiyaan jiritaanka qaran madax-banaan, dimuqraadi ah, nabdoon, sido kale ku dhisan wadajir iyo isku duubni.
18-ka May waxay dhiirigelin u tahay jiilasha maanta iyo kuwa soo socda inay ilaashadaan qaranimada, midnimada, nabadda iyo horumarka dalka.
Iyadoo sannadkan la xusaayo munaasibadan wayn dalka oo ictiraaf caalami ah haysta, Somaliland waxay mar kale dunida tusaysaa inay tahay qaran leh shacab adkaysi badan, isku duuban, isla markaana leh himilo iyo mustaqbal ifaya oo ay mudan yihiin inay helaan aqoonsi iyo ictiraaf.
Ugu dambayn Guddidu waxay shacabka Jamhuuriyadda Somaliland u rajaynayaan sannado badan oo barwaaqo, nabad, horumar iyo guulo waaweyn leh.
Alle ha xafido Somaliland iyo shacabkeeda.
Hambalyo 18-ka May
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka.
05/05/2026
Kormeerka Gobolka Maroodijeex
Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdoo Axmed A**r ayaa Maalinkii Labaad kormeer Shaqo ku tegay Qaybo kamida Mashaariicda Laga Fuliyay Gobolka Maroodijeex Gaar ahaan Caasimada Hargaysa.
Kormeerka Gudoomiyeha waxa ku wehelinaaayay Xubnaha Guddida Qandaraasyada, agaasime Waaxeedyo Kala duwan iyo Shaqaalaha Xafiiska Guddida Qandaraasyada
Saraakiisha iyo waftigooda oo ugu horreyn kulan xog is wareysi ah la qaatay Wasiirada, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Duulista iyo Madaarada Iyo Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka.
Saraakiisha Gudidda Qandaraasyada Qaranka Masuulyiinta Wasaaradahaas kala duwan ayaa si wadajir ah kormeer ugu sameeyey Mashaariic kala duwan oo laga fuliyay Miisaaniyada Qaranka oo ka mid ah mashaariicda ka socda Wasaraadahas.
โฆฟ Mashruuca Dhismahaa Dib u dhiska Qayb ka mid ah Apronka Garoonka Diyaaradaha Cigaal
โฆฟ Dhismaha iyo Dib u habaynta Qaybta VIPda Madaarka Cigaal
โฆฟ Mashruuca Dib u habaynta iyo Qurxinta Xarunta Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Arimaha Dastuurka
Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ayaa gebogebadii kormeerka mashaariicda kala duwan ayaa warbixin ku saabsan kormeerka iyo xogta uu daaran yahay ka siiyay Warbaahinta Qaranka.
โ
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka
04/05/2026
Kormeerka Gobolka Maroodijeex
Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiyaha Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Cabdoo Axmed A**r ayaa kormeer ku tegay Qaybo kamida Mashaariicda Laga Fuliyay Gobolka Maroodijeex Gaar ahaan Caasimada Hargaysa.
Kormeerka Gudoomiyeha waxa ku wehelinaayay Xubnaha Guddida Qandaraasyada, agaasime Waaxeedyo Kala duwan iyo Shaqaalaha Xafiiska Guddida Qandaraasyada
Saraakiisha iyo waftigooda oo ugu horreyn kulan xog is wareysi ah la qaatay Wasiirada, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraddaha Maaliyada Iyo Hawlaha Guud, Dhulka Iyo Guriyaynta.
Saraakiisha Gudidda Qandaraasyada Qaranka Masuulyiinta Wasaaradahaas kala duwan ayaa si wadajir ah kormeer ugu sameeyey Mashaariic kala duwan oo laga fuliyay Miisaaniyada Qaranka oo ka mid ah mashaariicda ka socda Wasaraadahas.
โฆฟ Mashruuca Dhismahaa Xarunta Wasaarada Hawlaha Guud dhulka iyo Guriyaynta.
โฆฟ Mashruuca Dib U habaynta Dhismaha Xarunta Wasaarada Maaliyadaa iyo Horumarinta Dhaqaalaha
Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ayaa gebogebadii kormeerka mashaariicda warbixin ku saabsan kormeerka iyo xogta uu daaran yahay ka siiyay Warbaahinta Qaranka.
โ
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka
01/05/2026
โ๐๐ช๐จ๐จ๐ง๐ฌ๐ข ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ค๐๐ฒ๐ฌ๐ขโ ๐๐๐ฅ-๐ค๐ฎ-๐๐กฤ๐ ๐ ๐ ๐ฌ๐๐ง๐๐๐ค๐๐ง ๐๐ ๐๐-๐ฆ๐๐ฒ ๐๐๐๐.
23/04/2026
๐๐จ๐ซ๐ฆ๐๐๐ซ๐ค๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ
Wafti Uu Hogaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Ibrahim Ducaale Cawke ayaa kormeer ku gaadhay xarunta Gobolka Saraar ee Caynaba.
Kormeerka Gudoomiye Ku-xigeenka waxa ku wehelinaaayay Xubnaha Guddida Qandaraasyada, agaasime Waaxeedyo Kala duwan iyo Shaqaalaha Xafiiska Guddida Qandaraasyada
Saraakiisha iyo waftigooda oo ugu horreyn kulan xog is wareysi ah la qaatay Badhasaab ku xigeenka Gobolka, Xoghayaha Gobolka, Maayir kuxigeenka degmada Caynaba , Xoghayaha Degmada ,isuduwaha Guddida Qandaraasyada Gobolka iyo Isuduwayaasha Kala duwan ee Wasaaradaha Iyo Hay'adaha Dawlada.
Saraakiisha Gudidda Qandaraasyada Qaranka Masuulyiinta Gobolka iyo Kan degmada ayaa si wadajir ah kormeer ugu sameeyey Mashaariic kala duwan oo laga fuliyay Miisaaniyada Qaranka oo ka mid ah mashaariicda ka socota degmooyinka Caynaba, Oog iyo Wadaamagoo oo kala ah
โฆฟ Mashruuca Dhismahaa Dhaam biyoodka Degmada Caynaba
โฆฟ Mashruuca Dhismaha Korodhka Cusbitaalka Caynaba
โฆฟ Dhismaha Xanaanada Hooyada iyo Dhalaanka ee Degmada Caynaba
โฆฟ Dhismaha Khayriyada Degmada Caynaba
โฆฟ Wakaalada Biayaha Degmada Caynaba
โฆฟ Wakaalada Biyaha Degmada Oog
โฆฟ Wakaalada Biyaha Degmada Wadaamagoo
Dhammaan masuuliyiinta kala duwan ayaa gebogebadii kormeerka mashaariicda magaalooyinka ayaa warbixin ku saabsan kormeerka iyo xogta uu daaran yahay ka siiyay Warbaahinta Qaranka.
โ
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka
23/04/2026
Furitaanka Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Gobolka Saraar.
Wafti uu Hogaaminayo Gudoomiye Kuxigeenka Guddida Qandaraasyada Qaranka, Mudane Ibrahim Ducaale Cawke ayaa kulan la qaatay Badhasaab ku Xigeenka , Xoghayaha Gobolka , Maayir ku xigeenka Degmada Caynaba, Xoghayaha Degmada Caynaba iyo Isuduwaha Xafiiska Guddida Qandaraasyada.
Kulankan Furitaanka Gudoomiye Ku-xigeenka waxa ku wehelinaaayay Xubnaha Guddida Qandaraasyada, agaasime Waaxeedyo Kala duwan iyo Shaqaalaha Xafiiska Guddida Qandaraasyada
Gudoomiye kuxigeenka Guddida Qandaraasyada ayaa si Rasmi xadhiga uga jaray xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka ee Gobolka Saraar Xaruntiisa Magaalada Caynaba.
Xafiiskan oo ka jawaabaya Shaqada ay Guddida Qandaraasyadu u Hayso Bulshada isla Markaasna U Adeegi Doona Bulshada Gobolka Saraar.
Dhinaca kale Maamulka Gobolka Saraar iyo kan degmada Caynaba ayaa soo dhoweeyay xafiiskaas Cusub ugana mahadnaqay Gudoomiye kuxigeenka iyaga oo xusay Baahida ay U Qabeen Xafiiskaas laga hirgeliyay Gobolka Saraar
Warbaahinta Xafiiska Guddida Qandaraasyada Qaranka