03/06/2026
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
Fadhigii 64-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
๐๐๐ซ๐๐ข๐ฑ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐:
Wasiiru-Dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Ismaaciil Mawliid Cabdilaahi ayaa Golaha Wasiirrada uga xog-warramay saamaynta uu dagaalka Bariga Dhexe ku yeeshay dakhliga Qaranka uga soo xerooda Cashuuraha Kastamada, maadaama uu hoos-u-dhac ku yimid dhaqdhaqaaqa ganacsiga, isu-socodka badeecadaha dunida, kor u kaca qiimaha shidaalka iyo Caymiska Gaadiidka Badda.
Dhinaca kale, Wasiiru-Dawluhu waxa uu Golaha la wadaagay Qorshaha Wasaaradda ee lagu daraasadaynayo suuqyo kale oo ganacsi iyo ilo dakhli oo la isku hallayn karo. Wasiirku waxa uu sheegay in ay Wasaaraddu ku hawllan tahay dib-u-habayn weyn oo lagu samayn doono Cashuuraha Badeecadaha iyo Adeegyada (GST) iyo weliba sal-ballaadhinta cashuurtan iyada ah, si loo xoojiyo dakhliga gudaha, loo kobciyo hufnaanta nidaamka cashuuraha, loona xaqiijiyo danaha bulshada iyo horumarka dhaqaalaha Qaranka.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐
Xigasho Madaxtooyada JSL
03/06/2026
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ก๐๐๐๐ข๐ฒ๐๐ฒ ๐๐ฅ๐จ๐ฅ๐ ๐๐๐ซ๐๐ง ๐จ๐จ ๐๐๐ ๐ฎ ๐๐๐ซ๐๐๐ซ๐ ๐๐ฅ๐ข๐ง๐๐ฒ๐จ ๐๐ซ๐ฎ๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐๐ก๐ ๐๐๐๐๐ข๐ข๐๐ค๐.
..............................................
๐๐๐ซ๐ ๐๐ฒ๐ฌ๐, ๐๐ ๐๐ฎ๐ง๐ ๐๐๐๐โ{๐๐&๐๐๐ก}- Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland iyo Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, oo ay weheliyaan Agaasimayaasha Guud ee labada Wasaaradood, Xisaabiyaha Guud iyo Taliyaha Ciidanka Nabadgalyada Wadooyinka ayaa si wadajir ah u shaaciyey bilaabashada olole qaran oo lagu dardargelinayo ururinta cashuuraha iyo adeegyada la xidhiidha gaadiidka.
Ololahan, oo si rasmi ah uga bilaabmi doona dalka oo dhan 6-da June 2026, waxa uu diiradda saari doonaa cashuuraha iyo ajuurooyinka kale ee la xidhiidha gaadiidka, kuwaas oo ay ka mid yihiin cashuurta kala-wareejinta gaadiidka, cashuurta wado-marista, beddelka taarikada h**e ee gaadiidka iyo cusboonaysiinta liisannada wadista.
Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka ayaa sidoo kale adkaysay fulinta goโaannadii h**e ee la xidhiidhay joojinta isticmaalka taarikadii h**e ee gaadiidka iyo liisannada dhacay ee wali lagu shaqaynayo.
Mashruuca beddelka taarikada gaadiidka ayaa loo qorsheeyey laba weji, iyadoo la hiigsanayo in la beddelo guud ahaan 10,000 oo taariko. Wajigii koowaad ee hawlgalkan, oo bilaabmay horraantii sannadkan, waxa lagu guulaystay in la beddelo 4,275 taariko, halka ay wali hadhsan yihiin ku dhowaad 5,500 oo aan weli loo wareejin nidaamka cusub.
Wajiga labaad ee hawlgalkan ayaa si rasmi ah u bilaabmi doona Sabtida, 6-da June 2026, waxaana mudnaanta la siin doonaa dhamaystirka beddelka taarikada hadhay, hubinta sharciyadda kala-wareejinta gaadiidka, iyo la socodka wadayaasha gaadiidka ee aan haysan liisannada sharciga ah.
Labada Wasaaradood ayaa ugu baaqay mulkiilayaasha gaadiidka, shirkadaha gaadiidka iyo guud ahaan shacabka inay si buuxda ula shaqeeyaan hawl-wadeennada ku guda jira fulinta ololahan, si loo xaqiijiyo nidaam gaadiid oo casri ah, sharciyeysan, isla markaana kor loogu qaado dakhliga Dawladda iyo tayada adeegyada gaadiidka.
=๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐=
๐๐๐๐ฑ๐๐ ๐๐ข๐๐ก๐ข๐ข๐๐ก๐ค๐ ๐๐๐๐ฐ๐๐ฒ๐ง๐๐ก๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐จ๐ ๐ญ๐
๐ ๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
๐ง ๐ข๐ง๐๐จ@๐ฌ๐ฅ๐ฆ๐จ๐.๐จ๐ซ๐
โ๏ธ ๐๐๐๐
๐ฑ ๐๐ก๐๐ญ๐ฌ๐๐ฉ๐ฉ: +๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐ ๐๐๐๐
03/06/2026
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ๐ค๐ ๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ ๐จ๐จ ๐๐ ๐๐๐ฒ๐๐ ๐๐ฅ๐๐ฒ ๐๐ก๐ข๐ซ ๐๐๐๐ซ๐ค๐ข๐ข๐ฌ๐ฎ ๐๐๐ซ๐๐๐ฒ๐จ ๐จ๐จ ๐๐๐ ๐๐ ๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฒ๐๐ฒ ๐๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐ฌ-๐๐ก๐๐ฑ๐ ๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐ฅ๐ค๐.
โฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆโฆ
๐๐๐ข๐ซ๐จ๐๐ข ๐ ๐๐ฎ๐ง๐ ๐๐๐๐-Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL ๐๐. ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง, ayaa ka qayb-galay shir heer-sare ah oo ay isugu yimaaddeen ๐๐ฎ๐๐ข๐ ๐-๐ฌ๐๐ซ๐ ๐๐ ๐๐ ๐๐จ๐๐จ๐๐ค๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐ก๐๐ช๐๐๐ช๐ฒ๐๐๐ ๐๐๐ง๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐๐ (NOC), Golaha Maamulka iyo Golaha Wadatashiga ee ๐๐๐ฒ'๐๐๐๐ ๐๐ซ๐๐๐๐ฆ๐๐ซ๐ค ๐๐๐ซ๐ข๐๐ (๐๐๐), kaas oo ay ka soo qayb-galeen masuuliyiin sare oo dawladeed, bah-wadaagta horumarinta iyo hoggaamiyeyaal ka kala socday dalalka Afrika.
Shirkan waxa guddoominayey Raโiisul Wasaarihii h**e ee Itoobiya ahna Guddoomiyaha Golaha Maamulka ee Trademark Africa Md. Hailemariam Desalegn Boshe, iyo Ku-xigeenka Safiirka Finland ee Bariga-Afrika ahna Guddoomiyaha Golaha Wadatashiga ee TMA Md. Leo Svahnback.
Sidoo kale waxa ka qayb-galay Wasiirka Gaadiidka iyo Sahayda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Federaalka Itoobiya Dr. Alemu Sime Feyisa, wasiirro kale, masuuliyiin iyo wakiillo ka socday dalal kala duwan oo Afrikaan ah iyo hayโado horumarineed oo caalami ah.
๐๐๐ฌ๐ข๐ข๐ซ ๐๐๐๐๐ข๐ฅ๐ฅ๐๐๐ก๐ข ๐๐๐ฌ๐๐ง ๐๐๐๐๐ง oo hadal ka jeediyey madasha ayaa carabka ku adkeeyey sida ay Somaliland uga goโan tahay xoojinta is-dhexgalka ganacsiga gobolka, iskaashiga dhaqaalaha iyo fududaynta isu socodka ganacsiga. Waxa uu tilmaamay in ganacsigu aanu ahayn oo keliya matoorka koboca dhaqaalaha, balse uu sidoo kale yahay aalad muhiim u ah nabadda, abuurista shaqooyinka iyo adkaysiga dhaqaalaha muddada fog.
Wasiirku waxa uu sharaxaad ka siiyey shirka, maalgashiyada ay Somaliland ku samaysay kaabeyaasha ganacsiga, gaar ahaan casriyeynta iyo ballaadhinta Dekedda Berbera, iyo sidoo kale dedaallada lagu xoojinayo nidaamyada kastamyada, ka shaqaynta habsami-u-socodka sahayda iyo isu socodka gaadiidka, isla markaana lagu kordhinayo tartanka marinnada ganacsi ee gobolka.
Guud ahaan doodaha shirka ayaa diiradda lagu saaray laba qodob oo muhiim ah kuwaas oo kala ah:
๐. ๐๐จ๐จ๐ซ๐ค๐ ๐ ๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐๐ฒ๐๐ก๐๐ฒ ๐ฌ๐ก๐๐ช๐จ-๐๐๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ค๐
๐. ๐๐ฒ๐จ ๐ฌ๐๐๐ฆ๐๐ฒ๐ง๐ญ๐ ๐๐ฒ ๐๐ก๐๐๐๐จ๐จ๐ฒ๐ข๐ง๐ค๐ ๐๐๐๐ฅ๐๐ฆ๐ค๐ฎ ๐ค๐ฎ ๐ฅ๐๐๐ฒ๐ข๐ก๐ข๐ข๐ง ๐๐ก๐๐ช๐๐ก๐๐ช๐๐๐ช๐ ๐ ๐๐ง๐๐๐ฌ๐ข๐ ๐ ๐๐๐ซ๐ข๐ค๐.
Ka qayb-galayaashu waxay is dhaafsadeen aragtiyo ku saabsan yaraynta caqabadaha aan cashuuraha ahayn ee ganacsiga, yaraynta kharashaadka badan ee ku baxa ganacsiga, hagaajinta habraacyada shaqo ee kastamyada, xoojinta nidaamyada ganacsiga dijitaalka ah iyo isku-duwidda siyaasaddaha gobolka.
Wasiir Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa mar kale bayaamiyey sida ay Somaliland uga goโan tahay casriyeynta kastamyada, isbeddelka dijitaalka ah, iskaashiga gobolka iyo horumarinta dhaqaalaha ay horseedka u yihiin ganacsiyada gaarka loo leeyahay. Waxa kale oo uu ku baaqay in la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya dawladdaha Afrika, bah-wadaagta horumarinta iyo hayโaddaha gobolka si loo abuuro fursado cusub oo dhinacyada ganacsiga, maalgashiga iyo abuurista jawi horseeda koboc dhaqaale oo waara oo la is ku halayn karo.
Shirkan ayaa ahaa madal muhiim ah oo ay hoggaamiyeyaasha gobolka ku wadaageen khibradahooda isla markaana ku falanqeeyeen xalal wax ku ool ah oo lagaga gudbi karo caqabadaha ganacsi ee soo kordhaya, iyada oo la sii xoojinayo iskaashiga lagu dardargelinayo is-dhexgalka dhaqaale ee Qaaradda Afrika.
โ ๐/ ๐ง๐๐ถ๐๐๐ฒ๐ฟ :
https://x.com/i/status/2062039426260185339
โ ๐ช๐ฒ๐ฏ๐๐ถ๐๐ฒ :
https://slmof.org/news/f5a04e86-dea5-4774-a847-d3ed5afb19c3/
โ ๐๐ป๐๐๐ฎ๐ด๐ฟ๐ฎ๐บ :
https://www.instagram.com/p/DZHlVjZDYnZ/?igsh=aG52MmhhZWUyemVx
=๐พ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐ป๐๐๐๐๐๐=
๐ช๐ฎ๐ฎ๐
๐ฑ๐ฎ ๐ซ๐ถ๐ฑ๐ต๐ถ๐ถ๐ฑ๐ต๐ธ๐ฎ-๐๐ฎ๐ฑ๐๐ฒ๐๐ป๐ฎ๐ต๐ฎ & ๐ซ๐ผ๐ด๐๐ฎ
๐ ๐๐๐.๐๐น๐บ๐ผ๐ณ.๐ผ๐ฟ๐ด
๐ง ๐๐ป๐ณ๐ผ@๐๐น๐บ๐ผ๐ณ.๐ผ๐ฟ๐ด
โ ๐ต๐ฐ๐ต๐ฐ
๐ช๐ต๐ฎ๐๐๐๐ฝ๐ฝ ๐ก๐ผ: +๐ฎ๐ฑ๐ฎ-๐ฒ๐ฑ๐ณ๐ณ๐ฎ๐ต๐ต๐ต๐ต
02/06/2026
๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐๐ข๐๐ค๐ ๐๐๐๐๐ ๐ฒ๐๐๐ ๐ข๐ฒ๐จ ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ก๐{๐๐๐}.
............................................................
Ma ogtahay cashuur-bixiye (Iibiye) in wakhtiga k**a danbaysta ah ee bixinta cashuurta iibku yahay ๐๐-๐ค๐ ๐๐ข๐ฅ ๐ค๐๐ฌ๐ญ๐.
Adigoo oo mahadsan fadlan xiligeeda ku soo bixi Cashuurta Iibka oo qadarkeeda tacriifaddu dhanyahay ๐% ๐ค๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐.
02/06/2026
๐๐๐ฌ๐ก๐ฎ๐ฎ๐ซ๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ [๐๐๐ฒ๐ซ๐จ๐ฅ๐ฅ ๐๐ง๐๐จ๐ฆ๐ ๐๐๐ฑ) :
....................................................................
Ma ogtahay loo shaqeeye (Cashuur-bixiye) in wakhtiga k**a danbaysta ah ee bixinta cashuurta shaqaaluhu yahay ๐๐-๐ค๐ ๐๐ข๐ฅ ๐ค๐๐ฌ๐ญ๐. Adigoo oo mahadsan fadlan xiligeeda Ku Soo bixi Cashuurta Shaqaalaha oo qadarkeeda tacriifaddu dhanyahay ๐% ๐ค๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐
26/05/2026
๐๐๐ฌ๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐๐๐๐ & ๐๐จ๐ซ๐ฎ๐ฆ๐๐ซ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ ๐ฐ๐๐ฑ๐ ๐๐ฒ ๐๐ข๐ข๐๐ ๐๐๐ซ๐๐๐ ๐๐ฐ๐ ๐๐๐ ๐๐ก๐๐ง๐๐๐๐ฅ ๐ญ๐๐ก๐ง๐ข๐ฒ๐๐ ๐๐ก ๐ฎ ๐๐ข๐ซ๐๐ฒ๐ฌ๐๐ ๐ ๐ฎ๐ฎ๐ ๐๐ก๐๐๐ง ๐ฎ๐ฆ๐๐๐ ๐ฆ๐ฎ๐ฌ๐ฅ๐ข๐ฆ๐ค๐ ๐๐ก ๐ ๐๐๐ซ ๐๐ก๐๐๐ง๐ ๐๐ฎ๐ฅ๐ฌ๐ก๐๐๐ ๐ซ๐๐๐ซ ๐๐จ๐ฆ๐๐ฅ๐ข๐ฅ๐๐ง๐.
๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐, ๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐ ๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐.
ูู ุนุงู
ูุงูุชู
ุจุฎูุฑ. ๐๐คโค๏ธ
20/05/2026
๐๐๐ ๐๐๐๐๐๐
๐๐๐๐๐
Fadhigii 63-aad ee Shirka Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha JSL, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ka qabsoomay Qasriga Madaxtooyada JSL.
๐๐๐๐ฅ๐๐๐๐ ๐๐ก๐๐ช๐๐๐ฅ๐๐ก๐ ๐๐๐ฅ๐ค๐:
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha JSL, Mudane Cabdillaahi Xasan Aadan ayaa Golaha Wasiirrada siiyey warbixin la xidhiidha xaaladda guud ee Dhaqaalaha Dalka iyo
saamaynta ay dagaallada Bariga Dhexe ku yeesheen Odoroska Dakhliga Qaranka uga soo xarooda Cashuuraha Kastamka, gaar ahaan saddexdii bilood ee la soo dhaafay.
Dhinaca kale, Wasiirku waxa uu Golaha u sheegay in ururinta Cashuuraha Barriga ay u socdaan sidii loogu talo galay.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha waxa kale oo uu Golaha Wasiirrada u sheegay in mashaariicda ay maalgeliyaan World Bank iyo African Development Bank ay si wanaagsan u socdaan, taas oo ka dhalatay tayaynta nidaamka wada shaqaynta, isfahamka iyo hufnaanta ay Wasaaraddu la yeelatay Hayโadaha Maaliyadeed ee Caalamiga ah.
๐๐๐๐๐ ๐๐๐๐๐ ๐๐๐,
Xigasho Madaxtooyada JSL