Ministry of Finance - Somalia

Directions Website Contact the organization

Ministry of Finance - Somalia This is the Page of the Ministry of Finance FGS
Kani waa bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda XFS

(Wasaaradda Maaliyadda Xukuummada Soomaaliya)
The Ministry of Finance is the central authority of Government of Somalia charged with the responsibilities for maintaining both micro and macro-economic stability in the country. Moreover, the key role of the Ministry lies with the more rationale allocation of resources; better management of public expenditure; enhanced mobilization of both internal and external resources; greater performance in public investments and strengthening of public enterprises productive capacity; open and simple foreign exchange policies and regulation, and prudent fiscal and monetary policies. Mandate
The Ministry of Finance, in pursuit of its mission, has a wide mandate with responsibility for:
· Economic planning
· Budgeting
· Debt management
· Economic policy formation
· Resource mobilization
· Cash management
· Tax administration
As an integral part of its mandate, the major responsibility of the Ministry is as follows:
· Mobilize resources for economic revival and subsequently for economic development;
· Improve accountability for the use of inadequate resources;
· Gain credibility by implementing PFM system
· Ensure strict adherence to budgetary processes;
· Facilitate and support citizen economic empowerment schemes and initiatives;
· Facilitate the contributing role of the private sector and non-governmental organization to the strategy of creating greater prosperity and embracing this in the development process; Facilitate involvement of the Somali Government in regional and global economic issues.

31/10/2026
31/10/2026

Wasiirka Maaliyadda Xukumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta Golaha Aqalka Sare ka hor akhriyey (Akhrinta 1-aad) Hindise Sharciyeedka Wax-ka-beddelka Sharciga Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, Sharciga Lr. 130, ee soo baxay Abriil 2012.

28/10/2026

Hadaljeedinta Wasiirka Maaliyadda XFS, Mudane Biixi Imaan Cige.

Baarlamaanka labadiisa Gole ayaa maanta waxaa la horgeeyay Miisaaniyadda Dowladda ee 2027-ka.

Golaha Wasiirrada JFS ayaa maanta ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2027-ka , taasi oo gaartay $𝟭,𝟮𝟱𝟵,𝟮𝟯𝟴,𝟮𝟱𝟯 (Hal Bil...
27/10/2026

Golaha Wasiirrada JFS ayaa maanta ansixiyey Miisaaniyadda Dowladda ee 2027-ka , taasi oo gaartay $𝟭,𝟮𝟱𝟵,𝟮𝟯𝟴,𝟮𝟱𝟯 (Hal Bilyan, Laba Boqol, Konton iyo Sagaal Milyan, Laba Boqol, Soddon Siddeed Kun, Laba Boqol , Konton iyo Saddex Doollar). Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa u mahadceliyay golaha Wasiirrada, isaga oo tilmaamay in ay talaabadani muujinayso dadaalka xukumadda ee lagu gaarayo isku filanaan iyo ku tiirsanaanta dakhliga gudaha.

27/10/2026
26/10/2026

Ku soo dhawaada qeyb ka mid ah hadaljeedintii Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ee Xisaabxirka Warbixin Miisaaniyadeedkii 2025. Qeybtan waxa uu ku faah faahinayaa odoroska dakhliga miisaaniyaddii 2025 iyo habkii uu u soo xerooday.

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta waxa uu wadajirka labada aqal ee Baarlamaanka dalka uu ka ho...
26/10/2026

Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa maanta waxa uu wadajirka labada aqal ee Baarlamaanka dalka uu ka hor akhriyay warixin-maaliyadeedka 2025, oo si hufan loo soo xisaab-xiray. Odoroska dakhliga ee miisaaniyadda sanadka 2025 ayaa ahaa $1.3bilyan ($1,331,969,583), waxaa la soo uruuriyey dakhli dhan $919,813,189 oo u dhigma 69% saadaalinta wadarta dakhliga ee miisaaniyad sanadeedka 2025. Odoroska Dakhliga Gudaha ee miisaaniyadda sannadka ayaa ahaa $430,341,430, waxaana lasoo uruuriyey dakhli dhan $404,313,527 oo 92% miisaaniyadda sannad maalyadeedka 2025, halka deeqaha dibadda la saadaaliyey dakhli dhan $901,628,154 waxaana la helay deeq dhan $515,499,662 oo u dhiganta 57% wadarta deeqaha dibadda la filaayey in la soo uruuriyo sannad maaliyadeed 2025.

19/10/2026

Bangkok, Thailand: Wasiirka Maaliyadda XFS Mudane Biixi Imaan Cige ayaa ka warbixyay ka qeyb galka shirka Sanadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF, iyo shirar kale oo muhiim ahaa oo uu la yeeshay masuuliyiinta hey,adaha dhaqaalaha iyo dalalka saaxiibada ah ee shirka ka soo qeyb galay.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyey Kalfadhigii 114-aa...
18/10/2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa khudbad ka jeediyey Kalfadhigii 114-aad ee Shirka Guud ee Guddiga Horumarinta (Development Committee Plenary Session) oo ka qabsoomay magaalada Bangkok, Thailand, intii lagu guda jiray shirarka sannadlaha ah ee Bangiga Adduunka iyo IMF.

Wasiirka oo ku hadlayay magaca 22-ka dal ee ku mideysan saamileyda Africa Group 1 ayaa hadaljeedintiisii diiradda ku saaray muhiimadda ay leedahay xoojinta iskaashiga caalamiga ah xilli dunidu wajahayso hubanti la’aan dhaqaale, caqabado isa soo taraya iyo masiibooyinka dabiiciga ah.

Dhanka kale Wasiirka Maaliyadda XFS Soomaaliya ayaa sameeyay kulamo-doceedyo miro-dhal ah oo uu la yeeshay dalal iyo hey’ado caalami ah oo dhammaantood uu kala hadlay horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya.

UK 🇬🇧

Mudane Wasiir Biixi ayaa kulan Muhiim ah la qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda UK Ed. Miliband iyo xubno sare oo ka socda Dowladda Uk kulan kaas oo looga hadlay mudnaanta iyo qorshayaasha UK ee hoggaaminta shir-madaxeedka G20 ee soo socda.

Kulanka ayaa sidoo kale diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo UK, gaar ahaan kordhinta dakhliga gudaha, helitaanka maalgelinta la xiriirta isbeddelka cimilada iyo wax ka qabashada xaaladaha bani’aadannimo.

Spain 🇪🇸

kulankan oo uu goobjoog ahaa Mr. Luis Óscar Moreno García-Cano, oo ah Agaasimaha Guud ee Maaliyadda Caalamiga ah ee Wasaaradda Dhaqaalaha iyo Ganacsiga Spain, kulanka ayaa diiradda lagu saaray horumarka la taaban karo ee Soomaaliya ka sameysay dib-u-habeynta dhaqaalaha tan iyo markii la soo gabagabeeyey geeddi-socodka deyn-cafinta, iyo xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca horumarinta dhaqaalaha.

Bangiga Adduunka

Wasiirka Maaliyadda XFS iyo xubnihii la socoday ayaa kukan miro-dhal ah la yeeshay Anna Bjerde Agaasimaha Guud ee qeybta Operations ka Bangiga Adduunka, kaas oo looga hadlay horumarka dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo fursadaha lagu xoojin karo xasilloonida dhaqaalaha iyo adkeysiga dalka. Sidoo kale waxaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo Bangiga Adduunka, gaar ahaan taageerada maalgashiga, horumarinta dhaqaalaha iyo hirgelinta dib-u-habeynta muhiimka u ah kobaca iyo horumarka waara ee dalka.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Bangkok ee dalka Thailand ka...
17/10/2026

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Biixi Imaan Cige ayaa magaalada Bangkok ee dalka Thailand kaga qayb galay madal heer sare ah oo ay soo qabanqaabiyeen madaxda IMF, islamarkaana lagu falanqeynayay arrimaha Cunnooyinka iyo xiliyada ay jiraan caqabadaha gaarka ah, iyadoo ay kala qeyb galayeen qaar ka mid ah Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jabuuti, Burkina Faso iyo quburo kale oo maaliyadeed.

Wasiirka Maaliyadda XFS ayaa tilmaamay in xoojinta nidaamyada cuntadu ay door muhiim ah ka qaadanayaan horumarinta wax-soo-saarka gudaha, ilaalinta ilaha nololeed ee bulshada iyo yareynta ku tiirsanaanta cuntada dibadda laga keeno. Waxa uu sidoo kale muujiyay baahida loo qabo in la sameeyo maalgashi wax-ku-ool ah oo lagu horumarinayo beeraha, wax-soo-saarka cuntada iyo kaabeyaasha dhaqaalaha ee taageera silsiladda sahayda cuntada.

Link-ga hoose ka daawo:

https://www.youtube.com/live/TaG_iM0H55o?si=8p-exDiLtHlgCeLX

Address

Shangani District
Mogadishu

Opening Hours

Monday 08:00 - 16:30
Tuesday 08:00 - 16:30
Wednesday 08:00 - 16:30
Thursday 08:00 - 13:30
Saturday 08:00 - 16:30
Sunday 08:00 - 16:30

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ministry of Finance - Somalia posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Ministry of Finance - Somalia:

Shortcuts

Share