Xafiiska Biyaha ee DDS

Xafiiska Biyaha ee DDS

Share

Bogan waxaad si toosa ugala socon kartaan Waxqabadka iyo warbixinada Xafiiska Biyaha Deegaanka soomaalida.

26/05/2026

Eid Mubarak, Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Eng. Ahmed M Leyli waxa uu Umada Muslimiinta, gaar ahaan shacabka deegaanka Soomaalida ugu Hambalyaynayaa Munaasibada ciidul Adxa.

22/05/2026

Muuqaal: Warbixinta Waxqabadka 9-ka Bilood ee Xafiiska Biyaha DDS ayaa lagu qiimeeyey Xafiiska Qorshaynta iyo horumarinta Dhaqaalaha DDS.

21/05/2026

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Cabdi Muxumed Cabdi ayaa kula dardaarmay Wakaaladaha Biyaha ee Qabribayax iyo Awbare-Shedder inay ilaashadaan gaadiidka lagu wareejiyey.

Photos from Xafiiska Biyaha ee DDS's post 21/05/2026

Xafiiska Biyaha DDS ayaa maanta soo jeediyey warbixinta waxqabadka 9ka bilood ee sanad miisaaniyadeedka 2018 T.I

Kulankan lagu Qiimaynayey Warbixinta waxqabadka 9-ka bilood oo lagusoo jeediyey Xafiiska Qorshaynta DDS ayaa lagu falanqeeyey heerka ay marayaan mashaariicihii bilowgii sanadkan la isla qaatay in mudnaanta la siiyo, waxyaabaha qabsoomay, kuwa wali aan hirgelin, caqabadaha jira, Mashaariicdan dhamaaday iyo sidii loo dhamaystiri lahaa mashaariicda wali socda.

Photos from Xafiiska Biyaha ee DDS's post 20/05/2026

Kulanka qiimaynta geeddi-socodka mashaariicda biyaha ee Qabribayax iyo Awbare Sheed-Dheer ayaa maanta ka qabsoomay Xafiiska Biyaha DDS.

Kulankan ayaa waxaa kasoo qaybgalay Xafiiska Biyaha DDS, Hay’adda UNICEF, shirkadaha fulinaya mashaariicda biyaha ee Qabribayax iyo Awbare Sheed-Dheer, iyo sidoo kale shirkadaha la-talinta iyo dabagalka ku haya mashaariicdan.

Intii uu socday kulankan, waxaa si qoto dheer loogu falanqeeyay heerka iyo habsami-u-socodka shaqooyinka, iyadoo diiradda la saaray dardargelinta dhamaystirka mashaariicdan muhiimka ah oo la bilaabay dhammaadkii sannadkii h**e.

Kulankan ayaa sidoo kale lagu lafo-guray caqabadaha jira iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta bahwadaagta kala duwan, si bulshada magaalooyinkaasi ay u helaan adeeg biyo nadiif ah.

Photos from Xafiiska Biyaha ee DDS's post 20/05/2026

Labo gaadhi ayaa maanta lagu wareejiyey Wakaaladaha Biyaha Qabribayax iyo Awbare Sheed'Dheer.

Xafiiska Biyaha DDS, isaga oo ka duulaya ka midho-dhalinta iyo taabba-gelinta hadafkiisa ku aadan horumarinta iyo kor u qaadidda nidaamka adeeg-bixinta wakaaladaha biyaha ee deegaanka, isla markaana kaashanaya bahwadaagtiisa, gaar ahaan hay’adda UNHCR, ayaa waxa uu wakaaladaha biyaha ee Maamulka Magaalada Qabribayax iyo Wakaaladda Biyaha ee Awbare Sheed'Dheer ku wareejiyey laba gaadhi oo uu xafiisku ka helay hay’adda UNHCR.

Gaadiidkan ayaa si weyn uga caawin doona wakaaladaha biyaha gudashada shaqooyinka ay bulshada u hayaan, iyaga oo kor u qaadaya hufnaanta iyo tayada adeegyada biyaha ee ay bixiyaan.

Wasiir kuxigeenka Xafiiska Biyaha DDS Mudane Cabdi Muxumed Cabdi oo Gudoonsiiyey Wakaaladaha fureyaasha gaadiidkan ayaa kula dardaarmay maamulka in gaadiidkan loo isticmaalo oo kaliya hawlaha wakaaladaha Biyaha loona baahan yahay in isbedal laga dareemo hawlgalka iyo geedisocodka shaqooyinka adeegbixinta ee Wakaaladaha Lagu wareejiyey gaadiidkan.

Photos from Xafiiska Biyaha ee DDS's post 14/05/2026

Waxaa maanta hoolka shirarka Xafiiska biyaha DDS ka qabsoomay kulan lagusoo bandhigay darasaad K**a danbaysta ah (final Draft) oo ku saabasan dib-u-habaynta Mashruuca biyaha Fedhacad ee Magaalada jigjiga , kaas oo daraasaddiisa ay wadeen shirkad hawlaha injineerada deegaanka.

Mashruuca, oo markii h**e ka koobnaa afar (4) ceel, ayaa hadda lagu darayaa laba (2) ceel oo cusub oo midkiiba soo saarayo 12l/s si loo xoojiyo awoodda wax soo saarka biyaha, Sidoo kale, waxaa wax laga beddelayaa tuunbadii h**e ee mashruuca, taas oo dhererkeedu ahaa 17 km( UPVC), isla markaana la kulmi jirtay dhibaatooyin badan, maadaama ay soo dhex mari jirtay goobo dhul beereed ah, taas oo caqabado badan ka imaan jireen.

Tuunbadaas waxaa hadda lagu beddelayaa HDPE, waxaana lasoo raacinayaa wadada Tulli ilaa Jigjiga, iyadoo lagu xidhayo kaydka 500m3 ee qoordheere, si loo yareeyo khataraha burburka, loona fududeeyo dayactirka tuunbada.

Ceelasha Fedhacad ayaa h**e u soo saari jiray 1,000 m³ oo biyo ah, hase yeeshee muddooyinkii u dambeeyay waxaa soo baxay cilado la xiriira gabowga ceelashii h**e iyo dhubatooyinka lineka soo qadijiray biyaha, taas oo keentay inla go’aamiyo Dibu-habaynta, maamulka magaalada jigjigana misaayinad u qabto dib-u-habaynta mashruuca feedhacad .

Mashruucan ayaa la filayaa marka la dhameeyo Dibu-habayntiisa, in uu magaalada keeni doonaa biyo dhan 3,240m3/day kasoo ka qayb qadan doonaa kor uqadista heer daboolka biyaha Magalada.

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address


Jijiga