Hon Mohamed Mursal Mohamed

Hon Mohamed Mursal Mohamed

Share

This my Official page, as Member of Puntland Parliament, serving on the Security and Peace Committee - Hon Mohamed Mursal Mohamed

20/03/2026

Waxaan Farxadda Ciidka ugu Hambalyaynayaa Dhammaan Ummadda Islaamka, Guud ahaan Bulshada Soomaaliyeed, Gaar Ahaan Shacabka Puntland.
Farxad ku ciida.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

19/03/2026

Ciid Mubaarak.

Waxaan u hambalyeynayaa dhammaan ummadda Muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan munaasabadda barakeysan ee Ciidda. ALLE ha naga aqbalo soonkii, salaaddii iyo dhammaan acmaashii wanaagsanaa ee aynu soo gudanay.

ALLE ha inaga yeelo kuwii ku guulaysta adduun iyo aakhiro, ciidaan ciideedana ha inaku gaarsiiyo nabad, caafimaad iyo iimaan sugan.

Ciid Mubaarak dhammaantiin.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

Photos from Hon Mohamed Mursal Mohamed's post 10/03/2026

Waxaan caawa ka qayb galay kulan afur iyo is-xogwaraysi ah oo uu Madaxweynaha Dowladda Puntland H.E. Siciid Cabdullaahi Deni la qaatay goleyaasha Dowladda Puntland iyo xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulankan ayaa waxaa sidoo kale ka soo qayb galay Madaxweyne Ku-xigeenka, Gudomiyaha Barlamanka, Gudomiye ku-xigeenka 2aad ee Barlamanka Dowladda Puntland, xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Xildhibaannada Golaha Wakiillada Dowladda Puntland iyo wasiirro ka tirsan Xukuumadda Puntland.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

Photos from Hon Mohamed Mursal Mohamed's post 07/03/2026

Waxaan caawa qayb ka ahaa kulan afur ah iyo is-xogwaraysi ku saabsan xaaladda dalka ay sameyeen gudoonka golaha wakiilada dawlada Puntland. xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa ka soo qayb galay xubnaha Puntland ku metela Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo mudanayaasha Golaha Wakiillada Dowladda Puntland waxaana kulanka uu ahaa mid lagu xoojinayo wada shaqaynta, wadatashiga iyo isfahamka u dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta, si loo mideeyo mowqifyada la xiriira arrimaha muhiimka u ah Puntland iyo guud ahaan dalka.

Hon Mohamed Mursal Mohamed

05/03/2026

إنا لله وإنا إليه راجعون

Waxaan ka tacsiyeynayaa geerida ku timid Alle ha u naxariistee Gen. Maxamed Cali Abokor, oo ku geeriyoodey magaalada Garoowe.

Marxuumku wuxuu ka mid ahaa saraakiishii sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed xilligii dowladdii militariga (1969–1991), Sidoo kale waxa uu door muuqda ka qaatay dhismaha iyo tayeynta ciidammada Dowladda Puntland, isaga oo khibraddiisa iyo waayo-aragnimadiisa u huray horumarinta amniga iyo xasilloonida deegaannada Puntland.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.

Photos from Hon Mohamed Mursal Mohamed's post 05/03/2026

Waxaan maanta soo dhoweeyey Xildhibaannada Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

soo dhoweyntaan oo ahayd mid lagu muujinayey midnimoada iyo is garab istaag wakiillada shacabka Puntland ku metela labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

26/02/2026
17/02/2026

Curashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan awgeed, waxaan hambalyo iyo bogaadin u dirayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, gaar ahaan Shacabka Puntland.

Bishan kheyrka iyo barakada leh waa bil cibaado, samir, iscafis iyo isu tanaasul. Waa fursad qaali ah oo aynu ku xoojin karno xiriirka aynu la leenahay Alle SWT, isla markaana aynu ku adkeyn karno midnimadeenna, walaaltinimada iyo is-garab istaagga bulshada dhexdeeda.

Waxaan Alle uga baryayaa in bishan barakeysan uu inagu gallado nabad waarta, barwaaqo, caafimaad iyo horumar. Sidoo kale, waxaan ka rajeynayaa in ay noqoto bil raxmad, dembi-dhaaf iyo fursad aynu ku kasbanno ajar iyo kheyr badan.

Photos from Hon Mohamed Mursal Mohamed's post 17/02/2026

Waxaan maanta kulan la yeeshay odayaasha dhaqanka iyo ciidamada ku sugan deegaanka Harwanaaq, kuwaas oo qabay tabashooyin la xiriira xaaladda guud ee deegaanka.

Kulankan waxa uu ii ahaa mid aan si dhow ugu kuurgalayay xaaladda guud ee deegaanka, isla markaana aan warbixin uga dhageysanayay odayaasha iyo ciidamada halkaas ku sugan, si aan uga warqabo duruufaha jira iyo baahiyaha taagan.

Odayaasha deegaanka waxaan ka dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda abaarta ka jirta deegaanka iyo baahiyaha aas-aasiga ah ee bulshada, halka ciidamada ku sugan halkaasna aan ka dhageystay tabashooyinka ay qabaan iyo duruufaha ay la kulmaan.

Ugu dambeyntii, waxaan bulshada deegaanka uga mahadceliyay sida ay isku duuban yihiin iyo wadajirka ka muuqda. Waxaan ku boorriyay in si wadajir ah looga shaqeeyo horumarinta danta guud iyo xoojinta iskaashiga bulshada iyo Amniga guud. Sidoo kale, waxaan u ballan qaaday in aan si dhow uga warqabi doono xaaladda jirta, isla markaana aan ka shaqeyn doono sidii loo gaarsiin lahaa adeegyada ay tabayaan ee aasaasiga ah.

Photos from Puntland Parliament's post 12/02/2026
Want your business to be the top-listed Government Service in Garoowe?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Address

Garoowe