WASIIR KU XIGEENKA WASAARADDA MAALIYADDA IYO HORUMARINTA DHAQAALAHA DOWLADDA HIRSHABELLE MUDANE OMAR MOHAMED SOOMANE AYAA SOO XIRAY MADASHA FULINTA MIISAANIYADA IYO DIB-U HABEYNTA MAAMULKA MAALIYADDA DOWLADDA HIRSHABELLE.
Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle
Kani waa bogga rasmiga ah ee ay Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha ee Dowladda Hirshabelle ay ku leedahay Facebook.
Bogga rasmiga ah ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle
The official page of the Ministry of Finance and Economic Development of the Hirshabelle.
27/04/2026
MADASHA FULINTA MIISAANIYADDA IYO DIB-U-HABEYNTA MAAMULKA MAALIYADDA DOWLADDA HIRSHABELLE
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle ayaa maanta Magaalada Jowhar ee Caasimadda Dowladda Hirshabeelle ka daahfurtay Madasha Fulinta Miisaaniyadda iyo Dib-u-habeynta Maamulka Maaliyadda (PFM Reform Forum), oo ah kulan saddex-biloodle ah,
Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Abdirahim Isse Addow, waxaana ku wehliyay Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Mudane Omar Mohamed Soomane iyo Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada Dowladda Hirshabelle Mudane Abukar Ahmed Ali.
Ugu horreyn, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda Mudane Abdullahi Salah Mudei ayaa si faahfaahsan u sharaxay muhiimadda madashan, isaga oo tilmaamay doorka ay ku leedahay dardargelinta fulinta miisaaniyadda, kor u qaadista isla-xisaabtanka, iyo xoojinta dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed ee dowladda.
Kulanka waxaa ka qeyb galay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Dowladda Hirshabelle, Hantidhowrka Guud ee Dowladda, Gudiga Shaqaalaha Rayidka Dowlada Hirshabelle iyo maareeyayaasha mashaariicda kala duwan. Waxaa diiradda lagu saaray xaaladda guud ee fulinta miisaaniyadda, caqabadaha jira, iyo qorsheyaasha lagu xallinayo si loo dardargeliyo waxqabadka dowladda.
Madashan ayaa socon doonta muddo saddex maalmood ah, iyadoo la filayo in laga soo saaro talooyin iyo qorsheyaal wax ku ool ah oo lagu horumarinayo maamulka maaliyadda Dowladda Hirshabelle.
DHAMMAAD
07/04/2026
ISKU SHAANDHEYN
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle ayaa isku shaandheyn ku sameeyay qaar ka mid ah Agaasime Waaxeedyada Wasaaradda.
Go’aankan ayaa yimid kadib markii la qiimeeyay baaxadda howlaha horyaalla Wasaaradda iyo baahida loo qabo dardargelinta shaqooyinka, kor u qaadista waxqabadka, iyo dib-u-habeynta nidaamka shaqo.
Wasiir ayaa faray Mas’uuliyiinta la isku beddelay inay si degdeg ah ula wareegaan xilalka cusub, isla markaana si hufan u gutaan waajibaadkooda shaqo.
Wasaaradda Maaliyaddu waxay mar kale adkeynaysaa muhiimadda wada-shaqeynta, isla xisaabtanka iyo hufnaanta si loo gaaro horumar maaliyadeed oo waara.
Horumar, Hufnaan & Isla Xisaabtan
#
#
#
#
#
#
#
#
#
#
23/02/2026
Beledweyne: Wafdi wasiirro ah oo ka tirsan Dowladda Hirshabeelle ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan, si ay uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha ka jira deegaannada Hirshabeelle.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Iyo Horumarinta dhaqaalaha ee Dowladda Hirshabeelle, Mudane Abdirahim Isse ayaa ku jiray wafdiga, waxaana qeyb ka ahaa, Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Kheyre, wasiirka Arrimaha Gudha iyo Dowladha Hoose Mudane Abdi Daahir Karoore iyo Wasiirka Caafimaadka Mudane Saadaq Maxamed Maxamuud.
Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne waxaa wafdiga kusoo dhaweeyay Guddoomiyaha Degmada Beledweyne, Mudane Cumar Cismaan Calasoow, Duqa Magaalada Marwo Nadar Tabaax Maalin, xubno ka tirsan maamulka gobolka iyo saraakiil ciidan.
Ujeeddada socdaalka wafdiga wasiirrada ayaa ah sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen qiimeynta iyo dardargelinta gurmadka loo fidinayo qoysaska ay abaartu saameysay, gaar ahaan Gobolka Hiiraan.
Wafdigan ayaa kamid ah guddiga gurmadka abaaraha ee uu dhowaan magacaabay Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), si loo hubiyo in shacabka reer Hirshabeelle ay helaan gurmad ballaaran oo degdeg ah iyo qiimeynta xaaladaha Abaarta.
17/02/2026
🌙 Ramadaan Mubaarak.
Alle ha inaga dhigo kuwii ka faa’iidaysta bishan barakaysan,
Ha inaga aqbalo soonka, salaadda iyo ducada,
Qalbigeenna ha ka nadiifiyo xumaan iyo nacayb,
Dalkeenna iyo dadkeenana ha siiyo nabad iyo barwaaqo.
Bishan aynu ku bilowno cafis, dulqaad iyo is-jacayl.
Ramadaan Kariim. 🤲🌙
17/02/2026
WARMURTIYEED LAGA SOO SAARAY KULANKA 24-AAD EE MADASHA WASIIRRADA MAALIYADDA DALKA .
Mogadishu 17 Febraayo 2026, Waxaa Warmurtiyeed rasmi ah laga soo saaray Kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo 15–16 Febraayo 2026 ka qabsoomay magaalada Muqdisho.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta federaaleynta maaliyadda, wadaagga deeqaha, astaynta awoodaha dakhliga iyo dib-u-habaynta nidaamyada maamul-maaliyadeed ee dalka.
Qodobada ugu muhiimsan ee Warmurtiyeedka ku cad:
🔹 Wax-ka-beddel lagu sameeyey Heshiiskii Wadaagga Deeqaha (Febraayo 2023)
Waxaa la ansixiyey wax-ka-beddel lagu sameeyey qaaciddada wadaagga deeqaha si loo xoojiyo cadaaladda, isla-xisaabtanka iyo dhiirrigelinta horumarinta maaliyadeed. iyadoo la kordhiyey qodobada la xiriira horumarinta federaaleynta maaliyadda, kobcinta dakhliga iyo maamulka kharashaadka.
🔹 Hirgelinta Qorshaha Qaran ee Astaynta Awoodaha Dakhliga (NCC 2023)
Kulanku wuxuu adkeeyey muhiimadda dhaqan-gelinta Qorshaha Astaynta Awoodaha Dakhliga si loo kala caddeeyo masuuliyadaha dakhliga Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah.
🔹 Dib-u-habaynta Mushaharka Shaqaalaha Rayidka
Waxaa la isla gartay in la dardargeliyo dib-u-habaynta nidaamka mushahar-bixinta shaqaalaha rayidka ee Dowladaha Xubnaha ka ah, si loo xaqiijiyo nidaam hufan oo waara.
🔹 Xoojinta wada-shaqeynta maaliyadeed
Kulanku wuxuu markale caddeeyey muhiimadda ay leedahay mideynta dadaallada, kobcinta dakhliga gudaha iyo hirgelinta nidaam maamul-maaliyadeed oo daahfuran.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle ayaa si buuxda uga qayb qaadatay kulanka, waxayna taageertay qodobada ku xusan Warmurtiyeedka si loo dardargeliyo horumarinta nidaamka maaliyadeed ee dalka.
Dhamaad
15/02/2026
Muqdisho, 15 Febraayo 2026 – Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow, oo uu wehliyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Mudane Cabdullaahi Saalax Mudei, ayaa ka qeybgalay Kulankii 24-aad ee Wasiirrada Maaliyadda Dowlad-Goboleedyada iyo Maamulka Gobolka Banaadir, kaas oo ka furmay magaalada Muqdisho.
Kulankan oo soconaya muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray xoojinta wadashaqeynta iyo isku-dubbaridka hannaanka maamulka maaliyadda dalka, iyadoo la dardargelinayo dib-u-habeynta nidaamka maaliyadeed iyo horumarinta dhaqaalaha guud ee Soomaaliya.
Ajandayaasha muhiimka ah ee kulanka waxaa ka mid ah:
1: Horumarinta wadaagga kheyraadka dalka,
2: Mideynta dakhliga heer federaal iyo heer dowlad-goboleed,
3: Xoojinta hufnaanta, isla xisaabtanka iyo joogtaynta nidaamka maaliyadeed,
4: Dardargelinta hirgelinta dib-u-habeynta maaliyadda si loo gaaro xasillooni dhaqaale oo waarta.
Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle waxay adkeyneysaa muhiimadda ay leedahay wada-shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad-goboleed si loo xaqiijiyo nidaam maaliyadeed oo mideysan, hufan, isla markaana kor u qaada koboca iyo horumarka dhaqaale ee dalka.
Kulanka ayaa la filayaa in laga soo saaro go’aanno iyo talooyin wax ku ool ah oo lagu sii xoojin doono dadaallada dib-u-habeynta maaliyadeed, taas oo wax weyn ka tari doonta horumarka iyo xasilloonida dhaqaale ee Soomaaliya.
— DHAMAAD —
07/02/2026
Nairobi, Febraayo 07, 2026:
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Abdullahi Salah Mudei, ayaa ka qeyb galay shirka dib-u-qaabaynta Mashruuca SERP Project Somalia oo si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Nairobi, waxaana ku wehlinayay Maareeyaha Mashruuca SERP ee Hirshabelle, Mudane Mohamed Ahmed Kabah.
Shirka waxaa ka qeybgalay mas’uuliyiin iyo wakiillo ka socday Hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS), Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (FMS), Bangiga Adduunka, iyo howl-wadeenada Mashruuca SERP.
Shirka ayaa diiradda lagu saaray dib-u-eegista qaybaha mashruuca, qiimeynta heerka fulinta, iyo xoojinta is-waafajinta dib-u-habeynta tilmaamayaasha natiijooyinka mashruuca.
Waxaa sidoo kale si qoto dheer looga dooday isku xirka nidaamyada HRMIS iyo SFMIS,maaraynta khayraadka mashruuca, iyo fulinta hawlaha mudnaanta leh ee lagu xoojinayo awoodda hay’adaha dowliga ah.
Ugu dambeyn, shirka ayaa lagu bogaadiyay guulaha muhiimka ah ee mashruucu gaaray, iyadoo la isku raacay in la dardargeliyo fulinta arrimaha mudnaanta leh si loo gaaro yoolalka dib-u-habeynta iyo natiijooyinka la hiigsanayo ee Mashruuca SERP.
#
#
#
#
DHAMMAAD
21/01/2026
Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Oo Saxiixay Sharciga Dakhliga iyo Xeer-nidaamiyayaashiisa.
Jowhar, 21 January 2026. Madaxweynaha Dowladda Hirshabelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe), ayaa maanta si rasmi ah u saxiixay Sharciga Dakhliga iyo Xeer-nidaamiyayaasha Dakhliga Dowladda Hirshabelle, kuwaas oo dib-u-eegis ballaaran lagu sameeyay tan iyo sanadkii 2018.
Dib-u-eegistan lagu sameeyay sharciga iyo xeer-nidaamiyayaashiisa ayaa ujeeddadeedu ahayd in la waafajiyo shuruucda dakhliga duruufaha dhaqaale ee jira, lana xoojiyo nidaamka ururinta, maareynta, iyo isla-xisaabtanka dakhliga dowladda, si kor loogu qaado hufnaanta iyo daahfurnaanta maaliyadeed.
Ku-simaha Wasiirka Maaliyadda ahna Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Cumar Maxamed Soomane oo goobjoog u ahaa marka uu saxiixayey Madaxweynaha Dowladda Hirshabeelle Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen (Cali Guudlaawe) Sharciga Dakhliga iyo Xeer-nidaamiyeyaashiisa, taas oo muujinaysa muhiimadda uu sharcigani u leeyahay nidaamka maaliyadeed iyo dakhliga gudaha ee Dowladda Hirshabelle.
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in sharcigan dib-u-habeynta lagu sameeyay uu muhiim u yahay dhismaha hay’adaha dowladda, xoojinta dakhliga gudaha, iyo hirgelinta nidaam maaliyadeed oo casri ah, kaas oo ka tarjumaya himilooyinka horumarineed ee Dowladda Hirshabelle.
Saxiixa Madaxweynaha kadib, Sharciga Dakhliga iyo Xeer-nidaamiyayaashiisa ayaa si rasmi ah u dhaqan-galaya, waxaana la farayaa dhammaan hay’adaha ay khusayso in ay si buuxda u fuliyaan, iyadoo la raacayo habraacyada iyo qodobada ku xusan sharciga.
Ugu dambeyn, Wasaarada Maaliyada Dowladda Hirshabelle waxay u mahadcelinaysaa dhammaan hay’adihii, khubaradii, iyo dhinacyadii ka qeyb qaatay dib-u-eegista iyo diyaarinta sharcigan, iyada oo adkeynaysa sida ay uga go’an tahay horumarinta maareynta dakhliga iyo hannaanka maaliyadeed ee Dowladda Hirshabelle
— DHAMMAAD —
Public Resource Management in Somalia-PREMIS 2
Wasaaradda Maaliyadda Hirshabelle
#
#
13/01/2026
Wasiirka Maaliyadda Hirshabelle Oo Soo Xiray Shirka Madasha Fulinta Miisaaniyadda Dalka.
Jowhar, 13 January 2026– Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabelle, Mudane Cabdiraxiin Ciise Caddow, ayaa si rasmi ah u soo xiray Shirka Madasha Fulinta Miisaaniyadda Dalka, kaas oo muddo 10 maalmood ah ka socday magaalada Jowhar, caasimadda Dowladda Hirshabelle, isla markaana ka koobnaa wajiga koowaad iyo wajiga labaad.
Intii uu socday shirka, waxaa si qoto dheer looga dooday dib-u-habeynta nidaamka xisaabaadka maaliyadeed ee dalka, gaar ahaan ka-guurista IPSAS Cash Basis loona guurayo Accrual Basis, si loo xoojiyo hufnaanta, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maaliyadeed.
Doodaha kadib, waxaa la isku raacay afar qodob oo muhiim ah kuwaas oo saldhig u noqonaya mideynta nidaamka maaliyadeed ee dalka, kuwaas oo kala ah: 1: Hirgelinta Chart of Accounts mideysan, 2: Dejinta Habraacyada Xisaabaadka,
3: Mideynta Qaababka Warbixinnada Maaliyadeed
4: Ansixinta Qorshaha Hirgelinta IPSAS Cash Basis (Qaybaha I & II), kaas oo gogol-xaar u ah u-guurista nidaam xisaabeed casri ah mustaqbalka dhow.
Gabagabadii shirka, waxaa kasoo baxay Warmurtiyeed rasmi ah oo ay si wadajir ah u saxiixeen Xisaabiyaha Guud ee Qaranka, Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha Maaliyadda Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo Maamulka Gobolka Banaadir.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dowladda Hirshabelle ayaa bogaadiyay guusha shirka, isagoo adkeeyay muhiimadda ay leedahay hirgelinta go’aannada lagu gaaray, si loo helo nidaam maaliyadeed oo mideysan, hufan, isla markaana waafaqsan heerarka caalamiga ah.
DHAMMAAD
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Website
Address
Jowhar
