Abdishakur Ali Ahmed

Call Directions Contact the organization

Abdishakur Ali Ahmed Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Abdishakur Ali Ahmed, Government Official, Mogadishu.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa ...
12/09/2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, ayaa la kulmay Deniz Demir, Isku-duwaha Xarunta Ka-hortagga Wararka Marin-habaabinta iyo Been-abuurka ee Agaasinka Warfaafinta Madaxtooyada Jamhuuriyadda Turkiga.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinaca warfaafinta, gaar ahaan ka faa’iidaysiga khibradda Jamhuuriyadda Turkiga ee ka-hortagga iyo la-dagaallanka wararka marin-habaabinta iyo been-abuurka ah.

Sidoo kale, waxaa laga wada hadlay khataraha mustaqbalka ee marin-habaabinta iyo wararka been-abuurka ahi ku yeelan karaan xiriirka istiraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo Turkiga, iyo muhiimadda ay leedahay in labada dhinac ay yeeshaan iskaashi joogto ah oo lagu ilaalinayo xogta saxda ah iyo kalsoonida dadweynaha.

Waxaa alle mahaddii ah in toddobaadkan uu Muqdisho inooga qabsoomay   Madasha labaad ee Xiriirka Istiraatiijiga ah iyo W...
11/09/2026

Waxaa alle mahaddii ah in toddobaadkan uu Muqdisho inooga qabsoomay Madasha labaad ee Xiriirka Istiraatiijiga ah iyo Warbaahinta oo aan sanadkaan diiradda ku saarnay Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee xilligan casriga ah.

Waxaan hor iyo horraan u mahad celinayaa Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud kaalinta hoggaamineyd ee qabashada iyo marti galinta Madashani, sidaas si la mid ah Agaasimaha Guud ee wasaaradda Agaasimayaasha saaxiibadey ah, Lataliyayaasha, kooxdii hab maamuuska, Bahda Warbaahinta iyo howlwadeenadii waaxda ee laf dhabarta u ahaa shaqadii aan qabanay, una soojeeday habeen iyo maalin.

Waxaan sidookale u mahad celinaya Madaxdii, marti sharaftii doodadihii dhacay, soojeediyayaashii iyo ka qeyb galayaashii madasha.

Labadii maalin ee Madasha waxaa noo qabsoomay doodo qiimo leh oo taabanayay faa'iidada iyo saameynta taban ee Warbaahonta casriga ah, kaalinta Dowladda, Bulshada rayidka iyo Warbaahinta, kulama duceed iyo soojeedimo ku saabsanaa mowduucyada taabanayaa diiradda madasha ee sanadkan.

Waxaan dhowaan soo saari doonaa warbixinta Madasha iyo tallooyinkii ka soo baxay Shirka hadduu eebbe idmo.

Ugu dambeyn qof qof haddii aan u gaari karo waxaa dhihi lahaa mahadsanid qof kasta kaalintiisii shariifka ahayd, si gaar ah waxaan ugu mahad naqayaa akhyaarta aan soo haleelin, hayeeshee taladooda nala soo wadaagay wixii wanaagsanaa ay madasha ka mulaaxadeeyeen, iyo wixii ciladdo ahaa ee naga dhacay oo ay tahay in aan wax ka baranno.

Guuleysta dhammaan.

Jimco wanaagsan

WAR-SAXAAFADEEDWasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2...
08/09/2026

WAR-SAXAAFADEED

Wasiirka Warfaafinta oo soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026

Muqdisho, 8 Sebtembar 2026 – Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdulfitaax Qaasim Maxamuud, ayaa maanta magaalada Muqdisho si rasmi ah ugu soo xiray Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed 2026, oo socotay 7–8 Sebtembar, iyadoo ay ka qeyb galeen hay’adaha Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada, Maamulka Gobolka Banaadir, bahda warbaahinta, saaxiibada caalamka, ururrada bulshada rayidka, aqoonyahanno iyo saameeyayaasha Baraha Bulshada.

Madasha oo halku-dhiggeedu ahaa “Qaabaynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah” ayaa labada maalmood diiradda lagu saaray horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka warbaahinta dowladda, helitaanka xog sugan oo lagu kalsoonaan karo, la-dagaallanka wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta, adeegsiga aaladaha casriga ah iyo garaadka macmalka ah (AI), anshaxa saxaafadda, iyo sidii loo dhisi lahaa warbaahin Soomaaliyeed oo xirfad leh, adkaysi leh, isla markaana la jaanqaadi karta isbeddellada casriga ah.

Intii ay Madashu socotay waxaa la qabtay dood-wadaagyo, bandhigyo, kulamo khubaro iyo wada-tashiyo, kuwaas oo lagu falanqeeyay xaaladda warbaahinta Soomaaliyeed, fursadaha iyo caqabadaha ka dhashay horumarka aaladaha casriga ah, tallaabooyinka mudnaanta leh ee lagu horumarin karo warbaahinta dalka, iyo doorka warbaahintu ku leedahay dib-u-xoreynta, xasillinta, gurmadka bani’aadannimada iyo nabad-dhiska Soomaaliya.

Madasha waxaa qeyb ka ahaa kulan gaar ah oo ay yeesheen Wasaaradaha Warfaafinta Dowladda Federaalka, Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, kaas oo diiradda lagu saaray xoojinta wada-shaqeynta iyo isku-duwidda warfaafinta dowladda, hirgelinta Istiraatiijiyadda Qaranka ee Xiriirka Warbaahinta, mideynta farriimaha muhiimka ah ee dowladda iyo dhismaha hannaan joogto ah oo ay wadaagaan heerarka kala duwan ee dowladda.

G/sare Xasan Cali Nuur Shuute, Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida, oo goobjoog ka ahaa xiritaanka Madasha, ayaa sheegay in Madasha Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahintu ay ku soo aaday xilli loo baahan yahay in la xoojiyo la qabsiga casriyeynta warbaahinta, jiheynta iyo wacyigelinta dadweynaha. Waxa uu intaa ku daray in ka-hortagga wararka been-abuurka ah, marin-habaabinta iyo isku-diridda bulshada ay tahay ajande qaran oo u baahan in si wadajir ah la isaga kaashado.

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Dadweynaha ee Dowlad-goboleedka Koonfur Galbeed, Mudane Nuur Siidow Baaba, oo ku hadlay afka Dowlad-goboleedyada iyo Gobolka Banaadir, ayaa ku baaqay in kor loo qaado iskaashiga hay’adaha dowladda, gaar ahaan horumarinta iyo la qabsiga warbaahinta casriga ah, iyo iskaashiga lagula tacaalayo khataraha ka dhasha wararka been-abuurka ah iyo marin-habaabinta.

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska, Mudane Cabdifitaax Qaasim Maxamuud, oo Madasha soo xiray, ayaa adkeeyay in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay casriyeynta warbaahinta dalka, kobcinta xirfadaha bahda warbaahinta, xoojinta warfaafinta dowladda iyo dhismaha jawi warbaahineed oo lagu kalsoonaan karo.

Wasiirka ayaa uga mahadceliyay Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmaynta Kala-guurka Soomaaliya (UNTMIS) taageerada uu ka geystay qabsoomidda Madasha. Waxa uu sidoo kale bogaadiyay dhammaan hay’adaha dowladda, Dowlad-goboleedyada, Gobolka Banaadir, warbaahinta Soomaaliyeed, saaxiibada caalamka, khubarada, aqoonyahannada iyo dhammaan qeybihii kala duwanaa ee ka qeyb qaatay qabsoomidda iyo guusha Madasha.

Natiijooyinka iyo Tallaabooyinka Xiga

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska waxay diyaarin doontaa Warbixinta Nuxurka iyo Natiijooyinka Madasha 2026, taas oo si dhameystiran u ururin doonta doodihii, talooyinkii, baahiyihii, mudnaantii iyo qodobadii ka soo baxay dhammaan fadhiyada labada maalmood.

Warbixintu waxay saldhig u noqon doontaa qorshe-hawleedka dabagalka Madasha, xoojinta isku-duwidda warfaafinta dowladda, horumarinta warbaahinta Soomaaliyeed iyo hagidda wada-shaqeynta Dowladda Soomaaliya iyo saaxiibada taageera horumarinta warbaahinta iyo xiriirka warbaahinta.

Madasha Labaad ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta Soomaaliyeed waxay ku soo dhammaatay is-afgarad ku saabsan baahida loo qabo in Madashu noqoto hannaan joogto ah oo qaran, laguna sii xoojiyo wada-tashiga, isku-duwidda iyo iskaashiga dhinacyada ka shaqeeya horumarinta warbaahinta iyo warfaafinta Soomaaliya.

DHAMMAAD

Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya
Muqdisho, Soomaaliya

Waxaan ka qeyb galay Hidhimo sharafeed Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Abdulfatah Kasim Mohamud ...
04/09/2026

Waxaan ka qeyb galay Hidhimo sharafeed Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska XFS mudane Abdulfatah Kasim Mohamud hoygiisa ugu sameeyay Abwaan ka weyn Mustafa Sh Cilmi Cabdulle.

Waxaa qado sharafta goobjoog ka ahaa laguna maamuusay iyaga Agaasimayaasha Wasaaradda iyo Bahda Tiyaatarka Qaranka iyo suugaanlayda.

03/09/2026

Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Faarax Sheekh Cabdulqaadir ayaa ka mid ah martida ka qeybgeleysa 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐬𝐡𝐚 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐈𝐬𝐭𝐢𝐫𝐚𝐚𝐭𝐢𝐢𝐣𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐗𝐢𝐫𝐢𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝟐𝟎𝟐𝟔 (𝐒𝐭𝐫𝐚𝐭𝐞𝐠𝐢𝐜 𝐂𝐨𝐦𝐦𝐮𝐧𝐢𝐜𝐚𝐭𝐢𝐨𝐧 𝐅𝐨𝐫𝐮𝐦 𝟐𝟎𝟐𝟔).

Hal-ku-dhigga shirweynaha ee sanadkaan ayaa ah:
“Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya Xilligaan Casriga ah”
(Shaping Somalia’s Media Future in the Digital Era)







03/09/2026

Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum).

⏳ 4 maalin ayaa ka hartay.

📅 7–8 Sebtembar 2026
📍 Muqdisho, Soomaaliya








Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliy...
03/09/2026

Mudane Xasan Macallin Maxamuud, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa ka mid ah martida ka qeybgeleysa Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum 2026).

Shirweynaha oo diiradda lagu saarayo doorka iyo mustaqbalka warbaahinta Soomaaliya xilligan casriga ah, ayaa isu keeni doona mas’uuliyiin, khubaro iyo bahda warbaahinta.

Hal-ku-dhigga Shirweynaha:
“Qaabeynta Mustaqbalka Warbaahinta Soomaaliya ee Xilligan Casriga ah”(𝑺𝒉𝒂𝒑𝒊𝒏𝒈 𝑺𝒐𝒎𝒂𝒍𝒊𝒂’𝒔 𝑴𝒆𝒅𝒊𝒂 𝑭𝒖𝒕𝒖𝒓𝒆 𝒊𝒏 𝒕𝒉𝒆 𝑫𝒊𝒈𝒊𝒕𝒂𝒍 𝑬𝒓𝒂)








01/09/2026

Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Abdulfatah Kasim Mohamud, ayaa ku dhawaaqay qabsoomidda Shirweynaha Madasha Qaran ee Istiraatiijiyadda Xiriirka Warbaahinta 2026 (Strategic Communication Forum), kaas oo magaalada Muqdisho ka dhici doona 7-da ilaa 8-da bishan.

Hal-ku-dhigga madasha sannadkan ayaa ah “Qaabeynta mustaqbalka Warbaahinta ee Xiligaan Casriga " Shaping Somali's Media Future in Digital Era)”, iyadoo diiradda lagu saari doono horumarinta iyo casriyeynta warbaahinta Soomaaliyeed, xoojinta xiriirka iyo wada-shaqeynta hay’adaha dowladda iyo warbaahinta, adeegsiga tiknoolajiyadda iyo warbaahinta casriga ah, iyo sidii loo dhisi lahaa istiraatiijiyad warbaahineed oo ka jawaabta baahiyaha iyo isbeddellada mustaqbalka.








Address

Mogadishu

Telephone

+252615639889

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abdishakur Ali Ahmed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Abdishakur Ali Ahmed:

Shortcuts

Share