26/05/2026
Ciid Wanaagsan.
Muqdisho | 26 May 2026
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin diirran u diraysaa shacabka Soomaaliyeed gudaha iyo dibadda, iyo dhammaan ummadda Muslimiinta ah ee caalamka munaasabadda barakeysan ee Ciidul-Adxaa awgeed.
Iyadoo la xusayo munaasabaddan qiimaha weyn leh ee astaan u ah allabari, naxariis, iyo midnimo, waxaan u rajaynaynaa in Ciiddu ay nabad u horseeddo bulshadeenna Soomaaliyeed, isla markaana farxad noqoto qoysaskeenna, sidoo kalana dib u soo nooleeyso rajada mustaqbal.
Ilaahay ha ka dhigo Ciiddaan mid bulshadeena isku garab istaagto, sidoo kale alle ha ka yeelo mi wadata, deeqsinimo, iyo wada noolaansho wanaagsan oo dhex mara dalalka iyo shucuubta caalamka.
Ciid Mubaarak.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud Allaale
Waaxda Warbaahinta Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Email: [email protected]
Twitter:
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia
18/05/2026
๐๐๐๐๐๐๐๐ ๐
๐๐๐๐
๐๐๐๐๐๐ซ๐๐๐๐ ๐๐
๐๐จ๐จ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ฒ๐ ๐๐ ๐๐๐ซ๐ฅ๐ข๐ง-๐๐๐ซ๐ฆ๐๐ฅ๐ค๐, waxay ugu hambalyeynaysaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ข๐ข๐ ๐๐ฅ ๐๐๐ฑ๐.
๐๐ข๐๐จ๐จ ๐ค๐๐ฅ๐ ๐ฌ๐๐๐๐๐ซ๐๐๐๐ฎ waxay ku wargellinaysaa dhammaan Jaaliyadda Soomaaliyeed, inay safaaraddu xiran tahay ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ฆ๐๐ก๐ ๐๐ฌ๐ง๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ illaa ๐๐ข๐ฆ๐๐๐๐ก๐ ee ๐๐ Illaa ๐๐ ๐๐๐๐ฃ๐จ ๐๐๐๐, fasaxaas oo isugu jira fasax guud ee ๐๐๐ฅ๐ค๐ ๐๐๐ซ๐ฆ๐๐ฅ๐ค๐ iyo ๐
๐๐ฌ๐๐ฑ๐ ๐๐ข๐ข๐๐ฎ๐ฅ ๐๐๐ฑ๐.
Safaaraddu waxay shaqada dib u bilaabi doontaa ๐ฆ๐๐๐ฅ๐ข๐ง๐ญ๐ ๐๐ฌ๐ง๐ข๐ข๐ง๐ญ๐ ee ๐๐.๐๐.๐๐๐๐.
๐๐๐ก๐๐๐ฌ๐๐ง๐ข๐๐ข๐ข๐ง.
14/05/2026
On 13 May 2026, Somaliaโs Ambassador to the Federal Republic of Germany H.E. AbdiAsis Mohamed officially presented credentials to His Excellency Zoran Milanoviฤ, President of the Republic of Croatia as non - resident Ambassador to the Republic of Croatia. Marking a historic first in diplomatic relations between the two nations. This milestone opens a new chapter of cooperation, friendship, and partnership, strengthening ties between Somalia๐ธ๐ด and Croatia ๐ญ๐ท through diplomacy and mutual respect.
03/05/2026
๐ ๐๐๐๐ฃ๐จ ๐๐๐๐, Danjiraha JFS ee Jarmalka ahna Danjiraha aan deggeneyn ee Soomaaliya u qaabilsan Poland Danjire ๐๐๐๐ข๐๐ฌ๐ข๐ฌ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐๐ ๐๐จ๐ก๐๐ฆ๐ฎ๐ ๐
๐๐ซ๐๐๐๐๐๐ง๐ ayaa ka qayb galay dabaaldegga Maalinta Qaranka Dastuutka Poland 1791, laguna qabtay Fagaaraha Qasriga (Castle Square).
Danjiraha ayaa sidoo kale qeyb ka ahaa soo dhawayn ay fidiyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Poland iyo Marwada Koowaad oo ka dhacday Beerta Qasriga Madaxweynaha oo loogu talagalay Danjirayaasha.
01/05/2026
Hambalyadda Dabaal-degga Maalinta Shaqaalaha Aduunka ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda.
1-da May 2026, Muqdisho.
Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Shaqaalaha awgeed, Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay hambalyo iyo bogaadin u direysaa dhammaan shaqaalaheeda iyo diblomaasiyiinta Soomaaliyeed ee ka hawlgala daafaha caalamka, iyadoo qaddarinaysa dadaalkooda iyo adeegga muhiimka ah ay u hayaan qaranka Soomaaliyeed.
Wasaaraddu waxay si gaar ah u xusaysaa kaalinta muhiimka ah ee ay ku leeyihiin matalaadda dalka ee goleyaasha iyo ururrada caalamiga ah sida Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, Bulshada Bariga Afrika, Ururka Iskaashiga Islaamka, IGAD, Midowga Afrika, iyo dhammaan fagaarayaasha kale ee caalamiga ah ee Qaranka Soomaaliyeed lagu metelo, taas oo muujinaysa xirfada aqooneyd, daacadnimo iyo joogitaan caalami ah oo sii kobcaya.
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Abdisalam Ali iyo Madaxda Wasaaradda oo wada jira waxay hambalyo iyo bogaadin u dirayaan masโuuliyiinta Wasaaradda, diblomaasiyiinta, iyo dhamaan shaqaalaha dowladda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, iyagoo ku dhiirrigelinaya inay sii wadaan adeeggooda iyo kaalintooda ku aaddan horumarka Dalka iyo Danaha Qaranka.
Wixii faahfaahin dheeraad ah kala xiriir:
Mohamed Mahmud AllaaleWaaxda Warbaahinta
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: [email protected]
Twitter:
Bogga Af-Ingiriska: Ministry of Foreign Affairs of Somalia