Somali Construction Corporation- SCC

Directions Website

Somali Construction Corporation- SCC Bogga Rasmiga ah ee Shirkadda Dhismaha Dawladda-Deegaanka Soomaalida -
Official Page Of Somali Regional State Construction Corporation.

Xil-wareejinMaareeye -ku-xigeenkii h**e ee Shirkadda Dhismaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Inj. Cabdifataax Cumar Aare...
18/10/2026

Xil-wareejin

Maareeye -ku-xigeenkii h**e ee Shirkadda Dhismaha Dawladda Deegaanka Soomaalida, Inj. Cabdifataax Cumar Aare, ayaa xilka ku wareejiyay, Inj. Naasir jiciir Axmed oo ah Maareeye-ku-xigeenka cusub ee Shirkadda Dhismaha Deegaanka.

Munaasabadda xil-wareejinta ayaa waxaa goob-joog ka ahaa Maareeye Ku-xigeenka Shirkadda mudane Cabdi Maxamed Gamaadiid.

HAMBALYO.  Hogaaminta maamulka Shirkadda Dhismaha DDS 1 Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dhismaha DDS Inj. Cabdirashiid Maxa...
15/10/2026

HAMBALYO.

Hogaaminta maamulka Shirkadda Dhismaha DDS

1 Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dhismaha DDS Inj. Cabdirashiid Maxamed Cumar

2. Maareeye Ku-xigeen mudane. Cabdi maxamed gamaadiid

3. Maareeye Ku-xigeen. Inj. Fuad Hassan Bashir

4. Maareeye Ku-xigeen Inj. Mahad Cabdi dhubad

5. Maareeye Ku-xigeen Inj. Naasir jiciir Axmed

Masuuliyiin iyo hawl-wadeeno Corporation-ka Dhismaha DDS oo uu hogaaminayo Maareeye-kuxigeenka Qeybta Jidadka Eng C-fata...
12/10/2026

Masuuliyiin iyo hawl-wadeeno Corporation-ka Dhismaha DDS oo uu hogaaminayo Maareeye-kuxigeenka Qeybta Jidadka Eng C-fataax Cumar Aare, ayaa Safar Sahan-hawleed ( Assessment ) u tagay Magaalada ROOBE ee Deegaanka Oromia, Sahan-hawleedkaas oo muhiimad Balaadhan u leh Mashaariicda Dhismaha ee ka socda Gobalada Koonfurta ee Deegaanka Soomaalida

Sahan Hawleedkan waxaa lagu indha indheynayaa Gashiyada Mashaariicda ( Project Inputs ) muhiimka u ah Mashaariicda dhismaha

Maareeye Ku-xigeenka Korboreeshinka Dhismaha DDS, Inj. Fuad Hassan Bashir, iyo hawl-wadeenno ka tirsan xafiiska ayaa maa...
10/10/2026

Maareeye Ku-xigeenka Korboreeshinka Dhismaha DDS, Inj. Fuad Hassan Bashir, iyo hawl-wadeenno ka tirsan xafiiska ayaa maanta kormeer ku tagay mashruuca biyo-xidheenka Xarunta Dalxiiska Shabeelay, kaas oo uu gacanta ku hayo Korboreeshinka Dhismaha DDS, isla markaana ay shaqadiisu socoto.

Intii uu kormeerku socday, masuuliyiintu waxay qiimayn ku sameeyeen halka ay marayso shaqada dhismaha mashruuca, iyaga oo xog ka dhegaystay injineerrada iyo hawl-wadeennada mashruuca.

Gabagabadii kormeerka, masuuliyiintu waxay injineerrada iyo hawl-wadeennada kula dardaarmeen inay shaqada u gutaan si hufan oo tayo leh, isla markaana la dardargeliyo hawlaha dhismaha si mashruuca loogu soo gebagebeeyo muddadii loogu talagalay.

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada korboreeshinka Dhismaha DDS oo kulan la yeeshey maamulka magaalada Jigjiga Kulankan oo ...
09/10/2026

Masuuliyiinta iyo hawl wadeenada korboreeshinka Dhismaha DDS oo kulan la yeeshey maamulka magaalada Jigjiga

Kulankan oo uu hogaaminayey Duqa Magaalada Jigjiga Inj. Shaafi Axmed Macalin ayaa Waxaa lagaga wadahadley laguna soo jeediyey naqshado iyo daraasaadyo la xidhiidha mashaariicda Hormarineed ee Sm2019 uqorsheysan maamulka Magaalada Jigjiga.

Mashaariicdan oo isugu jira wadooyin laami ah iyo Dhismaha buundooyin ayaa waxaa la isla qaatey in qeybo ka mid ah uu fuliyo korboreeshinka Dhismaha DDS.

09/10/2026

Corporation-ka Dhismaha DDS iyo Mashaariicda uu Gacanta ku Hayo

Maareeyaha Guud ee Corporation-ka Dhismaha DDS, Inj. Cabdirashiid Maxamed Cumar, ayaa ka warbixiyay mashaariicda kala duwan ee uu xafiisku gacanta ku hayo tan iyo markii la mideeyay shirkadihii iyo hay’adihii dawladda ee dhinaca dhismaha iyo kaabayaasha horumarinta.

30/09/2026

Dhagax-dhigga Xafiiska cusub ee Corporation-ka Dhismaha DDS.

Shirkadda Dhismaha DDS, Shirkadda Injineeryada iyo xafiiska Jidadka ayaa kala sexeexday heshiis saddex-geesood ah oo la ...
29/09/2026

Shirkadda Dhismaha DDS, Shirkadda Injineeryada iyo xafiiska Jidadka ayaa kala sexeexday heshiis saddex-geesood ah oo la xidhiidha dhismaha mashruuca buundada Hiloweyn ee udhaxaysa degmooyinka Goradhaamoole iyo Qarsaaduula iyo jidka Qundhi ee degmada Guradhaamoole.

Mashruucan la kala saxeexday oo ka kooban dhismaha buundada Hiloweyn iyo jidka tuulada Qundhi ayaa waxaa fulinaysa Shirkadda Dhismaha DDS, iyadoo Shirkadda Injineeriyada ee DDS ay dabagalayso tayada mashruuca.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa saaka dhagax-dhigay Mashruuca Dhismaha Xafiiska Shirkad...
29/09/2026

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, ayaa saaka dhagax-dhigay Mashruuca Dhismaha Xafiiska Shirkadda Dhismaha DDS.

Mashruucan oo ay ku baxeyso lacag kor u dhaafaysa 800 Milyan oo Birr, ayaa ka kooban 6 dabaq(G+6) oo si casri ah loo dhisayo, waxaana Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinayay dhagax-dhigga Mashruucan Madaxa Xarunta Dhexe ee Xisbiga, Eng. Maxamed Shaale, iyo Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dhismaha DDS, Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Cumar.

Madaxweyne Ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo ka hadlayay munaasabaddii dhagax-dhigga, ayaa sheegay inay Xukuumaddu isbeddelkii kadib ahmiyad weyn siisay Sector-ka Horumarinta Corporation-ka iyo Dhismaha, isagoo carrabka ku dhuftay in xafiisyo badan oo ku habboon adeeg-bixinta bulshada laga dhisay Deegaanka.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa sidoo kale tibaaxay in dhismahan cusub uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo adeegyada maalgelinta, horumarinta dhismaha iyo abuurista jawi ku habboon adeeg-bixinta iyo soo jiidashada maalgashadayaasha kala duwan.

Maareeyaha Guud ee Shirkadda Dhismaha DDS, Mudane Eng. Cabdirashiid Maxamed Cumar, oo isaguna ka hadlay munaasabadda, ayaa Xukuumadda uga mahadceliyay ahmiyadda iyo mudnaanta ay siisay Sector-ka Horumarinta Dhismaha, isagoo tibaaxay in Mashruucan, oo ay fulinayso Shirkadda Dhismaha DDS, loogu talogalay in lagu dhamaystiro muddo sanad iyo badh gudihiis ah.

Dadaallada loogu jiro kor u qaadida kobaca dhaqaale ee Deegaankeenna intii ka dambaysay isbeddelka maamul ee ka hanaqaaday dalka iyo Deegaankaba, ayay Xukuumaddu gundhig uga dhigtay aasaasidda iyo xoojinta Shirkadaha Horumarinta Dawladda, kuwaas oo meelmarin kara maalgelinta mugga leh ee lagu samaynayo adeegyada aasaasiga ah ee sida tooska ah uga jawaabaya baahiyaha bulshada.

Shirkadaha Horumarinta Dawladda ayaa loogu talogalay inay qayb muhiim ah ka qaataan fulinta mashaariicaha wax ka beddelaya nolosha dhaqan-dhaqaale iyo mida bulshadaba ee Deegaanka Soomaalida.

Guddiga Maamulka Shirkadda Dhismaha Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa maanta  yeeshay kulankoodii caadiga ahaa.Kulanka,...
24/09/2026

Guddiga Maamulka Shirkadda Dhismaha Dowladda Deegaanka Soomaalida ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa.

Kulanka, oo uu shir-guddoomiyay Maareeyaha Guud ee ShirkaddaDhismahaDDS, Inj..Cabdirashiid Maxamed Cumar, ayaa si gaar ah diiradda loogu saaray dardargelinta iyo la socodka mashaariicda ay Shirkaddu gacanta ku hayso.

Address

Karamara Hospital Street
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Somali Construction Corporation- SCC posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share