Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Share

create competitive market-led modern livestock and livestock production system and poverty-free society in the region/Country

26/05/2026

Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS, Dr. C/qaadir Iimaan, ayaa hambalyada munaasibadda Ciidul-Adxa 1447-ka Hijriyada la wadaagay shacabka deegaanka Soomaalida, shaqaalaha xafiiska iyo guud ahaan Muslimiinta caalamka.

Wasiirka ayaa shacabka u rajeeyay inay ku ciidaan nabad, caafimaad qab, barwaaqo iyo farxad. Ciid Mubaarak.

Photos from Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS's post 19/05/2026

Dhagax-dhiga billowga mashruuca Saylada Xoolaha ee magaalada Jigjiga oo ay ku baxayso In ka badan 74 Milyan oo birr ayaa si rasmi ah loo dhagaxdhigay.

Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar iyo Wasiirka Wasaarradda Ganacsiga JDFI, Dr. Kaasahun Goofe ayaa dhagax-dhigay Sayladani oo ah mid casri ah oo leh dhammaan adeegyadii muhiimka u ahaa.

Mashruucan waxaa fulinaysa Wasaaradda Ganacsiga JDFI oo kaashanaysa Bangiga Adduunka, waxaana dhismihiisa fulinaysa shirkada Axmed General Construction Company oo kusoo gunnaanadi doonta muddo 4-billood ah, sida qorshuhu yahay.
Mashruucan ayaa kaalin ka qaadan doonaa horumarka dhaqaale ee deegaanka soomaalida waana suuragalinaya in jigjiga noqoto magaalo leh midkamid ah suuqyada ugu baaxada wayn geeska Africa.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Photos from Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS's post 12/05/2026

Waxaa madasha shirarka ee Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS ka qabsoomay kulan ay yeesheen iskaashiyada Xisbiga Barwaaqo, kaas oo diiradda lagu saaray dood-cilmiyeed ku saabsan Wargeyska Barwaaqo.

Kulankan ayaa ujeeddadiisu ahayd falanqaynta iyo ka doodista Wargeyska Barwaaqo Nuqulkiisa 1-aad, Tirsigiisa 7-aad. Waxaa ka soo qaybgalay dhammaan xubnaha xisbiga Barwaaqo ee ka tirsan shaqaalaha xafiiska, kuwaas oo si hufan oo furan uga dooday qodobada iyo nuxurka wargeyska.

Ka qaybgalayaashu waxay tilmaameen muhiimadda ay leedahay in wargeysku bulshada gaadhsiiyo xogaha horumarka, wacyigelinta iyo hawlaha xisbiga, iyagoo sidoo kale soo jeediyay talooyin lagu sii xoojinayo tayada iyo saamaynta wargeyska Barwaaqo.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

06/05/2026

Muuqaalka xarunta Shaybaadhka Xoolaha ee Heer Deegaan ee Fiiq (Fik Regional Veterinary Laboratory).

Photos from Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS's post 26/04/2026

Talaalka Eyda oo ay iska kaashanayaan Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS iyo mashruuca LLRP ayaa laga fulinayaa qaar ka mid ah degmooyinka Gobolka Faafan iyo Magaalada Jigjiga.

Eyda ayaa laga talaalayaa Xanuunkan halista ah ee Waallida (Rabies) waana xanuun Eydu la waashaan,keenayana halis ah inay dadka weeraraan. Xanuunkan ayaa ku gudba qaniinyada, xagashada iyo leefidda, wuxuuna sababi karaa dhimasho iyo hoos u dhac dhaqaale oo saameeya dadka iyo xoolaha.

Xafiiska oo ka duulaya ka hortaga halistaasi u diray kooxo dhakhaatiir ah oo fulinaya tallaalka iyo wacyigelin ku,aadan halista xanuunkan.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Photos from Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS's post 18/04/2026

Tababar Lagu Xoojinayo Fidinta Caafimaadka Xoolaha oo Lagu Soo Gabagabeeyay Jigjiga

Tababar ku saabsan fidinta adeegyada caafimaadka xoolaha, oo uu soo agaasimay Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS,ayaa loo qabtay xirfadlayaal iyo madax xafiisyada horumarinta xoolo-dhaqatada ee degmooyinka Gobolka Faafan.

Intii uu socday tababarku, waxaa si gaar ah diiradda loo saaray kor u qaadista wacyiga bulshada, ka hortagga cudurrada faafa ee ku dhaca dadka iyo xoolaha, iyo muhiimadda ay leedahay in la xoojiyo tallaabooyinka kahortagga ah, halkii laga sugi lahaa daaweyn kaliya marka cudurku dillaaco.

Ujeeddada tababarkan ayaa ahayd in la xaqiijiyo fayadhowrka iyo badbaadada caafimaadka xoolaha, iyadoo la yareynayo ku tiirsanaanta daaweynta kaddib marka ay dhibaato timaaddo.
Ugu dambayn, tababarkan ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Jigjiga, iyadoo la filayo in aqoonta laga helay ay kaalin muuqata ka qaadato horumarinta caafimaadka xoolaha iyo badbaadada bulshada guud ahaan.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Photos from Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS's post 16/04/2026

Shir wada-tashi ah oo lagu xoojinayo wada-shaqaynta howl-wadeennada mashruuca ka jawaabista waxyeellada ayaxa ayaa ka qabsoomay hoolka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS.

Shirkan oo diiradda lagu saaray qaabkii shaqada mashruuca loogu dhaadhicin lahaa gobollada iyo 32-ka degmo ee uu ka hawlgeli doono, ayaa si qoto dheer looga dooday habraacyada fulinta, isuduwidda howlaha, iyo dardargelinta adeegyada la xidhiidha ka hortagga iyo xakamaynta ayaxa.

Kulanka waxaa si rasmi ah u furay Ku-xigeenka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS, Dr. Mohamed Gacal Cabdi, oo adkeeyay muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn hufan si loo gaadho yoolalka mashruuca loogana hortago saameynta ayaxa ku leeyahay nolosha xoola-dhaqatada.

Ugu dambayn, waxaa la isla qaatay in la dardargeliyo howlaha qaybaha ka hadhsan mashruuca, isla markaana la xoojiyo iskaashiga u dhexeeya heerarka kala duwan ee fulinta si loo hubiyo in mashruucu si hufan uga hirgalo dhammaan goobaha la beegsanayo.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Photos from Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS's post 10/04/2026

Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Horumarinta xoolo-dhaqatada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS.

Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay masuuliyiinta xafiiska ka dhegaysteen warbixin ku saabsan waxqabadkii 9-kii bilood ee la soo dhaafay, taasoo si faahfaahsan uga hadlaysay geeddi-socodka shaqo iyo hawlaha uu xafiisku qabtay muddadaas.

Warbixinta waxaa soo jeediyay Wasiirka Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS, Dr. Cabqaadir Iimaan, isagoo si qoto dheer u sharaxay dadaallada lagu horumarinayo nolosha xoolo-dhaqatada, adeegyada la gaadhsiiyay bulshada, iyo caqabadaha jira.

Kadib soo jeedinta warbixinta, guddigu waxay soo jeediyeen su’aalo iyo talooyin la xidhiidha habsami u socodka shaqada iyo xoojinta waxqabadka xafiiska. Ugu dambayn, waxay kula dardaarmeen masuuliyiinta in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada xoolo-dhaqatada, isla markaana la dardargeliyo hawlaha shaqo ee socda.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Photos from Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS's post 06/04/2026

Shirkadaha ka ganacsada waxsoosaarka xoolaha ee uu maalgaliyo mashruuca LLRP ayaa degmada Goljano loogu qabtay kulan khibrad wadaaga.

Shirkadahan oo laga soo kala xulay degmooyinka Dhagaxmadow, Shabeelley iyo Mula ayaa khibrad wadaag ku saabsan habka naaxinta iyo suuqgaynta xoolaha iyo sidoo kale dhaqashada shinida ka qaadanayay shirkadaha ka dhisan degmada Goljano, iyadoo ujeedada khibrad wadaagani ahayd sidii shirkaduhu ugu kala faa'iidaysan lahaayeen waayo-aragnimadooda ku aadan qaabka looga faa'iidayso waxsoosaarka xoolaha.

Intii uu socday khibrad wadaagu, shirkadaha ayaa soo jeediyay dhaqaalihii uu mashruuca LLRP ku maalgaliyay iyo faa'iidooyinka ay ka heleen suuqgaynta xoolaha iyo waxsoosaarka malabka.

Mashruuca LLRP ayaa sannadkan 2018-ka t.i sameeyay 439 shirkadood oo ka ganacsada waxsoosaarka xoolaha iyo beeraha oo lagu maalgaliyay lacag ka badan 600 oo milyan oo birr, arrintan ayaana muujinaysa in mashruucu dadaal badan galiyay sidii wax looga badali lahaa habnololeedka bulshada xoolo-dhaqatada ah.

Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS

Want your business to be the top-listed Government Service in Jijiga?

Click here to claim your Sponsored Listing.

Location

Telephone

Address


Jijiga
795