Madaxweyne, Mustafe Muxummed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa loogu sooryeeyay duleedka degmada Gunagado ee Gobolka Jarar.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
Kani waa Bogga Rasmiga ah ee Xafiiska Warfaafinta Dowladda Deegaanka Soomaalida.
01/06/2026
— Madaxweynaha DDS, Mudane Mustafe Muxummed Cumar, iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaadhay degmada Gunagado ee gobolka Jarar ayaa lagu sooryeeyay duleedka degmada, gaar ahaan aaga Dooxooyin oo ah dhul barwaaqo ah oo roobabkii gu'gu ay maansheeyeen.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
01/06/2026
Codbixinta goobaha codbixinta ee aan la dhameystirin ayaa la kordhiyay ilaa 12:00-ka Habeennimo
War saxaafadeed kasoo baxay Gudiga Doorashooyinka qaran ayaa u dhignaa sidan:
Waxaa la wada ogyahay in Guddiga Doorashooyinka Qaranka ee Itoobiya uu ku guda jiray hawsha qabashada doorashada guud ee 7aad tan iyo 6:00 subaxnimo maanta, Isniin, 24-ka Miicaad/Ginboot, 2018 -ka.
Guddigu wuxuu go'aan ka gaaray warbixintii ay u soo gudbiyeen kooxda la socodka ee goobta joogtay.
Sidaas darteed, sida ku cad Qodobka 49aad farqadiisa 4-aad ee Doorashooyinka Itoobiya, Diiwaangelinta Xisbiyada Siyaasadda iyo Anshaxa Doorashada ee 1162/2011; Guddiga ayaa ku dhawaaqay in codbixinta goobaha codbixinta ee aan la dhameystirin la kordhiyay ilaa 12:00 habeenimo, iyadoo la aaminsan yahay in tani ay sii xoojin doonto xorriyadda iyo cadaaladda doorashada.
Guddiga ayaa sidoo kale ku boorriyay mas'uuliyiinta inay hawsha tirinta codadka ka qabtaan goobaha codbixinta ee ay codbixiyeyaasha diiwaangashan ku dhammeeyeen codbixintooda.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
👇
https://linktr.ee/Warfaafinta
01/06/2026
: Shacabwaynaha Dagmada Mustaxiil ayaa si balaadhan ugudanaya waajibaadkooda iyo xuquuqahooda dastuuriga ah iyagoo safaf dhaadheer ugu Jira cod bixinta doorashada 7aad ee dalka.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
👇
https://linktr.ee/Warfaafinta
01/06/2026
Gudiga doorashooyinka qaranka ayaa ku caseeyay in ay kordhiyeen waxkhtigii codbixinta oo marki h**e ku eekaa 6:00 maqribnimo, maadaama oo ay jiraan shacab tiro badan oo fayl ugu jira in ay codkooda dhiibtaan.
Doorashadan 7aad waxay muhiimad gaar ah u leedahay xoojinta geedi socodka dimuqraadiyadda dalkoo idil, Ra'iisal wasaareha JDFI Abiy Axmed Cali (Phd).
01/06/2026
: Shacabka Degmada Hargeele ee xaruunta gobolka Af-dheer ayaa saaka subaxnimadi u dareeday goobaha cod bixinta ee doorashada 7aad ee dalka
Goob doorashooyinka degmada Hargeele ayaa ah 56 goob doorasho waxaana si habsami leh uga socota cod bixinta doorashada.
01/06/2026
: Shacabwaynaha Dagmada Gaashaamo ayaa si balaadhan ugu soo baxay cod bixinta doorashada 7aad ee dalk
01/06/2026
: Shacabweynaha Maamulka magaalada Qabridaharre waxay si habsami leh u gudanayaan waajibaadkooda iyo xuquuqahooda dastuuriga ah, iyagoo safaf dhaadheer ugu Jira codbixinta doorashada 7aad ee Heer Qaran.
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
👇
https://linktr.ee/Warfaafinta
01/06/2026
doorashada Maraacaato ee degmada Qabridahar ee gobolka Qoraxay waxaa si habsame leh uga socda cod bixinta doorashada 7aad oo saaka si guud uga bilaamantay dalka.
Musharixiinta iyo qaybaha kala duwan ee bulshada oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in geeddi-socodka doorashadu uu si nabadgelyo iyo xasillooni leh u socoto, iyagoo bogaadiyey sida ay shacabka ugu soo baxeen gudashada waajibaadkooda dastuuriga ah.
Xafiiska Warfaafinta Deegaanka Somalida
Wixii macluumaad dheeraad ah, booqo
👇
https://linktr.ee/Warfaafinta
Click here to claim your Sponsored Listing.
Location
Category
Contact the business
Telephone
Address
In Front Of Sultan Hassan Yabare Referral Hospital, 300M Right Side Of The Main High Way
Jijiga
