Golaha Wakiillada JSL

Call Directions Website Contact the organization

Golaha Wakiillada JSL Bogan Waxaad si joogto ah ugala soconaysaa, Xogaha, Xeerarka iyo wararka Golaha wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ugu talo galay inuu Bulshada la wadaago.

04/11/2026

𝗦𝗨’𝗔𝗔𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗫𝗜𝗟𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗡 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗠𝗘𝗗 𝗖𝗜𝗦𝗠𝗔𝗔𝗡 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗠𝗘𝗗 (𝗟𝗜𝗜𝗠𝗢) 𝗜𝗬𝗢 𝗝𝗔𝗪𝗔𝗔𝗕𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗢𝗠𝗜𝗦𝗛𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗧𝗔𝗠𝗔𝗥𝗧𝗔.

04/11/2026

𝗦𝗨’𝗔𝗔𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗫𝗜𝗟𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗡 𝗦𝗔𝗟𝗘𝗘𝗕𝗔𝗔𝗡 𝗗𝗜𝗜𝗥𝗬𝗘 𝗕𝗔𝗥𝗥𝗘 𝗜𝗬𝗢 𝗝𝗔𝗪𝗔𝗔𝗕𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗢𝗠𝗜𝗦𝗛𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗧𝗔𝗠𝗔𝗥𝗧𝗔.

04/11/2026

𝗦𝗨’𝗔𝗔𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗫𝗜𝗟𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗡 𝗔𝗫𝗠𝗘𝗗 𝗠𝗔𝗫𝗔𝗠𝗨𝗨𝗗 𝗖𝗔𝗕𝗗𝗜𝗟𝗔𝗔𝗛𝗜 (𝗙𝗔𝗡𝗔𝗫) 𝗜𝗬𝗢 𝗝𝗔𝗪𝗔𝗔𝗕𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗢𝗠𝗜𝗦𝗛𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗧𝗔𝗠𝗔𝗥𝗧𝗔.

04/11/2026

𝗦𝗨’𝗔𝗔𝗟𝗔𝗛𝗔 𝗫𝗜𝗟𝗗𝗛𝗜𝗕𝗔𝗔𝗡 𝗖𝗔𝗕𝗗𝗜𝗥𝗔𝗦𝗛𝗜𝗜𝗗 𝗖𝗔𝗕𝗗𝗜𝗟𝗔𝗔𝗛𝗜 𝗠𝗨𝗨𝗦𝗘 𝗜𝗬𝗢 𝗝𝗔𝗪𝗔𝗔𝗕𝗔𝗛𝗔 𝗞𝗢𝗠𝗜𝗦𝗛𝗔𝗡𝗞𝗔 𝗡𝗜𝗗𝗔𝗔𝗠𝗜𝗡𝗧𝗔 𝗧𝗔𝗠𝗔𝗥𝗧𝗔.

04/11/2026

HARGEYSA, 04 NOVEMBER 2026 – Guddida Degaanka, Khayraadka Dabiiciga ah iyo Wax-soo-saarka ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Md. Maxamed Cismaan Maxamed (Liimo), ayna wehelinayeen xubnaha Guddida iyo hawlwadeennada Xafiiska Guddida, ayaa maanta kulan xog-wareysi ah la yeeshay Guddoomiyaha Komishanka Nidaaminta Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Md. Cabdi Cige Axmed.

03/11/2026

𝐇𝐀𝐑𝐆𝐄𝐘𝐒𝐀, 𝟎𝟑 𝐍𝐎𝐕𝐄𝐌𝐁𝐄𝐑 𝟐𝟎𝟐𝟔 – Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qaybgalay munaasibadda sannad-guurada aasaaska Ciidanka Booliska JSL, "𝐌𝐚𝐚𝐥𝐢𝐧𝐭𝐢𝐢 𝐂𝐢𝐢𝐝𝐚𝐧𝐤𝐚 𝐁𝐨𝐨𝐥𝐢𝐬𝐤𝐚 𝐥𝐚 𝐚𝐚𝐬𝐚𝐚𝐬𝐚𝐲 𝐚𝐲𝐚𝐚 𝐡𝐮𝐫𝐝𝐨 𝐧𝐨𝐨𝐠𝐮 𝐡𝐨𝐫𝐫𝐚𝐲𝐬𝐚𝐲.”

**HARGEYSA, 03 NOVEMBER 2026** – Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha...
03/11/2026

**HARGEYSA, 03 NOVEMBER 2026** – Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, 𝗠𝗱. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰 (𝗥𝗮𝗮𝗻𝗯𝗼𝗼), ayna wehelinayeen xubnaha Guddida iyo hawlwadeennada Xafiiska Guddida, ayaa maanta kulan xog-wareysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, 𝗠𝘂𝗱𝗮𝗻𝗲 𝗖𝗮𝗯𝗱𝗶𝗿𝗮𝘅𝗺𝗮𝗮𝗻 𝗗𝗮𝗮𝗵𝗶𝗿 𝗔𝗮𝗱𝗮𝗻 (𝗕𝗮𝗸𝗮𝗮𝗹).

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xog-is-weydaarsi ku saabsan hawlaha iyo masuuliyadaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, siyaasadda arrimaha dibadda ee Jamhuuriyadda Somaliland, xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga caalamiga ah iyo dadaallada ay Wasaaraddu ugu jirto xoojinta xidhiidhka ay Somaliland la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah.

Sidoo kale, kulanka ayaa lagaga wada hadlay doorka diblomaasiyadda ee horumarinta danaha qaranka, sidii loo sii xoojin lahaa iskaashiga caalamiga ah, kobcinta xidhiidhada dhaqaale iyo maalgashi, iyo fursadaha ay Somaliland uga faa'iidaysan karto iskaashiga ay la yeelanayso dalalka iyo hay'adaha kala duwan ee caalamka.

Intii uu kulanku socday, xubnaha Guddida ayaa Wasiirka su’aalo kala duwan ka weydiiyey siyaasadda arrimaha dibadda, xidhiidhka diblomaasiyadeed ee Somaliland, dedaallada aqoonsi-raadinta, iskaashiga ay Somaliland la leedahay dalalka iyo hay’adaha caalamiga ah, iyo qorshayaasha Wasaaraddu ku doonayso xoojinta xidhiidhadaas. Wasiirka ayaa dhankiisa ka jawaabay su’aalihii la weydiiyey, isaga oo faahfaahin ka bixiyey hawlaha, qorshayaasha iyo dedaallada Wasaaraddu waddo.

Kulankan ayaa qayb ka ah waajibaadka kormeer, dabagal iyo isla-xisaabtan ee Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga, kuwaas oo ujeeddadoodu tahay in Golaha Wakiilladu helo xog dhammaystiran oo ku saabsan waxqabadka Wasaaradda, isla markaana la xoojiyo wada-shaqaynta iyo xidhiidhka ka dhexeeya Golaha iyo hay’adaha Xukuumadda.

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗 𝗟𝗘𝗛.
𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
📧 Email: [email protected]
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.somalilandparliament.net

03/11/2026

HARGEYSA, 03 NOVEMBER 2026 – Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Md. Maxamed Xuseen Jaamac (Raanboo), ayna wehelinayeen xubnaha Guddida iyo hawlwadeennada Xafiiska Guddida, ayaa maanta kulan xog-wareysi ah la yeeshay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan (Bakaal).

HARGEYSA, 02 NOVEMBER 2026 – Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wak...
02/11/2026

HARGEYSA, 02 NOVEMBER 2026 – Guddida Arrimaha Dibadda, Iskaashiga Caalamiga ah, Qorshaynta iyo Maalgashiga ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland, oo uu guddoominayay Guddoomiyaha Guddida, 𝗠𝗱. 𝗠𝗮𝘅𝗮𝗺𝗲𝗱 𝗫𝘂𝘀𝗲𝗲𝗻 𝗝𝗮𝗮𝗺𝗮𝗰 (𝗥𝗮𝗮𝗻𝗯𝗼𝗼), oo ay wehelinayeen xubnaha Guddida iyo hawlwadeennada Xafiiska Guddida, ayaa maanta kulan isbarasho iyo xog-warran ah la yeelatay Madaxa Xafiiska Ingiriiska ee Hargeysa, 𝗠𝘀. 𝗟𝗼𝘂𝗶𝘀𝗲 𝗛𝗮𝗻𝗰𝗼𝗰𝗸.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xaaladda guud ee Somaliland iyo tan gobolka, gaar ahaan arrimaha siyaasadeed iyo amni, iyadoo labada dhinac ay iska xog-waraysteen duruufaha iyo arrimaha hadda taagan.

Kulankani waxa uu qayb ka yahay dedaallada Guddida ee xoojinta xidhiidhka iyo iskaashiga caalamiga ah, is-weydaarsiga xogaha iyo aragtiyaha la xidhiidha arrimaha Somaliland iyo gobolka, iyo horumarinta wada-shaqaynta Guddida iyo wakiillada beesha caalamka, si loo kobciyo is-fahamka iyo xidhiidhka wadajirka ah.

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗 𝗟𝗘𝗛.
𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
📧 Email: [email protected]
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.somalilandparliament.net

HARGEYSA, 02 NOVEMBER 2026 – Guddida Gaarka ah ee wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Bangiyada Islaamiga ah, oo uu shir...
02/11/2026

HARGEYSA, 02 NOVEMBER 2026 – Guddida Gaarka ah ee wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Bangiyada Islaamiga ah, oo uu shirguddoominayay Guddoomiyaha Guddida, Md. Axmed Jaamac Saalax, ayaa maanta kulan la yeelatay Wasiiru-dawlaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Md. Ismaaciil Mawliid Cabdillaahi.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray talooyinka iyo aragtiyaha Wasaaradda Horumarinta Maaliyaddu ku kordhinayso dib-u-eegista iyo wax-ka-beddelka xeerka. Sidoo kale, xubnaha Guddidu waxay Wasiiru-dawlaha su’aalo ka weydiiyeen qodobbada kala duwan ee xeerka, iyaga oo ka dhegaystay faahfaahin iyo jawaabo la xidhiidha talooyinka Wasaaradda.

Kulankani waxa uu qayb ka yahay hawsha dib-u-eegista iyo diyaarinta wax-ka-beddelka iyo kaabista Xeerka Bangiyada Islaamiga ah. Guddidu waxay sii wadi doontaa kulamadeeda iyo falanqaynta qodobbada xeerka, iyada oo maalmaha soo socda kulamo la yeelan doonta khubaro iyo dhinacyo kale oo ay u aragto in ay aqoon iyo talooyin wax-ku-ool ah ku soo kordhin karaan hawsha dib-u-habaynta xeerka.

𝗔𝗟𝗟𝗔𝗔 𝗠𝗔𝗛𝗔𝗗 𝗟𝗘𝗛.
𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈𝐋𝐀𝐀𝐇𝐈 𝐂𝐀𝐁𝐃𝐈 𝐀𝐀𝐃𝐄𝐍
𝐀𝐠𝐚𝐚𝐬𝐢𝐦𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐚𝐱𝐝𝐚 𝐖𝐚𝐫𝐛𝐚𝐚𝐡𝐢𝐧𝐭𝐚 𝐢𝐲𝐨 𝐗𝐢𝐝𝐡𝐢𝐢𝐝𝐡𝐤𝐚 𝐃𝐚𝐝𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚
𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝
📧 Email: [email protected]
📧 Email: [email protected]
🌐 Website: www.somalilandparliament.net

Address

Road No. 1, Sha’ab Area, Near The Presidential Palace
Hargeisa
252

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Golaha Wakiillada JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Golaha Wakiillada JSL:

Shortcuts

Share

Nearby government services