Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL

Website

Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL Boggan waxaad si joogto ah ugala soconaysaa hawlaha maalin laha ah ee ciyaaraha kala duwan ee dalka iyo horumarinta arrimaha dhallinyarada JSL.

14/11/2026

Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ayaa fulisay rakibidda Tower LED-ka ee garoonka Haji Daahir Stadium ee magaalada Boorama, kaas oo kor u qaadaya tayada iyo muuqaalka garoonka, isla markaana suurtagelinaya in ciyaaraha habeenkii lagu qabto.

Hirgelinta mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada Wasaaraddu ugu jirto horumarinta kaabayaasha ciyaaraha iyo tayaynta goobaha lagu qabto tartamada ciyaaraha.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud ...
12/11/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), ayaa ka qaybgalay kulanka Guddida Farsamada ee Somaliland Mixed Migration Task Force (MMTF), kaas oo ay isugu yimaaddeen qaar ka mid ah Agaasimayaasha Guud ee hay’adaha kala duwan ee Qaranka.

Kulankan ayaa muhiimad weyn u leh xoojinta wada-shaqaynta iyo isku-duwidda hay’adaha Qaranka, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha socdaalka isku-dhafan (Mixed Migration), ilaalinta xuquuqda iyo badbaadada dadka socdaalka ku jira, iyo wax ka qabashada caqabadaha la xidhiidha socdaalka.

Ka qaybgalka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaruhu waxa uu muujinayaa doorka muhiimka ah ee Wasaaraddu ku leedahay horumarinta fursadaha dhallinyarada, wacyigelinta, ka hortagga socdaalka aan amniga lahayn iyo dhiirrigelinta dhallinyarada si ay uga faa'iidaystaan fursadaha horumarineed ee dalkooda.

Wasaaradda waxa ka go'an xoojinta wada-shaqaynta hay’adaha Qaranka iyo bah-wadaagta, si loo helo xalal waara oo wax looga qabanayo caqabadaha saameeya dhallinyarada iyo bulshada guud ahaan.





Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha Md,Maxamed Xasan Nageye Oo Weheliyo Agaasimaha Waaxda Garoomada Md,Khadar J...
11/11/2026

Agaasimaha Waaxda Ciyaaraha Ee WDH&Ciyaaraha Md,Maxamed Xasan Nageye Oo Weheliyo Agaasimaha Waaxda Garoomada Md,Khadar Jaamac Xuseen Jamac (jilal) ayaa galabtii ka Qayb galay Kulan Saaxiibtinimo oo dhexmaray Xulka Maqalkoodu xadidan yahay iyo kooxda Xidigaha Cirka.

10/11/2026

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) oo Wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Md Cabdilahi Maxamed Maxamuud (jiidhe) ayaa galabta si rasmi ah Garoonka Cabdale Stadium ee Magalada Barbara uga furay Horyaalka Gobolka Saaxil ee Somaliland League, heerka koowaad iyo heerka Labaad , xilli-ciyaareedka 2026/2027.

Masuuliyiinta kasoo qayb galay furitaanka tartanka Horyaalka Gobolka saaxil waxa kamid ahaa Badhasaabka Gobolka Saaxil, Maayirka,Isuduwaha Gobolka, hoggaanka xidhiidhka kubadda cagta, Ciidanka Booliska iyo guud ahaan bulshada Gobolka Saaxil, sida sharafta leh ee ay uga soo qaybgaleen munaasibadda furitaanka horyaalka.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdilahi Maxamed Maxamuud (jiidhe) ayaa maanta xafiskiisa ku ...
09/11/2026

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdilahi Maxamed Maxamuud (jiidhe) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay Hay’adda ubax inspire.

kulankan ayaa lagaga wadda hadlayay tartanadda ciyaaraha hablaha kulanka waxa ku wehelinayay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Cagta Mohamud Cabdi aw xirsi iyo Agaasimaha waaxda Ciyaaraha hablaha Asma jaamac kaahin.

09/11/2026

Agaasimaha guud ee wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Cabdilahi Maxamed Maxamuud (jiidhe) ayaa maanta xafiskiisa ku qaabilay Hay’adda ubax inspire.

kulankan ayaa lagaga wadda hadlayay tartanadda ciyaaraha hablaha kulanka waxa ku wehelinayay Guddoomiyaha xidhiidhka kubadda Cagta Mohamud Cabdi aw xirsi iyo Agaasimaha waaxda Ciyaaraha hablaha Asma jaamac kaahin.

Wasiir Ku-xigeenka WDH&Ciyaaraha JSL MD: Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) oo uu weheliyo Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Tacl...
08/11/2026

Wasiir Ku-xigeenka WDH&Ciyaaraha JSL MD: Yuusuf Nuux Yuusuf (Tadhase) oo uu weheliyo Guddoomiye ku Xigeenka Guddiga Tacliinta sare Ayaa Maanta si rasmi ah u daah-furay Tartanka Jaamacadaha Caasimadda 2026, kaas oo lagu qabtay garoonka M. Mooge Stadium.

Tartankani waxa uu qayb ka yahay dhiirrigelinta dhallinyarada, horumarinta ciyaaraha jaamacadaha iyo xoojinta xidhiidhka iyo is-dhexgalka ardayda.

Allah Mahadleh.

FURITAANKA TARTANKA JAAMACADAHA CAASIMADA 2026📅 Axad, 8-11-2026📍 M.Mooge Stadium————————————————Xafiiska Xidhiidhka Dadw...
07/11/2026

FURITAANKA TARTANKA JAAMACADAHA CAASIMADA 2026

📅 Axad, 8-11-2026

📍 M.Mooge Stadium
————————————————
Xafiiska Xidhiidhka Dadweynaha Iyo Warbaahinta Ee WDH&C .

WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA OO KA QAYB-GASHAY MAALINTI LABAAD EE SHIRKA 28-AAD EE GOLAHA FARSAMADA WAAXAHA BU...
05/11/2026

WASAARADDA DHALLINYARADA IYO CIYAARAHA OO KA QAYB-GASHAY MAALINTI LABAAD EE SHIRKA 28-AAD EE GOLAHA FARSAMADA WAAXAHA BULSHADA

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL Cabdilahi Maxamed Maxamuud, Agaasimaha Qorshaynta Maxamed Xasan cabdi iyo Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Nimco xariir Cabdilahi ayaa maanta ka qayb-galay maalintii labaad ee shirka 28-aad ee Golaha Farsamada Waaxaha Bulshada, kaas oo maanta lagu soo gunaanaday magaalada Burco.

Intii uu shirku socday, Agaasimaha Waaxda Dhallinyarada Nimco Xariir Cabdilahi aya soo bandhigtay bandhiga Maamul-daadejinta Adeegyada Horumarinta Dhallinyarada ee Heer Degmo, iyada oo diiradda saartay xoojinta wada-shaqaynta Wasaaradda iyo dawladaha hoose, horumarinta xarumaha dhallinyarada iyo goobaha ciyaaraha, iyo doorka degmooyinku ku leeyihiin gaadhsiinta adeegyada dhallinyarada.
Ka-qaybgalka Wasaaraddu waxa uu qayb ka yahay dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga hay’adaha qaranka iyo dawladaha hoose, si loo horumariyo adeegyada bulshada, gaar ahaan kuwa dhallinyarada.

04/11/2026

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha, Md. Cabdillaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), ayaa galabta kormeer ku tagay Garoonka Almzey Stadium ee magaalada Burco, halkaas oo ay ka socotay ciyaar ka tirsan Horyaalka Heerka Koowaad ee kubadda cagta Somaliland, taas oo dhexmartay kooxaha Gaashaan iyo Socdaalka.

Agaasimaha Guud ayaa garoonka waxa ku soo dhaweeyey Isuduwaha Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee Gobolka Togdheer iyo masuuliyiinta Xidhiidhka Kubadda Cagta ee Gobolka Togdheer.

Socdaalka Agaasimaha Guud waxa ku wehelinayey Agaasimaha Waaxda Qorshaynta ee Wasaaradda.

Address

Road No 1
Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wasaaradda Dhallinyarada Iyo Ciyaaraha JSL posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share