26/10/2026
Waxaa madasha shirarka Gaaraad Maxamed Dool ee Xarunta Madaxtooyada DDS ka furmay dhagaysiga qiimaynta warbixinta rubuca koowaad ee xafiisyada heer deegaan ee sannad-miisaaniyadeedka 2019-ka T.I.
Madaxweyne-ku-xigeenka DDS, Mudane Ibraahim Cusmaan Faarax, oo furay qiimayntan, ayaa sheegay inay muhiim tahay in si dhab ah loo fuliyo qorshayaashii mashaariicda horumarineed ee la isla qaatay bilawgii sannad-miisaaniyadeedkan.
Kulanka qiimaynta oo ay ka soo qaybgaleen masuuliyiinta xafiisyada heer deegaan, iyo sidoo kale Madaxa Xafiiska Xisbiga Barwaaqo ee Soomaalida Eng. Maxamed Shaalle Isaaq ayaa lagu soo bandhigay warbixinnada mashaariicaha oo ay soo jeediyey Wasiirka Xafiiska Qorshaynta, Mudane Cumar Faaruuq Xaaji Warfaa, iyo Wasiir ku-xigeenka Xafiiska Madaxweynaha DDS, Mudane Cabdixakiin Sheekh Xasan.
Warbixinnada ayaa lagu faahfaahiyey mashaariicaha ilaa hadda qabsoomay, caqabadaha jira iyo xalka loo baahan yahay si loo dardargeliyo fulinta qorshayaasha horumarineed ee xafiisyada heer deegaan.