Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS

Call Directions Website Contact the organization

Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS Somali regiomal State Prison police Commision

12/10/2026
Xuska Maalinta CalankaCalankeenu waa astaanta madaxbanaanideena
12/10/2026

Xuska Maalinta Calanka
Calankeenu waa astaanta madaxbanaanideena

KULAN SHAQO IYO DARDARGELINTA HAWLAHA KOMISHINKA BOOLISKA ASLUUBTA DDSShirkii Maareynta ee toddobaadlaha ahaa, oo ay hog...
08/10/2026

KULAN SHAQO IYO DARDARGELINTA HAWLAHA KOMISHINKA BOOLISKA ASLUUBTA DDS

Shirkii Maareynta ee toddobaadlaha ahaa, oo ay hoggaaminayo Kommishineerka Guud ee Komishinka Booliska Asluubta DDS, S/Guud Cali Cabdi Jabaar, iyo Kommishineer Ku-xigeenka Komishinka Booliska Asluubta DDS, S/Guuto Miyir Cabdi Gaani,

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqada, dib-u-habaynta hannaanka shaqo iyo dejinta jihooyinka cusub ee Komishinku mustaqbalka u jihaysan doono, si loo xoojiyo hufnaanta iyo tayada fulinta waajibaadka hay’adda.

Sidoo kale, waxaa si gaar ah loo falanqeeyey shaqada, iyadoo xoogga la saari doono sidii loo Xoojin lahaa Dardar galinta shaqada, hannaan shaqo ee Habsami u socodka, xafiiska Kommishinka Booliska asluubta DDS

Komishinku wuxuu mudnaan siin doonaa qorshe shaqo oo cad

Munaasabad sagootin iyo soo-dhaweyn ah ayaa loo qabtay Komishineerkii h**e ee Booliska Asluubta DDS Mudane Bashiir Axmed...
07/10/2026

Munaasabad sagootin iyo soo-dhaweyn ah ayaa loo qabtay Komishineerkii h**e ee Booliska Asluubta DDS Mudane Bashiir Axmed Xaashi, oo loo magacaabay Komishineerka Guud ee Booliska DDS iyo Komishineerka cusub ee Booliska Asluubta DDS S/Guud Cali Cabdi Jabaar

Munaasabadda ayaa lagu sagootiyey Mudane Bashiir Axmed Xaashi, iyadoo lagu bogaadiyey dadaalkii iyo hoggaamintii uu ka geystay horumarinta Booliska Asluubta DDS intii uu xilka hayey

Sidoo kale, waxaa si rasmi ah loogu soo dhaweeyey S/Guud Cali Cabdi Jabaar, oo h**e u ahaa Ku-xigeenka Komishineerka Booliska Asluubta DDS, loona rajeeyey inuu sii wado dadaallada horumarineed ee Komishinka Booliska Asluubta DDS

Komishineerka cusub ee Komishinka Booliska Asluubta DDS, S/G Cali Cabdijibaar ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Komi...
07/10/2026

Komishineerka cusub ee Komishinka Booliska Asluubta DDS, S/G Cali Cabdijibaar ayaa si rasmi ah xilka ugala wareegay Komishineerkii h**e ee Booliska Asluubta DDS Mudane Bashiir Axmed Xaashi oo dhawaan loo magacaabay Komishineerka Guud ee Komishinka Booliska DDS.
‎
‎Munaasabad xilwareejin ah oo ka qabsoontay Xafiiska Komishinka Booliska Asluubta DDS ayaa waxaa goobjoog u ahaa Kuxigeenka Hantidhawrka Guud ee DDS Mudane C/laahi Cabdi Buraale, Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Cadaalada DDS, Mudane Faysal Aye Aare, qaar ka mid ah saraakiisha Booliska Asluubta DDS iyo hawlwadeenada Hantidhawrka Guud ee DDS.

Komishineerka Komishinka Booliska Asluubta DDS Sareeye Guud Cali Cabdi Jabaar ayaa kulan qorshe-shaqo la yeeshay saraaki...
03/10/2026

Komishineerka Komishinka Booliska Asluubta DDS Sareeye Guud Cali Cabdi Jabaar ayaa kulan qorshe-shaqo la yeeshay saraakiisha Booliska Asluubta ee Xabsiyada Heer Deegaan iyo MM Jigjiga

Kulanka waxaa diiradda lagu saaray dardargelinta shaqada, xoojinta maamulka, anshaxa, isla-xisaabtanka wada shaqaynta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha

Komishineerku wuxuu saraakiisha iyo ciidanka faray inay si hufan u gutaan waajibaadkooda, isla markaana dardargeliyaan hawlaha ay qaranka u hayaan

Saraakiisha Booliska Asluubta ayaa soo dhaweeyey Komishineerka cusub iyagoo ballanqaaday wada-shaqayn iyo hirgelinta qorshayaasha lagu horumarinayo Komishinka Booliska Asluubta DDS

Hambalyo Sareeye Guud Cali Cabdi Jabaar  oo loo magacaabay Komishineerka komishinka  booliska  Asluubta Deegaanka Soomaa...
01/10/2026

Hambalyo Sareeye Guud Cali Cabdi Jabaar oo loo magacaabay Komishineerka komishinka booliska Asluubta Deegaanka Soomaalida

Waxaa Maanta la dhagax dhigay bilawga ceel biyood riig ah oo loogu talagalay Maxaabiista ku jirta xarunta dhaqan toosint...
20/09/2026

Waxaa Maanta la dhagax dhigay bilawga ceel biyood riig ah oo loogu talagalay Maxaabiista ku jirta xarunta dhaqan toosinta deegaanka iyo xaafadaha ka ag dhaw ee magaaladaJigjiga.

Dhagax-dhigga ceelkan ayaa waxaa si wadajir ah u sameeyey Komishineerka Ciidanka Asluubta DDS, Mudane Bashiir Axmed, iyo Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Biyaha DDS, Mudane Cabdi Muxumed, Kharashka ku baxaya qodista ceelkan ayaa waxaa bixinaysa hay’ad samafal oo lagu magacaabo African Relief Committee.

Komishineerka Komishinka Asluubta DDS, Mudane Bashiir Axmed, ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay ceelkan maanta la dhagax dhigay, iyadoo sida xogta daraasadda la sameeyey muujinayso, biyaha ceelka laga gaadhi doono ilaa 60 mitir.

Dhanka kale, Wasiir-ku-xigeenka Xafiiska Biyaha DDS, Mudane Cabdi Muxumed, ayaa sheegay in ceelkani wax badan ka tari doono baahiyihii biyaha ee ka jiray goobaha loogu talagalay inay biyaha ka cabbaan.

Komishinerka Komishinka Booliska Asluubta DDS, Komishiner Bashiir Axmed.“Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad ilaalisaan ...
11/09/2026

Komishinerka Komishinka Booliska Asluubta DDS, Komishiner Bashiir Axmed.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad ilaalisaan sarreynta sharciga, kana fogaataan waxyaabaha abuuri kara nacaybka iyo isku-dhufashada bulshada, isla markaana aad ka shaqaysaan qaabkii aydaan mar dambe ugusoo noqon lahayn xabsiyada aad maanta cafiska kaga baxdeen,”

Xukuumadda DDS oo ka duulaysa munaasibadda farxadda sannadka cusub ee 2019 T.I., ayaa 268 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiyad...
11/09/2026

Xukuumadda DDS oo ka duulaysa munaasibadda farxadda sannadka cusub ee 2019 T.I., ayaa 268 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiyada deegaanka u fidisay cafis, kuwaas oo galay dambiyo kala duwan.

“Waxaan idinkula dardaarmayaa in aad ilaalisaan sarreynta sharciga, kana fogaataan waxyaabaha abuuri kara nacaybka iyo isku-dhufashada bulshada, isla markaana aad ka shaqaysaan qaabkii aydaan mar dambe ugusoo noqon lahayn xabsiyada aad maanta cafiska kaga ,” Komishinerka Komishinka Booliska Asluubta DDS, Komishiner Bashiir Axmed.

Address

10th Kabale
Jijiga

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Organization

Send a message to Xafiiska komishinka booliska asluubta DDS:

Shortcuts

Share