16/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Bulshada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo iyo dabagal ku tagay Xafiiska Warfaafinta DDS, halkaas oo ay ku dhagaysteen warbixin ku saabsan waxqabadka 9-kii bilood ee u dambeeyay.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in xafiisku horumar ka sameeyay ballaadhinta adeegyada warbaahinta, islamarkaana lagu guulaystay in deegaanka laga hirgeliyo xarumo ay leeyihiin qaar ka mid ah warbaahinta waaweyn ee dalka, taasoo kor u qaadday wacyigelinta bulshada iyo muuqaalka deegaanka.
Guddiga ayaa su’aalo ka weydiiyay waxqabadka xafiiska, gaar ahaan doorka uu ku leeyahay wacyigelinta doorashooyinka iyo sababaha qaar ka mid ah xafiisyadu si joogto ah ula wadaagi waayeen warbaahinta waxqabadkooda.
Masuuliyiinta xafiiska ayaa sheegay inay jirto in xafiisyadu warbaahinta isticmaalin balse ay kordhiyeen dadaallada lagu dhiirrigelinayo xafiisyada kale inay si joogto ah u soo bandhigaan waxqabadkooda, dhanka wacyigalinta bulshada ee dhinaca doorashadana ay ku jiheeyeen warbaahinta shaqo fiicana la qabtay.
Ugu dambayn, guddigu waxay bixiyeen talooyin lagu xoojinayo hawlaha Xafiiska Warfaafinta iyaga oo intaasi kadibna kormeeray dayactirka lagu samaynayo xafiiska warfaafinta oo shaqadiisu gabo'gabo marayso.
14/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Miisaaniyada iyo Maaliyada ee gudiyada joogtada Golaha Xildhibaanada DDS, ayaa kormeer Iyo dabagal shaqo ku tagay Xafiiska Qorshaynta iyo hormarinta Dhaqalaha DD iyaga oo kulan la yeeshay masuuliyiinta iyo shaqaalaha Xafiiska.
Ujeeddada kulankan ayaa ahayd dhageysiga warbixinta waxqabadka rubuca 3aad ee sanad-miisaaniyadeedka 2018 T.I ee Xafiiska Qorshaynta iyo Hormarinta Dhaqalaha Sidoo kale, guddigu waxay kormeer ku sameeyeen habsami u socodka shaqooyinka waaxyaha kala duwan ee xafiiska.
Xafiiska Qorshaynta ayaa soo soo jeediyey warbixin faahfaahsan oo la xiriirta waxqabadkii la qabtay intii lagu jiray rubuca 3aad ee sanad-miisaaniyadeedka 2018 T.I.
Dhanka kale, Guddiga Joogtada ah ee Miisaaniyada iyo Miisaaniyadda ee Golaha Xildhibaanada ayaa soo jeediyay su’aalo iyo Talobixin la xiriira warbixinta la soo bandhigay iyo habsami usocodka shaqooyikiiqorsheysnaa ee Xafiiska Qorsheynta, iyaga kula taliyay xafiiska Inuit sii dardar galiyo shaqooyinka u yaalla.
Xafiiska Golaha Xildhibaanada DDS
13/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Horumarka iyo Kaabayaasha Aasaasiga ah ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay shirkadaha isgaadhsiinta iyo korontada ee dalka laamaha Deegaanka Soomaalida ku leeyihiin.
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay masuuliyiinta labada shirkadood ka dhegaysteen warbixinno ku saabsan waxqabadkii la qabtay sanadkan, gaar ahaan 9-kii bilood ee la soo dhaafay. Sidoo kale, guddigu waxay si gaar ah diiradda u saareen heerka ay adeegyada shirkaduhu ula jaanqaadayaan nidaamyada iyo qorshayaasha loo dejiyay.
Ugu dambayn, guddigu waxay soo jeediyeen talooyin ku aaddan dardargelinta adeegyada iyo kor u qaadista tayada adeegbixinta, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in bulshada loo fidiyo adeegyo hufan, tayo leh oo joogto ah.
10/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay sektarka Beeraha DDS iyo Xafiiska Maaraynta Khataraha Masiibooyinka DDS.
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay masuuliyiinta labada xafiis ka dhegaysteen warbixin ku saabsan waxqabadkii 9-kii bilood ee la soo dhaafay, taasoo si faahfaahsan uga hadlaysay geeddi-socodka shaqo iyo hawlaha ay xafiisyadu qabteen muddadaas.
Warbixinta waxaa soo jeediyay masuuliyiinta labada xafiis, iyagoo si qoto dheer u sharaxay dadaallada lagu horumarinayo waxsoosaarka beeraha, xoojinta sugnaanta cuntada iyo sidoo kale tallaabooyinka lagu yaraynayo saamaynta khataraha masiibooyinka, adeegyada la gaadhsiiyay bulshada iyo caqabadaha jira.
Kadib soo jeedinta warbixinta, guddigu waxay soo jeediyeen su’aalo iyo talooyin la xidhiidha habsami u socodka shaqada iyo xoojinta waxqabadka xafiisyada. Ugu dambayn, waxay kula dardaarmeen masuuliyiinta in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada beeraha iyo maaraynta khataraha masiibooyinka, isla markaana la dardargeliyo hawlaha shaqo ee socda.
10/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Maamulka iyo Sharciyada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Nabadgalyada DDS.
Intii uu kormeerku socday, guddiga waxaa loo soo jeediyay warbixinta sektarka amniga ee 9-kii bilood ee la soo dhaafay, taasoo si faahfaahsan uga hadlaysay xaaladda amniga deegaanka, guulaha laga gaadhay iyo xalinta khilaafaadka bulshada ee lagu soo afjaray heshiisyo nabadeed oo ka dhacay meelo kala duwan.
Kadib soo jeedinta warbixinta, guddigu waxay bixiyeen talooyin iyo tilmaamo muhiim u ah xoojinta shaqada amniga, kuwaas oo wax weyn ka tari doona horumarinta iyo adkaynta nabadgalyada deegaanka.
Hogaanka Nabadgalyada DDS, Mudane Cabdiqaadir Rashiid oo ka jawaabayay su’aalihii guddiga ayaa sheegay in ay si buuxda u qaadanayaan talooyinka la soo jeediyay, isla markaana faahfaahin ka bixiyay qodobadii ay guddigu su’aalaha ka keeneen.
Ugu dambayn, guddiga ayaa ku ammaanay laamaha amniga dadaallada muhiimka ah ee ay ka geysteen sugidda amniga deegaanka, iyagoo xusay in deegaanka uu yahay mid xasiloon oo aanay ka jirin wax amni darro ah oo muuqata.
10/04/2026
Gudiga Joogtada ah ee Arrimaha Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada DDS iyo Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Horumarinta Dhulka Miyiga ah DDS.
Intii uu kormeerku socday, gudigu waxay masuuliyiinta labada xafiis ka dhegaysteen warbixino ku saabsan waxqabadkii 9-kii bilood ee la soo dhaafay, kuwaas oo si faahfaahsan uga hadlayay geeddi-socodka shaqo iyo hawlaha ay qabteen muddadaas.
Warbixinta Xafiiska Horumarinta Xoolo-dhaqatada waxaa soo jeediyay Wasiirka xafiiskaasi Dr. Cabqaadir Iimaan, isagoo si qoto dheer u sharaxay dadaallada lagu horumarinayo nolosha xoolo-dhaqatada, adeegyada la gaadhsiiyay bulshada iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale, warbixinta Xafiiska Ilaalinta Deegaanka iyo Horumarinta Dhulka Miyiga ah waxaa soo jeedisay Wasiir Kuxigeenka Xafiiskaasi, Marwo Cabdicasiis iyadoo diiradda saartay hawlaha ilaalinta deegaanka, horumarinta dhulka miyiga ah iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Kadib soo jeedinta warbixinada, gudigu waxay soo jeediyeen su’aalo iyo talooyin la xidhiidha habsami u socodka shaqada iyo xoojinta waxqabadka labada xafiis. Ugu dambayn, waxay kula dardaarmeen masuuliyiinta in la sii xoojiyo dadaallada lagu horumarinayo adeegyada bulshada iyo ilaalinta deegaanka, isla markaana la dardargeliyo hawlaha shaqo ee socda.
09/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Horumarinta Xoolo-dhaqatada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer iyo dabagal shaqo ku tagay Xafiiska Biyaha DDS, si ay ugu kuurgalaan heerka waxqabadka xafiiska, adeegyada uu bulshada u hayo iyo hirgelinta qorshayaashii loo dejiyay.
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay dhagaysteen warbixinta waxqabadka 9-kii bilood ee lasoo dhaafay ee Xafiiska Biyaha DDS, taas oo uu soo jeediyay Wasiirka Xafiiska Biyaha DDS, Eng. Axmed Miraad Layli. Warbixinta ayaa si guud u iftiimisay hawlaha uu xafiisku qabtay muddadaasi, gaar ahaan dadaallada lagu horumarinayo adeegyada biyaha, mashaariicda la fuliyay, iyo qorshayaasha lagu xoojinayo helitaanka biyo nadiif ah oo waara.
Kadib dhagaysiga warbixinta, guddigu waxay si qoto dheer uga hadleen waxqabadka xafiiska iyagoo ka bixiyay su’aalo, talooyin iyo tilmaamo la xidhiidha tayeynta adeegyada, dardargelinta mashaariicda biyaha iyo xoojinta dabagalka shaqooyinka socda. Guddigu waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda ay leedahay in la sii xoojiyo dadaallada lagu gaadhsiinayo bulshada, adeeg biyo oo joogto ah, nadiif ah, isla markaana waara maadaama biyuhu ay laf-dhabar u yihiin nolosha dadka iyo xoolahaba. Waxa kale oo ay xuseen baahida loo qabo in mudnaan gaar ah la siiyo meelaha ay ka jiraan baahiyaha biyo yarida.
Ugu dambayn, guddigu waxay ku booriyeen Xafiiska Biyaha DDS in la sii laba jibbaarto dadaallada la xidhiidha fulinta mashaariicaha biyaha, kor u qaadista tayada adeegbixinta iyo xaqiijinta in qorshayaasha horumarineed ay si hufan oo waxtar leh loo gaadhsiin lahaa bulshada deegaanka.
08/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Horumarinta Kaabayaasha Aasaasiga ah ee golaha xildhibaanada DDS ayaa kormeer iyo qiimayn shaqo ku tagay Xafiiska Horumarinta Magaalooyinka, Shirkadda Howlaha Injineeriyada, iyo Shirkadda Dhismaha Jidadka.
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay si qoto dheer u dhegeysteen warbixinta waxqabadka 9-ka bilood ee hay’adahan, iyagoo diiradda saaray heerka fulinta mashaariicda, horumarka laga gaadhay, iyo caqabadaha jira.
Sidoo kale, guddigu waxay waydiiyeen su’aalo la xidhiidha hannaanka shaqo, tayada fulinta, iyo arrimaha u baahan xoojin si loo dardargeliyo adeegyada iyo mashaariicda socda.
Ugu dambayn, guddigu waxay soo jeediyeen talooyin wax-ku-ool ah oo lagu xoojinayo waxqabadka, kor loogu qaadayo tayada shaqada, isla markaana lagu dardargelinayo mashaariicda. Waxay sidoo kale bogaadiyeen dadaalka ay muujiyeen xafiisyada iyo shirkadaha, iyagoo ku ammaanay sida ay qorshayaashoodii ugu beddeleen waxqabad muuqda.
08/04/2026
Jigjiga: Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Bulshada ee Golaha Xildhibaanada Deegaanka Soomaalida ayaa maanta kormeer shaqo ku tagay Wakaaladda Warbaahinta Deegaanka, iyaga oo u kuurgalayay heerka waxqabad iyo hufnaanta adeegyada warbaahineed ee ay wakaaladdu bulshada u hayso.
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay si qoto dheer u dhegaysteen warbixin faahfaahsan oo ku saabsan waxqabadka wakaaladda sagaalkii bilood ee u dambeeyay, taas oo ay soo jeediyeen masuuliyiinta sare ee wakaaladda. Warbixinta ayaa iftiimisay horumarka laga sameeyay dhinacyada wararka, barnaamijyada iyo adeegyada kala duwan ee warbaahinta iyo sidoo kale caqabadaha jira iyo qorshayaasha mustaqbalka.
Kadib dhageysiga warbixinta, xubnaha guddigu waxay kormeer indho'indhayn ah ku mareen qaybaha kala duwan ee wakaaladda, iyaga oo u kuurgalayay habsami u socodka shaqada, tayada qalabka iyo sida ay u shaqeeyaan waaxyaha kala duwan.
Ugu dambayn, guddigu waxay bogaadiyeen dadaallada ay wadaan masuuliyiinta iyo shaqaalaha wakaaladda, iyaga oo ku dhiirrigeliyay in la sii xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo adeegyada loo hayo bulshada.
08/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Maamulka iyo Sharciyada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa kormeer shaqo ku tagay Maxkamadda Guud ee DDS, si ay ugu kuurgalaan hanaanka geeddi-socodka shaqo ee maxkamada guud.
Intii uu kormeerku socday, guddigu waxay dhegeysteen warbixinta waxqabadka rubucii 3aad ee maxkamadaha oo uu soo jeediyay Gudoomiye kuxigeenka Maxkamada Guud Mudane C/kariim Axmed Maxamuud, gudiga ayaa su’aalo iyo talooyin ka bixiyay warbixinta iyo guud ahaan nidaamka garsoorka.
Sidoo kale, guddigu waxay kormeereen mashaariicda ka socday maxkamadda oo ay ku jiraan dayrka ku jeeda waddada kooriidhoorka, hool casri ah oo shirarka loogu talagalay iyo qurxinta lagu sameeyay Xafiiska Maxkamadda Guud iyo wajahaddiisa h**e, taasoo ay si gaar ah u bogaadiyeen.
Ugu dambayn, guddigu waxay bogaadiyeen waxqabadka iyo geeddi-socodka ee maxkamada, iyagoo ku taliyay in la dardargeliyo casriyeynta iyo hirgelinta nidaamka caqliga macmalka ah ee “Smart Court”.
07/04/2026
Gudiga Joogtada ah ee Horumarinta Kaabayaasha Aasaasiga ah ee golaha xildhibaanada ayaa kormeer iyo qiimayn shaqo ku tagay Xafiiska Jidadka iyo Xafiiska Maalgashiga iyo Warshadaha DDS.
Intii uu kormeerku socday, gudigu waxa ay si qoto dheer u dhagaysteen warbixinta waxqabadka 9-ka bilood ee ay soo bandhigeen labada xafiis. Warbixintaas ayaa si faahfaahsan uga hadlaysay heerka ay marayaan mashaariicda, adeegbixinada, caqabadaha jira iyo sida loo hirgeliyey qorshayaashii horay ugu yaallay xafiisyada.
Kadib soojeedinta warbixinta, xubnaha gudigu waxay waydiiyeen su’aalo la xidhiidha waxqabadka, hufnaanta shaqada iyo sida loo xallinayo caqabadaha jira, sidoo kale waxay codsadeen faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan mashaariicda muhiimka ah iyo heerka ay gaadhsiisan yihiin taasoo xafiisyadu faahfaahin ka siiyeen.
Ugu dambayntii, gudigu waxay bixiyeen talooyin wax ku ool ah oo lagu xoojinayo shaqada iyo dardargelinta hirgelinta mashaariicda. Dhanka kale, gudigu waxay bogaadiyeen dadaalka ay wadaan labada xafiis, gaar ahaan sida ay ugu guulaysteen in ay qayb ka mid ah qorshayaashoodii u beddelaan waxqabad muuqda.
01/04/2026
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Bulshada ee Golaha Xildhibaanada DDS oo bilaabay kormeer iyo dabagal shaqo.
Guddiga Joogtada ah ee Arrimaha Bulshada ee Golaha Xildhibaanada DDS ayaa bilaabay kormeer iyo dabagal shaqo oo ay ku samaynayaan xafiisyada heer deegaan.
Guddigu waxay kormeerkooda ku bilaabeen Xafiiska Waxbarashada DDS, halkaas oo ay kaga dhagaysteen warbixinta shaqo oo uu siiyay Wasiirka Xafiiska Waxbarashada DDS Mudane Maxamed Sheekh Aadan kana warbixiyay shaqooyinka xafiiska iyo halka ay marayaan mashaariicda waxbarasho ee deegaanka ka socda.
Sidoo kale, guddigu waxay kormeer ku tageen Xafiiska Adeegga Shacabka DDS, halkaas oo ay geeddi-socodka shaqada kaga dhagaysteen Wasiir Kuxigeenka Xafiiska Mudane Faarax Cabdullaahi Abshir.
Kormeerkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo hufnaanta, dabagalka shaqo iyo isla xisaabtanka hay’adaha dowliga ah.